Caynaba Media Group

Faa iido darada uu u leeyahay xisbiga kulmiye madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland iyo wasiirada uu hoos tago

0
Wednesday August 30, 2017 - 17:21:54 in Maqaallo by XA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faa iido darada uu u leeyahay xisbiga kulmiye madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland iyo wasiirada uu hoos tago

    Ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan halkan kusoo gudbinayaa war bixin daaha ka qaadaysa faa'ida darada uu u leeyahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan halkan kusoo gudbinayaa war bixin daaha ka qaadaysa faa'ida darada uu u leeyahay

xisbiga kulmiye madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland mudane cabdiraxmaan saylici.



Mudane saylici waa madaxwayne ku xigeenka madaxwayne silanyo ahna musharaxa madawayne ku xigeenka musharax madaxwayne muuse biixi cabdi.


Mudane saylici waqtigii uu madaxwayne siilanyo tartanka ku jiray waxuu ahaa mid aan muuqan codka ka imanaya xagiisana aan ahayn mid si buuxda loogu xisaabtamin,


Intii uu mudane saylici kursiga ku fadhiyay waxaa soo baxay 

cabashooyin farabadan kuwasoo ka kala imanayay mudane saylici laftiisa iyo gobolka uu kazoo jeeda wax garadkiisa, waxgaradka waxay shegeen inuusan gobolka wax usoo jari Karin.


Cabashooyinkaasi waxay ahayeen mudane saylici oo aan lahayn awoodihii uu filayay intuusa noqon madaxwayne ku xigeen.


Mudane saylici waxuu ahaa waqtiyada qaar mid xafiiska kaga 

maqan dudmo. Gobolka uu kazoo jeedana kumaysan qancin xilkaa uu ka hayo qarankan. Iyagoo inta badan ku andacooda madaxwayne ku xigeenka inuusan saamayn ku lahayn xukuumada uu ka tirsan yahay, gobolka uu kazoo jeedana isagana uusan ku dhex lahayn saamayn muuqata.  

Dulucda hadalkaygu waxuu yahay mudane saylici kama dhex muuqdo xisbiga kulmiye, waxaana u sabab ah su’aalaha uga imanaya gobolka uu kazoo jeedo ee ah miyaadan han lahayn ka sareeya kaad mantaaad fadhido, intii aad fadhiday waxii kazoo maray miyaadan ku cibra qaadan, sharciga dalka haduu sidan yahay miyaysan haboonayn adoo raadsada wasiir buuxa

Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaa usoo jeedinayaa mudane saylici inuu sidan wax ka badalo, bilaabana ka dhex muuqista xisbiga kulmiye, iskuna dayo inuu musharaxiisa madaxwayne wax kasii qorta tasoo ah awoodaha dawladnimo inuu qaybtiisa yeesho, aysan is arkin wasiiro isaga ka awood badan,  dhicina inuu xafiiskiisa uga maqnaado wasiir isaga ka awood badan.


awaadan5@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip