Caynaba Media Group

Buldhada Ku Dhaqan Gobolka Oo ka Dayrinaya Gudida Kanbaynka Xisbiga Kulmiye Usoo magacaabi Gobolka Togdheer Kadib Markii la Sheegay In Gudoomiye Looga Dhigayo Xildhibaan Obaame+Faalo

0
Friday September 08, 2017 - 18:34:50 in Wararka by
  • Visits: 417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Buldhada Ku Dhaqan Gobolka Oo ka Dayrinaya Gudida Kanbaynka Xisbiga Kulmiye Usoo magacaabi Gobolka Togdheer Kadib Markii la Sheegay In Gudoomiye Looga Dhigayo Xildhibaan Obaame+Faalo

    Burco(CYN)Iyadoo Ay Dhawaan Bilaabmi Doonaan Olalaha Kaanbaynka Xisbiyada Qaranku Ugelayaan Doorashada Ayaa Waxaa Isasoo Taraysa Dayrada Laga Muujinayo Cida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(CYN)Iyadoo Ay Dhawaan Bilaabmi Doonaan Olalaha Kaanbaynka Xisbiyada Qaranku Ugelayaan Doorashada Ayaa Waxaa Isasoo Taraysa Dayrada Laga Muujinayo Cida
 Uu Noqonayo Gudoomiyaha Kaanbaynka Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Togdheer,Xisbigaasi Oo Ah Ka Ugu Awooda Badan Gobolka Togdheer.

Is Jiid Jiidka Iyo Xodxodashada Ayaa Ka Socota Magaalada Hargaysa Burcona Waxay Noqotay Meel Loosoo Dhaansi Tago Maadaama Halka Lagu Xulayaa Gudida Kaanbaynka Aanay Ahayn Gobolka Togdheer Hase Yeeshee Dulsaar Ahaan Looga Keenayo Magaalada Hargaysa.


Xaalada Ayaa Haatan Taagan Meeshii Ugu Adkayd Maadaama Sida La Sheegay Gudoomiyaha Kaanbaynka Laga Dhigayo Xildhibaan Obaama Oo Aan Awood Badan Ku Lahayn Gobolka Togdheer Isla Markaana Ka Mid Ahaa XIldhibaanadii Kasoo Baxay Gobolka Togdheer 2005,Taasi Oo Ay Inbadan Oo Kamida Bulshada Gobolka Togdheer Aamin Sanyihiin In Aanu Waxba Kusoo Celin Gobolka Togdheer Ee Laga Doortay .

Xildhibaankan Ayaa Waxaa Kamida Dadka Sida Wayn U Diidan Beesha Uu kasoo Jeedo Waxayna Ku Dhaliilayaan Inay Ku Khasaareen Isla Markaana Aanu Waxba U Qaban Mudadii 10 Sano Ahayd Ee U Fadhiyey Golaha Wakiilada.

Xildhibaan Obaama Ayaa  Isagu Awood Wayn Ka Haysta Gudoomiya Xisbiga Kulmiye Wuxuuna  Isku Deyayaa Inuu Awood Ku Maquuniye Cida Kasoo Horjeeda. Waxaase Iswaydiin Mudan In Damaciisu U Hirgalayo Iyo Inkale.

Dhawaan Waxaa Meesha Ka Bixi Doonta Awoodaha Gudida Fulinta Ee Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Togdheer,Gudoomiyaha Xisbigana Awoodiisa Ayaa Wiiqmi Doonta Maadaama Aanu Gacanta Lagalyn Kaanbaynka Oo Xubno Loosoo Xulay Oo Gaadhay 27 Xubnood Gacanta Ku Dhigi Doonaan.
Sidoo Kale Waxaa Meesha Ka Bixi Doonta Xubnaha Gudida Fulinta Oo Iyagu Xaq Uleh Inay Door Wayn Ka Qaataan Kaanbaynka Xisbiga Kulmiye,Arintani Ayaa Muujinaysa In Ay Xisbiga Kulmiye Ay Soo Wajahayso Xaalad Adag Iyadoona Ay Intaasi U Dheertay Guutooyin Kala Socda Oo Kooxiba Gaarkeed Wax U Doonayso Taas Oo Sababtay In Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Uu Iska Weeciyo Xulashada Gudoomiyaha Iyo Gudida Kaanbaynka Ee Gobolka Togdheer  Oo uu U Xilsaartay Xubno U Xusul Duubaya Mr Obame.


Hadii Ay Dhab Noqoto In Gudoomiyaha Gudida Kaanbaynka Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Togdheer Uu noqdo Xildhibaan Obame Waxaa Meesha Ka Bixi Doonta  Teegeero Badan Oo Uu Xisbiga Kulmiye Ka Haysto Gobolka Togdheer Iyo Deegaanada Ku Xeeraan Maadaama Ay Bulhada Gobolka Togdheer Waayi Doonaan Rajooyinkii Ay Ka Filayeen Xisbiga Kulmiye Oo Wajahada Soo Saartay Dad Ay Sida Ay Iyagu Aamin Sanyihiin Ay Ku Khasaareen.


Cabdilaahi Xasan Cali
Burco Somaliland
cabdilaahi_1@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip