Caynaba Media Group

BOQORKII NAXARIISTA BADNAA IYO XAABOOLIHII MUXUU UGU ABAAL GUDAY?",.

0
Wednesday August 30, 2017 - 17:25:17 in Maqaallo by XA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BOQORKII NAXARIISTA BADNAA IYO XAABOOLIHII MUXUU UGU ABAAL GUDAY?",.

    Miyaanay ahayn kuwii yaqaanay xiligii uu gaajoonayey ee uu maraqlaha ahaa,sideedaba Dadku waa qaybo badan mid reerkoodu ladan yahay oo ladnaantii ka baxday oo iskii u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Miyaanay ahayn kuwii yaqaanay xiligii uu gaajoonayey ee uu maraqlaha ahaa,sideedaba Dadku waa qaybo badan mid reerkoodu ladan yahay oo ladnaantii ka baxday oo iskii u

Shaqaysta,mid reerkoodu ladnaantii aanay ka guurin oo nimco iskaga jira,mid tolkii gacan

Qabto,mid reer abtigii gacan qabto,mid seedigii gacan qabto isagoo hooyaddii riyaha raaci jirtay

Walaalkiina baalash leh ahaa, mid iskii isu dabara oo shaqo taga.

M/wayne Axmed-Siilaanyo wuxuu noqday lana mid yahay boqorkaas naxariista badan oo waxaa

Kuu cadaynaya nin neceb iyo mid  jecelba xilal ayuu u magacaabay,mid aqoon leh iyo midaan

Lahaynba,mid maangaab ah iyo midaan ahaynba xirsina xaaboolihii kama

Duwanaa ee samaystay dad aad u fara badan ,waxaa la cadaynayaa lacagta uu qaranka ka

dhacay inay gaadhayso 150,000,000 usdollar boqol iyo konton milyan oo dollar

 wuxuu magaalo kastaba ka samaystay 20 marfish,labaatanka marfish magaalo kasta waa

 lixda gobol merfishkiiba waxaa ku

qayila 30 nin qofkiiba wuxuu maalintii leeyahay 15 dollar,wuxuu bixiyaa guryaha

kiradooda,laydhkooda,biyaha,yaguna waxay merfishyadda kaga caawiyaan inay yidhaahdaan

Wadanka xirsi ayaa ka taliya oo odaygu wuu xanuusanayaa waa tabcaan oo talo wakhti hore

ayaa ugu dambaysay,qofka yidhaahda waar beenta inaga daaya oo wadanka M/wayne Axmed-

Siilaanyo ayaa ka taliyee waxaa laga saarayaa merfishka oo maalin dambe ha noo iman ayaa la

odhanayaa ama waa inaad ka noqotid waxan aad ku hadlaysid,wuxuu kaloo samaystay

dhalinyaro badan oo u dheg ah oo uu u iibiyey gawaadhi indho cadde ah wuxuuna hotelkasta

oo ay tagaanba ku balamiyey maamulaha hotelka oo ay ka cuntaynayaan mar marka ay

hoteladda qaar camiran yihiin si loogu buun buuniyo,inamadda bilaa balwadda ahna yago

Sadexda wakhti hotelkay tagaanba cuntadda iyo sharaabka ayey ku leeyihiin waana loo iibiyey

Gawaadhi indho cadde ah oo ay shidaalkoodana kaalin shidaal loogu balamiyo wuxuuna u

Sameeyey kaadhadh ay ku soo galaan madaxtooyadda oo wixii dhego-dhegayn ahna ay u soo

Gudbiyaan dadka suuqyadda iyo hoteladda ka caayana ay u gudbiyaan magaciisa oo sadexsan,

Xisbiga wadani guulo u soo hoynmaayaan tuug miisaaniyaddii qaranka boobtay.

Waxaan xukuumadda uu M/waynaha ka yahay Mudane:Axmed-Siilaanyo kula talinayaa

Waa in fejignaan adag lagu sameeyo oo ciidamadda sirdoonka,iyo police-kuba ay daba gal

Ku sameeyaan dadka noocaas ah ee xoolihii umadda dhacay ee weliba isla saxsan beri ka

Maalina Al-shabaab,Daacish iyo Al-qaacida ayey qandaraas ka soo qaadanayaan.

Gudoomiyaha Xisbiga Wadanni haddii  uu yahay nin aqoon fog leh oo wadanka lexjeclo

Ka hayso  muu soo dhowaysteen budhcad qarameed shacabwaynuhu moodayeen dad

masuuliyiina oo Xilka M/wayne Axmed-Siilaanyo u magacaabay si xalaal ah u gudanaya

C/raxmaan cirro waxaa u wanaagsanahayd inuu yidhaahdo marka hore isa soo baraxa oo

Maxkamaddaha ,xeer ilaalinta qaranka iyo M/waynahaba waa inaad waraaqo ceeb ka saliima ka

Soo qaadataan  si taageerayaasha xisbiga wadanni iyo shacabwaynaha reer Somaliland

Idiin aaminaan oo  xaalkiinu uu noqdo masuuliyiin budhcad qarameed ka nadiifa oo

M/wayne Axmed-Siilaanyo ay isku qabteen dhinaca siyaasadda.

Caalamka iyo  afrikaba lagama yaqaano wasiiro  lix sano gudahood khasnaddii qaranka

Jabsaday haba kala  tuugonimo badnaadaanee weliba ninka ugu tuugonimadda badan ee

Intii  ay qaaradda afrika jirtay wasiir 150,000,000 usdollar boqol iyo konton milyan oo dollar

Jeebkiisa ku shubtay waa ex-wasiirkii madaxtooyadda xirsi cali xaaji xasan oo weliba loo tirinayo

Inuu shirkaddo badan  sheerku leeyahay sida xawaaladda kaah,gaadiidka bariga iyo galbeedka,

Cagafyo iyo iskurogooyin waawayn oo burco uga shaqeeya,Xawaaladda Dahabshiilna waxay u

noqotay meel uu maaliyaddii qaranka ku qarsado.

Waxaan aan ula yaabay jeegaantan uu leeyahay burburin maayo oo waxaanu u bedelnay

Giraan  oo waxaanu doonaynaa inaanu dadka qabyaaladda ka saarno,mid ayaan ku odhan lahaa

Maalintii aad barlamaanka Somaliland ka khudbadaynaysay waa adigii lahaa wasaaradda

Waxbarashaddu waxay scholarship u dirtay 341 arday oo  deeq dibadeed ah,barlamaankuna

Waa dad aad u liita haddii  ay damiir leeyihiin waxay ku odhan lahaayeen waxaad todobaad gudihii noogu soo gudbisaa shahaadadoodii dugsiga sare si loo eego deegaamadda ay ka soo

Kala jeedaan weliba 330 waxay ahaayeen sacad muuse,11 qofna xirsi ayaa jilibkiisa buraale raage ka dhigtay adigaa qabyaalad ka hadli kara,waxaa kuu wanaagsanahayd inaad wasiir

Zam-Zam ku tidhaahdid waxan aad wadaa waa qabyaalad qaawanee waxaad inoogu qaybisaa

Sadex qaybood 113 waxaad ka dhigataa sacad muuse,113 waxaan ka dhiganayaa H/jeclo oo

Aan ardaa ardaa kastaba wax ka siinayo,115 soo hadhayna qabaailada kale ee reer Somaliland

Ayaan u qaybinayaa,haddii aad caqli iyo aqoon leedahay maskaxda ayaad ka shaqaysiin lahayd

Caqligaagu kuma siiyeen intaad lixda  gobolba ka samaysatid marfishyo lagu qayilo sida

Hargaysa,burco,berbera,laascaanood,ceerigaabo oo kharashka qaadka,sigaarka,biyaha

IYO Kiradda guryaha aad adigu bixisid oo aad dadkaas aad mustaqbalkoodii lumisay intaad

Kharashka aad ku qayilsiinaysid ee aad leedahay waxaad tidhaahdaan wadanka xirsi ayaa

Ka taliya,M/waynaha talo lama waydiiyo wuu xanuusanayaa iyo waxyaalo badan oo aan la soo koobi Karin oo aad karaamaddii M/waynaha meel xun kaga dhacday,qofku haddii uu

Yahay M/wayne il iyo ishaaraba waa leeyahay in loo duceeyo mooyaanee dhibaato haddii

Aad istidhaahdid u maleeg adigaa Allaah(Swt) ku kashifayaa oo wakhti wakhtiyadda ka mida

Ayey inkaarku kugu dhacaysaa Insha-Allaah waadna heli doontaa sida ugu dhaqsaha badan

Haddii aanu nahay beelaha Harti xisbiga kulmiye ee gogosha noo dhigay ee saamigayagii

Aanu ka doonayno xisbigaas ayaanu codkayaga siinaynaa xisbiga wadani ee soomaaliwayn

Iyo  Tuugtii qaranka boobtay isu bahaysteen codnaga heli maayaan,reer Somaliland

badankoodana ka heli maayaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip