Caynaba Media Group

Maxa laga baran kara ololihii doorashadda 2017-ka iyo Sababa u fududeeyey inuu KULMIYE Guulaysto Barkhad-ladiif M. Cumar

0
Sunday December 03, 2017 - 19:22:14 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 73
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxa laga baran kara ololihii doorashadda 2017-ka iyo Sababa u fududeeyey inuu KULMIYE Guulaysto Barkhad-ladiif M. Cumar

    Inkastoo doorashooyin dhawr ahi ka dhaceen Somaliland, oo inta doorashaba aan codeeyey, haseyeeshee doorashadan way ka duwanayd kuwii hore waxaana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkastoo doorashooyin dhawr ahi ka dhaceen Somaliland, oo inta doorashaba aan codeeyey, haseyeeshee doorashadan way ka duwanayd kuwii hore waxaana

 tartamayey musharaxiin siman, awal hore waxa tartami jiray madaxweyne xilka hayey iyo xisbiyado mucaarad ah, balse imika madaxweynihii wuu ka tanaasulay inuu mar kale ku soo noqdo, taasina waxay ka dhigtay in saddexda musharaxba si siman iyagoo dibadda jooga tartamaan, waxaanu madaxweyne Siilaanyo amar ku soo rogay in aan hantidda dawlada lagu ololayn Karin.

Sido kale, wasiiradii xukuumaddii sidii looga bartay umay ololayn waayo madaxweynihii ay rajayn lahaayeen haddii ay soo saaraan inay soo celin lahaa muu sharaxnayn,  waxaanay door bideen inay ka gaabiyaan  inay u ololeeyaan, maadama oo aanay filayn in musharaxan kale soo celinayo iyo in kale.

Dhinaca kale, xisbiga KULMIYE ololihii wuxuu ku koobay xisbiga dhexdiisa, isago wasiiradu rajaynayeen in guddiyada ololaha xisbiyadda lagu daro aan badankooda lagu darin, taasina waxay keentay in aanay shaqaba qaban oo ay noqdaan daawadayaal.

Haddaba, Haddii aan qodobeeyo  sababaha ay ku kala guulaysteen xisbiyaddu iyo xisbi walba halka uu awoodda saaray waxay kala yihiin.

Xisbiga KULMIYE meelaha uu awoodda saaray ololaha iyo waxyaalaha u suurogaliyey inuu guulaysto waxay yihiin sidan hoos ku qoran:-

  1. Sideedii sanno ee mucaaradka ahaa ee Xisbiga KULMIYE iyo toddobadii sanno ee uu muxaafadka ahaa waxa uu yeeshay khibrad balaadhan oo ah laba marxaladood ee kala duwan iyo qaababka ololaha loo gallo, taasina waxay u sahashay inuu  deegaan walba iyo dhaqankiisa la jaan qaado oo ololaha ku gallo.
  2. Barnaamij siyaasadeedkiisa wuxu ahaa mid qoran oo aad loo buunbuuniyey, oo inta aanu soo bixinna hadal hayntiisu badnayd, markii uu soo baxayna gobol walba lagu soo bandhigay, iyadoo hawshaana loo xil saaray Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan si weyn isha loogu hayey aadna u afmiishaar ah oo dadka wax ka dhaadhicin kara.
  3. Musharaxa xisbiga KULMIYE wakhti badan kumuu luminin inuu cayda iyo aflagaadadda loo soo jeediyo uu ka jawaabo ama tii mid la mid ah ujeediyo, sidoo kalenaXisbiga KULMIYE waxa u sharaxnaa hogaamiye dhaqanka iyo deegaanadda si fiican u yaqaan,isla markaana deegaan walba oo uu tago uga aqoon badan dadka la socday, isagoo fariimo u saacidaya inuu cod ka helo kaga tagayey, tusaale ahaan deegaan walba oo uu tago waxa uu tusale usoo qaadanayey shakhsiyaad caan ka ah oo dadka deegaanku wada garanayey, waxa kale oo uu ka hadli jiray deegaankan waxa uu ku fiican yahay ee deegaanada kale dheer yahay ee u baahan in la maalgalinayo.
  4. Xisbiga KULMIYE wuxuu sii adkeeyey xulufada labaddii deegaan ee xisbigan ku heshiiyey, kuwaas oo aanu culays badan ku qaadan inuu wakhti badan ku lumiyo oo marka horaba iska abaabulsana kaliya la xasuusinayey sidii Siilaanyo codka loo siiyey in musharaxan codka loo siiyo, iyagoo laga dhigay sidii dad abaalkii lagu lahaa gudaya.
  5. Musharaxa xisbiga wuxuu ololaha ku galay in aanu balamo u samayn beelaha si aanay hadhow marka uu guulaysto caqabad uga noqon, waxaanu gabi ahaanba joojiyey inuu beelaha usii balanqaado wasiiradda uu siin doonno, iyadoo inta badan laga bartay musharaxiinta in markay sharaxan yihiin inay balamo hadhow ku adkaada fulinteeda inay sii balanqaadaan, waxaanay dadka qaar u arkayeen in arrintaasi uu ka leexday uu codad badan ku waayayo, haseyeeshee sida kale isku bedeshay oo wuu ku faa’’iiday.
  6. Gobolka Hawd oo loo tirinayey xisbiga WADANI ayaa habeenadii u dambeeyey ololaha uu olole weyn la dhexgalay isagoo ku guulaystay in xulufaddii uu xisbiga WADANI la lahaa Hawd ku guulaystay inuu kala jabiyo,isla markaana uu gobolka Hawd kala qaybsamo.
  7. Xisbiga KULMIYE marka uu labaddii deegaan ee xisbiga ku heshiiyey meel iska dhigay ayuu xooga saaray meelaha uu WADDANI taageerayaashiisa ku badan yihiin sida gobolka AWDAl iyo Hawd, labadaasi gobol qaabku kula qaybsaday waxa sabab u ahaa hadii aanu gobolka Awdal ku horeyno, gobolka Awdal marka si caadiya loo qiimeeyo 65% waxa taageerayaal ku haystay xisbiga Awdal, haseyeeshee codadka waxa uu ku kala jabiyey, markii uu uu Axmed Yaasiin Ayaanle loo sharaxay gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha Wakiiladda oo markii ugu horeysay taariikhda gobolka Awdal laga dhigay jagadaasi, si codad looga helo Awdal, taasina waxay kala jabisay taageeradii uu musharaxa madaxweyne ku xigeenka WADANI ku lahaa, qodobka labaadna waxa uu ahaa shirweynihii xisbiga WADANI ku dooranayey musharaxiintiisa ee uu dibadda dhigay Axmed Mumin seed, taas oo beeshii Mumin Seed u aragtay in la yasay oo talabadaasi xisbiga WADANI qaaday si weyn uga cadhaysiiyey, taas oo fursad u noqotay xisbiga KULMIYE, waana ta keentay in beesha siyaasi Axmed Mumin Seed iyo Beesha musharax Saylici oo hore siyaasada ugu heshiin jirin ay ku heshiiyaan , waxaanay noqotay cudud uu helay musharax Saylici , sidoo kale, waxa sii sahashay  xilal badan oo ay ka hayeen beesha Axmed Mumin Seed xukumadda, waxaanay sii kordhay cududii taageero ee xisbiga KULMIYE ku lahaa gobolka Awdal, waxaana saddexdii beeleed ee ugu waaweynaa laba kamid ah uu kulmiye hantiyey, halka beeshii 3aad la sii kala jabiyey oo uu badh soo goostay gudoomiye ku xigeenka wakiiladda Axmed Yaasiin, waxaana gobolkii Awdal loo kala jabiyey laba iyo badh taageero oo uu haysto KULMIYE, waxa kale oo uu sababay inuu la qaybsado codadkii uu heli lahaa WADANi ay tahay balanqaadkii u horeeyey uu uu Musharax Muuse Biixi balanqaaday inuu dhisi doono wadadda Saylac ilaa Boorama taas oo baahi badan u qabaan gobolka Awdal.
  8. Gobolka hawd oo iyaduna is bahaysi la lahayd xisbiga WADANI ayaa musharaxa xisbiga kulmiye garnaqsi uu la galay sababtay inuu Balligubadle codad badan ka helo, isagoo musharax Muuse ku dooday in raga sharaxan cid uga aqoon badan gobolka Hawd aanu ku jirn, waxaanu sheegay in laba qof oo kaliya u ogol yahay in gobolka Hawd codkiisa kula tartamaan, labadaasi qof-na ay kala yihiin qof SNM ahaa oo Balligubadle si fiican u garanaya oo dhex seexday iyo qof deegaanka Hawd ah  kaliya uu u ogol yahay inay kula tartamaan, haseyeeshee labaddaasi midkoodna aanu sharaxnayn, taas bedelkeedna uu ku garnaqsaday in isagu u mudan yahay musharixiinta kale ee codka waydiisanaysa waxaanu ku dooday inuu isagu yahay nin reer Hawd ah oo uu ku faano.


     
  9. xisbiga KULMIYE waxa uu awoodda saaray dadka baadiyaha ku nool iyo tuulooyinka oo u arkayey inay ka daacadsan yihiin kuwo magaalooyinka, waxaanu khudbado badan u jeediyey in xoolaha iyo beeraha wax badan u qaban doono, iyagoo u nisbaynaya inuu xoolaha iyo beeraha aqoon badan u leeyahay ayuu cod badan kaga helay.
  10. ficilka taageerasha xisbiga WADANi waxay toosisay deegaano badan oo aan u diyaar ahayn inay kulmiye Taageeraan oo deegaanka Musharax Muuse ka soo jeeddo, waana taariikhda markii ugu horeysay ee hal meel wada maraan, iyadoo aan ku heshiin jirin inay dhinac wada maraan.
  11. musharaxa xisbiga KULMYE doorashada uga soo qaybgalay wuxuu ku doodayey inuu 27 sanno ee dalku jiro marnaba uga bixin,isla markana uu og yahay meelaha ay hagaajinta u baahantahay, waxaana musharaxiinta kale ku duray inay qurbo joog yihiin oo xiitaa aanay caruurtoodu dalka ku aaminin inay ku noolaadaan,taas oo dadku u arkeen in musharaxa noloshoodda og ama dhibaato kasta la qaybsanaya ee maatidiisa wadanka joogto dalka ku aaminaan, taasina fursad bay u noqotay xisbiga kulmiye guushiisa, sidoo kale, dadka wadanka ku nooli inta badan ma jecla qurbo joogta oo waxa xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo ku dhaliili jireen in xaalada adag ee wadanka uu galay ay sabab u ahaayeen qurbo joogta golaha Wasiiradda ku badan oo kaliya u shaqo yimid wadanka.
  12.  hanaanka ololaha ee  looyaqan siyaaasadda qarsoon oo uu kulmiye ku shaqaynayey,taas oo uu fahmi karo siyaasi muddo dheer wadanka ku suganaa, waxaanu ololaha u galayey dariiqoonka dhaqanka ee bulshada miyigu fahmi karto, isagoo bartilmaameedku u ahaa in deegaanadda musharaxa kale ka soo jeedin ay xooga saaraan.
  13.   kulmiye waxa ololaha xisbiga u dajiyey rag waayo ragnimo u leh dadka iyo deegaanka,waxa kale oo wax kaga dari kartaa cilmiga qaaxism-ka ee jabhaddaha oo iyana ah aqoon kale oo khibradeedda wadata.

    La soco qaybta 2aad iyo sababta keentay guuldarada Xisbiga WADDANI.

    Barkhad-ladiif M. Cumar

    barkhadladiif@hotmail.com

    252-634489033

    Hargeysa, Somaliland.

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip