Caynaba Media Group

MAXAAD U DOORATAY MADAXWEYNE CUSUB MUDANE MUUSE BIIXI CABDI

0
Monday November 27, 2017 - 17:53:54 in Maqaallo by XA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXAAD U DOORATAY MADAXWEYNE CUSUB MUDANE MUUSE BIIXI CABDI

    1. inuu mansab kugu abaal gudo ama fursad dhaqaale kugu saacido 2. inuu reerkiina mansabyo sare ku taxo degaankiina mashaariic ka fuliyo taasoo uu uga sedburinayo somalilandta kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1. inuu mansab kugu abaal gudo ama fursad dhaqaale kugu saacido 2. inuu reerkiina mansabyo sare ku taxo degaankiina mashaariic ka fuliyo taasoo uu uga sedburinayo somalilandta kale

3. inuu xaalada dhaqan dhaqaale ee somaliland wax ka qabto oo dhiso nidaam dawladeed oo leh haygal iyo kala danbayn sharcigu shaqeeyo kaasoo dadka xilalka qaranka qabanaya lagu soo xulayo nin iyo kartidii iyo aqoontii



hadii damacaagu 2qodob ee hore ahaa waqtigan la joogo la kulanka madaxweynaha fursadi kuuma banaane waxaa la wadaa hawl qarane qooraansiga iyo hadba doc isa soo taaga iska daayoo taada kuu gaarka waqtigeeda la sug hadiise damacaagu ahaa doorashada madaxweyne daacad ah oo dadka mideeya oo dalka dhisa oo duruufaha dhaqan dhaqaale ee bulshadeena haysta wax ka qabta kaasoo leh  go,aan qaadasho uu ku wajahayo hawlaha baaxada leh ee sugaya taas waad ku saxsanayd waxaana aad gutay waajibkaaga distuuriga ah     

sida laga soo sheegayo caasimada hargeysa waxay la ciirciiraysaa dad xilal doon ah kuwaasoo labo gabale gaaf wareegaya agagaarka guriga madaxweynaha cusub kuna jira kuyuu aan dhamayd lahayn dadkaas oo midkiiba ay gelbinayaan raxan kale oo isugu jira madax dhaqameedkisa iyo baayacmusharkiisa kuwaasoo u  weeran in xilalka qaranka lagu taxo dad ay iyagu keensadeen



miyaanay ku qurux badnayn kol hadaynu madaxweynihii dooranay inaynu fursad u siino inuu isagu soo dhiso dadkii uu xilalka qaranka ku aamini lahaa ee la shaqayn lahaa hadaynaan fursad uu wax ku xushaba siin beri ka maalin markay murugto oo isku dhex yaacdo maxaynu kula xisaabtami doonaa ileyn hebelo aynu wadano ayaa xilalkii loo dhiibee wixii qaloocda ma inagaa qaloocinay mise madaxweynaha



ninkasta wixii loo qoray seegimayaan ee gobanimada iyo milgaha yeynaan ka tegin oo dadku madaxweynaha waa wada doortee weynaan iska bidin dadka kale oo ka dhigin in dad gaar ahi doortay oo keligood libta keeneen waxaan ku soo gebogeaynayaa madaxweynaha cusub ha la siiyo jaaniskuu ku xulin lahaa xubnihii la shaqeyn lahaa oo isbarbaryaaca iyo kala horarsiga aynaan caadada u lahaan jirin ha la joojiyo

waa maxay fartii aynu ugu codeynaybaa weli ina qoyanoo markaasaynu fayl dheer u galaynaa gurigii madaxweynaha kaasoo qof kasta leeyahay anna way kan waar waxaasi dhaqankeenii iyo caadadeenii maahee joojiya oo nasiibkiina suga

 

jaamac cabdillaahi suleymaan

cigaal215@gmail.com

BERBERA

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip