Caynaba Media Group

Hawadeennan Qaniga ah, iyo Dadkeennan Qatan, By: Jama Hassan (Jama Raan

0
Sunday October 22, 2017 - 15:39:20 in Maqaallo by XA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hawadeennan Qaniga ah, iyo Dadkeennan Qatan, By: Jama Hassan (Jama Raan

    Ugu horrayn aan hadalkaygan yar ee koobaan u sameeyo afeef reeb, marka xigtanna aan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu horrayn aan hadalkaygan yar ee koobaan u sameeyo afeef reeb, marka xigtanna aan

u hondadago ula jeeddkayga, oo aan ka faalloodo ciwaanka aan kor kuu xusay, "Hawadeennan  qaniga ah, iyo Dadkeennan qatan".



qalinkaygu maaha mid qabyaaladaysan, mana ahaa mid qof dulmiya, ama duudsiga wax uu xaq u leeyahay, maaha qabiil u adeegga, isla markaasna raaca haddba qanciya ciddii uu u arko in ay isku dan yihiin, malaha qoonsimaad, iyo erey qalafsan, malaha qaylo iyo qoomamo danbe; waa qarankiisa u adeegg'e, waxaa uu ka dheer yahay qiiro iyo xaaladda abuur, waa xaq u dirir, xaq alle ku taagan "allahayoow inta xumaha jecel iyo xaasidkaba ka xijaab xukuumadda barakaysan".


Haddii aan intaas gogol-dhig ka dhigo, waxa aan iska bilaabayaa, mawduuca aan ka faalloon doono, waana kii aynnu hore u soo sheegnay, horta waa in aynnu si dhab ah u nidhaahno,  iyadda oo ay niyadeenna ka soo go'aday hawadeennu waa qani, waa hawo dihin, oo dabeeci ah, waa hawo saafi ah, hawo aan la bedelin ama aan wasakhaynin, haddii laga faa'iidaysan waayo-na, way baylihi doonta, way bilic guuri doonta.

aan dhan kale iska taago, tiknoolajida casriga ahi, waxa ay suuro gelisay, in adduunka afartiisa jiho iyo inta u dhexaysaba, ay daqiiqado iyo il-bidhiqsiyo, war iyo wacaal laysugu gudbin karo, loo kala goosho, loo kala safro, loo kala duulo min mashriq illaa maqrib, barri iyo galbeed, waqooji illaa konfur, iyo inaha ay cagaha kuu jiitaan.


Aan ku soo durko hawada soomaalilaan ee dabiiciga ah, imisa diyaaraddood oo aan cashuur naf leh, bixinin baa maalintii mara?, isbuucii imisaa u kala haada meel heblaayo iyo meel heblaayo?, bishii, imisaa ku dawaafa, oo siday doonan ugu tagri fala?

aynnu inahaa duulimaad-yadda kagaga nimaadno, dayax-gamceedyadda aynnu is dul taagno, raadaayaladda, ateenooyinka, IWL. ee sidda bilaa sharciga ah ugu shaqaysta aynnu lafo-gurno aafooyinka ay innaggu hayaan.

Dhibaatooyin badan bay hawadeenna ku hayaan waxba hoos ugu dhaadhicimayno, khabiiradda iyo qolyaha aqoonta sare u leh baynnu u daynaynaa, innaggu waynnu baraarujinaynaa, waynnu tilmaamaynaa, waynnu toosinaynaa wixii khaldan.


Aan in yar ka nidhaahno faa'iidooyinka iyo waxtarka ay hawadu innoo leedahay:

 


 

 

  1. Faa'iidada kowaad neef qaadasho, haddii aynna hawo jirin naqaska baa innaggu dhegi lahaa laakiin'se alle (swt) wuxuu innaggu galaday hawo saafi ah oo aynnu qaadano, oo aynnu haddana siidayno, iyadda oo qashin ah, waa wareegto haddana dib bay u qaadanaa intaasi waa curiyaha ogsojiin iyo caarboon laba ogsaydh.
  2. Bilicda iyo qurxinta deeggaanka, haddii ay jirin hawo ka madhan sumaha iyo waxyaalaha nabaad guuriya dhirta, geedaha mid dheer, mid gaaban, iyo mid dhul jiif ah, waxaa la helayaa dhul qurxoon, laakiin'se haddii la waayo, waxaa soo baxaayaa dhul khariban, oo bahdilan oo xaaluf ah.
  3.  U adeeggsiga hab isu socodka gaadiidka hawada sare mara, sidda dayuuradaha, dal illaa dal u kala goosha.
  4. U isticmaalista hanaanka shabakaddaha, kuwaas oo midi labo af leh ah, haddba siddii looga faa'iidaysto ah samo iyo xumaan, labadaba leh.
  5. Maal gashi iyo dhaqaale ka samaynta, haddba iyadda oo ay ku xidhan tahay, qaabka iyo habka loo maraayo ama loo fulinaayo.




Talo kuu socota xukuumadda imaan doonta, tan maanta joogtaa socotayo,  alle mahadii intii rabbi u sahlayna qabtay, mahadin iyo mahad-celinba way kuu mutaysatay, wixii ka qabyo ahna,  kuwa danbe aynnu leenahay, waar ha lays waafajiyo, baahiyaheenna, duruufaheenna, iyo  hantidda weliba ta hawada, oo cashuurtooda ha la adkeeyo, website-yadda sidda sharci darrada, ah shaqaysta, matalan whatsapp-ka, viber-ka, imo-da, snapchat-ka, instagram-ka, iyo shabakaddaha gaarka loo leeyahay, weliba kuwa aan ruqsad iyo ogolaanshaha u haysanin in ay dalka ka hawl-galaan, aynnu la xisaabtano, oo dakhli aynnu ka samayno, waxaa jira dunida dawlado yar yar oo isku filaansho gaadhay, maxay taasi ku timi?, waxaa  aynna fursad u siinin, in hawadooda layska maamusho, layska isticmaalo bilaa idan, bilaa ogolaansho, haddii aynnu dhaayamaha furno, oo eegmada iyo aragba sare u qaadno oo meel dheer wax ka jeedaalino is bedel muuqda baa imaan doonaa, dad hawadooda u war haya, oo xadayn kara oo xakamayn karaa baynnu noqonaynaa, dadkeenna jilicsan baynnu hawadooda ugu faa'iidayn lahayn, oo faqriga, gaajada, dhibta iyo diihaalka kaga saari lahayn...

Alla Mahad Leh.

Jaamac Xassan Maxamed (Jaamac Raan)

Jaamac_gadari@hotmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip