Caynaba Media Group

Xaalufka Dhirteena: Waa maxay doorkeenu?

0
Monday September 11, 2017 - 19:34:02 in Maqaallo by XA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalufka Dhirteena: Waa maxay doorkeenu?

    badan ee aqoonta guud u leh deegaanku waxaynu ka war qabnaa in celcelis ahaan 30%uu dhulku (Earth) yahay berri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

badan ee aqoonta guud u leh deegaanku waxaynu ka war qabnaa in celcelis ahaan 30%uu dhulku (Earth) yahay berri

haddaba, 30% kamid ah berrigu waxa ku fadhiya kaymo baddan oo ku kala filiqsan qaaraha toddobada ah. Runtii, tirada kaymaha iyo geeduhu intan way ka badnaayeen intaanay dadku bilaabin xadaaradaha kala duwan iyo horumarka aan kala go’ lahayn ee lagu balaadhinayo dhismayaasha kala duwan ee bina aadamku u adeegsadaan haday tahay guryo, buundooyin, shirkado, xarumo ganacsi iyo dhismayaal kale oo waxtar inoo leh.

Dhirta sida galoolka, maraaga, qudhaca iyo dhirkale oo faa’iido balaadhan inoogu taagan ayaa maalin kasa la garaacaa oo dhuxul laga shidaa. Tusaale ahaan gaadhiga kaliya  ee dhuxusha soo qaadaa waxay uu ka kooban yahay ugu yaraan 30 geed oo kala duwan oo waxtar badan u lahaa deegaamada ay ku yaalaan. Ma is waydiisay imisa baabuur oo dhuxul wada ayaa maalin kasta dalka soo gala? Imisa geed ayaa la gubi karaa bishi adigoo qaadanaya celceliska ugu yar ee kor aynu kusoo xusnay? Geedke u badan ee la gubaa? Deegaanadee ayay dalka kaga yaalaan? Waa maxay waxarka ay ugu fadhiyen deegaanada ay ku yaaleen? Iyo dhammaan su’aalo badan oo u baahan inaynu la nimaadno si dhibaatada lagu hayo xaalufka dhirta aynu u qiimayno.

Saamaynta deegaanka iyo nabaad guurka aan la cabiri karin ayaa kamid ah dhibaatooyinka xaalufka geedaha. Qaabaynta, kala filiqsanaanta dhirta iyo is-dhexgalka nololeed eek u gedaaman meelaha ay dhirta la jarayaa ku yaalan ayaa waxay khal khal ku keenaysaa nidaamadii dabiiciga ahaa ee kobcinta iyo taranka waara ee dhirtaas. In kastoo garaacista dhirta lagu hayo aan lawada fahansanyn khasaaraha ka iman kara, waxa haddana jirta fikir guud oo ah in aanay sina u wanagsanyn dhir goyntu.

Si kastaba ha ahaatee, daladda Ilaalinta Kala duwanshaha Bay’ada ee Somaliland Biodiversity Forum (SBF) oo qayb ka ah Jaamacada Hargeysa, Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, hayadaha ilaalinta deeganka ee caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah sida Candlelight waa inay iska kaashadaan ilaalinta dhirta debiciiga ah ee sii dabar go’aya. Cilmi baadhis balaadhan oo lagu tiro koobayo noocyada dhirta ee dalka kusi yar, kuwa ku badan, ku dabar goay, iyo kuwa deegaanada qaar ku badan qaarna ku yar. Haddii waxqabadkan laga wada shaqeeyo waxaynu ogaanaynaa oo is barbar dhigaynaa waxtarka dhirta kala duwan ee la diwaan geliyay waxay taasi inoo sahlaysaa inaynu ogaano khasaaraha ina soo gaadhay iyo dhirta qiimaha leh ee gaababsiga ah ama dabar go’dayba.

 

 

Ugu dambayn, waa in si taxadir leh looga fikiraa dhir goyntan xad dhaafka ah ee dalkeenii kusii riisaxaysa lama degaan iyo dhul aan waxtar badan lahayn.

Magac: Maxamed Rashiid Xuseen

Ciwaanka: 063 4002027

Email: mohamedrashid402@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip