Caynaba Media Group

Xil.Buubaayow ha kaw-kaw leyne kulmiye kaaley ama killinka 5aad aad sababahan dartood !! Dr.khadar-Libaaxley

0
Tuesday September 12, 2017 - 17:00:49 in Maqaallo by XA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xil.Buubaayow ha kaw-kaw leyne kulmiye kaaley ama killinka 5aad aad sababahan dartood !! Dr.khadar-Libaaxley

    Abwaankii weynaayee salaan carabey baa waxa laga hayey naxariistii jano rabi haku galadee :-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abwaankii weynaayee salaan carabey baa waxa laga hayey naxariistii jano rabi haku galadee :-

hadaad  ficil hinaasiday   asaad   hiilin  kariweyday  

ma  afkaad ku  hawl  bixi Cidlaad   ka  hanjabeysaaye !!.

 

 

 

Xildhibaan  ibraahim qaladka  adigu  malihid; waxa   wax-saarka   leh waa  kaalinta  iyo hulada  ka   banaanaatay xisbiga  mucaaridka  ugu  tafo  weyn  ee wadani;   kadib  iscasilaadii naxdinta  badneyd  ee xildhibaan  siciid  cilmi rooble ;  oo  aan ka  tacsiyadeynayo   xisbiga idil  ahaantii;  oo  aad  adigi isleedahay  adiga  oo guhaadinaya  ( siciid  kaalintiisii waa  in  aad  buuxisaa!! )  xaasha  ha u  fadhiyin  taas, ma  buuxin  kartid kaalintii  uu  ka garaaci  jiray  xil. Siciid cilmi;  waxase  aan kuugu  bushaareynayaa  ( daciga siciid  cilmi  rooble maaha  mid  qaayiba muxaafidnimada inta  uu  diiqad baxayo  ayeynu  sugeynaa ee  uu  kulmiyana codka  siinayo !!  guusha kulmiye  waxa  yar kadib  waxa  aad arki  doontaa  siciid oo  dhag  laqabto la heyn  oo  xisbiga wadani  madax-madax  u soo  muquuranaya  insha’allaah!! waayo  xil.siciid sida  balwada  kadaran ayuu  mucaaridnimada  ugu buseylaa !!  illaa  hada inta  aynu  ka darisnay!! )

 

 

Isku  dhiib  xildhibaan  sababahan  dartood :

 

 

Xisbiga  kulmiye waxa  uu  godka guusha  galbiyey   maalintuu soo  xero  galiyey shaxda  shakaalada  xisbiga ee  ( axmed  muumin seed  iyo  jamaal cali  xuseen;  si ka  dhow  sidaasna; haanta  marka la tollaayo  guntaa  laga soo  tollaa;  guri marka  la  dhisaayana sees  adag  yaa loo  yeelaa;  kulmiye waxa  uu  guuleystay markay  beelaha  Subeer Awal  guud  ahaan hadafkooda  siyaasiga  ah  mideeyeen  ee  hal musharax  oo  kaliya  muruq  iyo  maal ku  muuneeyeen;  halka  Beelaha  Garxajis  aaney mideysneyn  niyad  ahaan; mid kastaana  dhankiisa  xisbi u  gaara  eryanaayo; aragtidayda  waa  hubaal in  ay  guuli dheertahay  waayo  rabi hadiyo  jeer  waxa uu  la  jiraa ummada  mideysan; ).

 

Markale  ifafaalaha muuqda  waxa  hor dhac  u  ah  guushii  xisbiga   kulmiye ku  guuleystay  gudoomiyaha iyo  gudoomiye  xigeenka golaha   wakiilada  oo  macneynaysa  in kulmiye   diyaarsaday  baarllamaankii  la shaqeyn  la  haa  doorashada  kadib !!.

 

 

 

Tallo  soojeedin  :

 

 Mudane xildhibaan  dhamaan   hoga tusyadaydani  waxa  ay ku  saleysanyihiin  xaqiiqooyin aan  ka  soo faluuqay  sooyaalka  xisbiyada iyo  sida  amuuruhu u  socdaan;  maanta iyo  sabankan  sax waxa  ah  had ba  dhanka  laydhu u  dhacayso  in aad  isku  daad raaciso  si  aaney kuugu  dhufan  duufaan siyaasadeed  oo  lamid ah  taa  hada  ( ka  dhacaysa  Latin America )  kulmiye  isku dhiib  cidi  kaama xigtee  ileyn   isba waa  xisbi  qaran e’   waliba  waa suuragal  in  aad fursad  dheeraad  ah ku   hesho,  waayo hada  xisbiga  wadani adiga  iyo  adeerkaa siyaasiga  weyn  ee ismaciil   hurre  buubaa ayaa  ku  wada jira ;  xisbi   mucaarid ahna  2ba  nin oo  isku  adeer ah   xataa   haday  guuli  timaado  ma wada  qaadi  karayo; hadii  la  guul dareystana   kaba   sii  arin  iyo  arag  xun;  hadaad  yeeli weydana   kilinka  5aad aad  iskaga  nasiimo   tagto; illeyn  faysal  caliba waa  kii  tiraabay hadii  laga  guuleysto in  uu  qurbaha dib  ugu  guryo noqonayee;  in kasta  oo aan   qof  ahaan ugu   hanweynahay  in faysal  cali  waraabe laga  dhigo  ( gudoomiyaha  golaha  guurtida ) waayo  waa nin  weyn  oo in  badan   hungoobey in  laga  meydhana istaahil  ku  ah ; waxaanan  qabaa   GARXAJIS maalinta  uu  si niyad  ah  u midoobo  guul  ha haybiyo  inta  ka horeysana  umadiisa   dhinac haka  raaco !!.

 

 

 

Aragti  shakhsiyeedkayga :

 

Qof  ahaan  anigu   waxa  aan  aaminsanahay  in  dastuurka la  furo  kaabis iyo  wax  kabadal  lagu  sameeyo   oo waa  tuu  lahaa  abwaan  cabdi  ismaciil lahaa ( Halka  lagu  qubeystaa biyaha  la  isqotomiyaa……….. muhiimadu  in  REER  AWDAL  ay helaan   Dawlad  goboleed ay  wada  leeyihiin Samaroon + Ciise + Isaaq ; si buuxda  ayey  isku bixineysaa   waliba  dhaqaale laxaadle  oo  somaliland inteeda  kale  anfaca ayey  soo  saareysaa halasameeyo   maamul  daadajin buuxda ;  dareemada  guud ee  istuhunsana  wey degayaan   tamarta   iyo tacabka  tuhunka   ku maqana  uu  taabo galayaa  insha’allah ) 

 

 

 

 

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts

 

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip