Caynaba Media Group

Maayirka Hargeysa Oo Looga Yeedhay Xarunta Ciidamada C.I.D-da .

0
Tuesday November 14, 2017 - 14:06:06 in Wararka by MA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 1121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayirka Hargeysa Oo Looga Yeedhay Xarunta Ciidamada C.I.D-da .

    Hargeysa(CYN) warar hoose oo ay helayso shabakada Caynabanews ayaa sheegaaya in ciidamada dambi baadhista ee C.I.D-du u yeedheen maayirka magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(CYN) warar hoose oo ay helayso shabakada Caynabanews ayaa sheegaaya in ciidamada dambi baadhista ee C.I.D-du u yeedheen maayirka magaalada Hargeysa.


Maayir Cabdiraxmaan Soltelco ayaa la sheegayaa in lagu haysto faro gelin uu shalay isku deyey inuu ku sameeyo goob doorasho ku taala xaafadda Cabaaye ee magaalada Hargeysa.

Maayirka ayaa la sheegay in uu watay ciidamo aad u tiro badan markii uu goobtaasi gaadhey, waxaana isku dhacay dadkii goobtaasi ka codaynaayey .

Waxaana wararku intaasi ku darayaan in maayirka looga yeedhay xarunta C.I.D-da , isaga oo markii dambe ku andacooday inuu hawlo badan hayo oo aanu haleel hayn.

Ciidamada ayaa ku haysta maayirka magaaalada Hargeysa inuu faro gelin ku sameeyey goobtaasi codbixintu ay ka dhacaysay, waxaanu maayirku ciidamada u sheegay in uu maalinta berry ah tegi doono xarunta C.I.D-da.

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip