Caynaba Media Group

Wasaaradda Caafimaadka oo Baaq ka Soo Saartay Wasiir ku-xigeen la Eryey oo la Baxsaday Gaadhi Dowladeed

0
Monday September 04, 2017 - 09:42:18 in Maqaallo by XA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Caafimaadka oo Baaq ka Soo Saartay Wasiir ku-xigeen la Eryey oo la Baxsaday Gaadhi Dowladeed

    Wasiir ku-xigeenkii hore ee wasaaradda caafimaadka Xassan Daahir Dhinbiil ee la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ku-xigeenkii hore ee wasaaradda caafimaadka Xassan Daahir Dhinbiil ee la

baxsaday gaadhigii dowlada ee uu watay ka hor intii aanu xilka ka qaadin Madax-weynaha Jamhuuriyada Somaliland,  Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), isla-markaana, gaadhigaasi aanu ku wareejinin wasiir ku xigeenkii cusubaa ee xilka kala wareegayey wakhtigii xil-wareejinta  ee 18/June/2017.

Gaadhigaa dowlada ee uu la baxsaday masuulkaas, ayaa ahaa gaadhi noociisu uu yahay TOYOTA Brado oo Taarikaddiisuna ahayd 1990 GT, inta uu ka furay taarikadii dowlada uu ku xidhay taarikada gawaadhida dadweynaha 67902, gaadhigaas oo aanu illaa iyo hadda kusoo  wareejinin Wasaaradda Caafimaadka.

Waxa ayaan darro ah in masuul uu ku maqan yahay gaadhi dowladeed uu warbaahinta la soo fadhiisto, ceebeyn iyo aflagaado qaawan oo uu ku weerarayo Madax-weyne ku xigeenka, ahna ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo magaciisa iyo muuqiisaba umada baray.

Waxa kale oo aanu ku wargalinaynaa hanta-dhowraha guud ee qaranka iyo  Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, Guryeynta iyo Gaadiidka ay soo xidhaan masuulkaas la baxsaday hantidii dowladu lahayd ee loogu adeegayey qaranka Jamhuuriyada Somaliland .

Maxamed Faarax Qoti

mfqoti@gmail.com


Madaxa Is-gaadhsiinta X-Adeegyada Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip