Caynaba Media Group

Kulmiye waa xisbigii guusha

0
Monday October 30, 2017 - 16:52:27 in Maqaallo by XA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulmiye waa xisbigii guusha

    Guul iyo farxad kasta oo umadi gaadho,waxa shardi u ah in loo soo maro,caqabado iyo wakhtiyo aad u ad- adag taana kulmiye wuu soo maray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guul iyo farxad kasta oo umadi gaadho,waxa shardi u ah in loo soo maro,caqabado iyo wakhtiyo aad u ad- adag taana kulmiye wuu soo maray.

Siyaasadu waxay shabahdaa cilmiga oo sida loo dhisayo ayay cimri dhan sidiisa u qaadataa,taana kulmiye waxaaba usii dheer inuu u nool yahay,aasaasihii cimrigiisa ku soo tabcay kulmiye.


Kooxda umad hogaankeeda ku guulaysataa waa kuwa iyagoo is hayay hadana si niyad sami ah isu jeclaaday taana kulmiya waynu ka haynaa.

Xisbiga guulaystaa waa ka isku kalsoon waxaana badata sixitaankiisa, qaladaadkiisuna wuu sii yaraadaa,taana xisbiga kulmiya waynu ka haynaa.

Siyaasada iyo xisbiga guulaysanayaa waa ka shacbigiisa ula socda sida doontu biyaha ula socoto taana kulmiya taariikhdaa u qoraysa.



Siyaasada wixii wakhti iyo fursado hore kaaga lumaa inay kaa sii fogaadaan mooyaane dhayalkaa kuma soo  noqdaan ,sidaa daraadeed kooxdan kulmiye  la tartamaysa waxa ku badan rag raba inay saacado iyo wakhti hore u tagay dib usoo celiyaan ,halka uu kulmiye isagu  fursadihiisii dahabiga ahaa hore uga soo faa’iidaystay.


Si aad guusha ula saro kacdo waa inaad marka hore si fiican u fadhiday,xisbiga kulmiye sanado badanbuu u  soo fadhiyee ha la yaabin si wacan ula saro kaco guushiisa maanta.

Siyaasadu dagdag uma baahna,waxayse leedahay in loo soo jiireeyo,kulmiye raga la tamtaya qaarkood dagdaga waxa usii dheer mabay soo jiirayn.


Siyaasada guulaysataa waa ta sida geedka midhaha badan sugta intay midhaha iyo ubuxu bislaanayaan, si ay iskood ugu soo go’aan, taana kulmiye midhihuu beeray  nabada iyo horumarkaa  ka kow ah.


Siyaasada iyo xisbiga guulaystaa waa ka jecel waxa uu qabanayo balse maaha kan samaynaya wuxuu jecel yahay,xisbiga kulmiye inuu somaliland jecel yahay waa markhaati ma doonto sida cadeeda u muuqata.


By Maxamed cali dhagalaab

Paris France 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip