Caynaba Media Group

MAXAA KALA HAYSTA MASUULIYIINTA DAWLADA IYO SHAQAALAHA MUTADAWACNIMADA KU SHAQEEYA

0
Wednesday August 30, 2017 - 17:09:36 in Maqaallo by XA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXAA KALA HAYSTA MASUULIYIINTA DAWLADA IYO SHAQAALAHA MUTADAWACNIMADA KU SHAQEEYA

    Qormadan maanta waxaan yara dul istaagi doona dhiiri gali la,aanta haysta da'yarta somalilaan iyo jalaafooyinka ay kala kulmaan xarumaha dawlada ee si geesimada leh ugu huraan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormadan maanta waxaan yara dul istaagi doona dhiiri gali la,aanta haysta da'yarta somalilaan iyo jalaafooyinka ay kala kulmaan xarumaha dawlada ee si geesimada leh ugu huraan

wakhtigooga iyaga oo mushahar ka qaadanahayn balse naawilaaya waacusub oo u soo  baxa.

  Wiilashan iyo gabdhahan waxay in mudo ah ku soo kalahaayeen xafiis dawladeed oo ay ku shaqaynayeen  mutadawacnimo / lacag la,aan si ay rajadooda u rumeeyaan iyo hiigsigooga oo ahaa in ay shaqaale rasmi ah ka noqdaan xarumaha tacabka badan ay soo gasheen lakiin  riyadoodi waxaa beeneeyey  masuul aan lahayn xaqsoor iyo cadaalad kuna fikiraaya sidii inta jeebka ugu jirta iyo reerkiisa u keeni lahaa.  Arinkani wuxu dhabar jabku yahay da'yartii ku soo dhiiran lahayd in ay dalkooga u huraan naftooda iyo maalkoogaba si ay  uga qayb qaataan  marxaladaha kala duwan ee dalku maraayo oo  u baahan  in dhalinta da'dayar ee wax soo baratay lagu kala saarilahaa qalinkooga si ay meesha uga baxdo hagardaamooyinka qarsoon ee masuuliyiintu ku hayaan dalka iyo dadkiisaba waana arin aad looga xumaado sii socodkiisu.

Geesta kale dhibta iyo niyad jabinta muwaadiniinta ay ku hayaan masuuliyiintu maaha mid lagu soo koobin karaayo hal iyo laba lakiin xaaladu waxay ka sii daraysaa maalinba maalinta ka danbaysa  waxaanad arkaysaa dhaliinyar badan oo ka cabanaysa masuuliyiinta ugu sareeya xarumaha ay u soo samrayeen mudo badan.  Hadaba kala saarista iyo kala qobqobku  wuxu dhaliinyar badan ku kaliftay in ay dalka iskaga cararaan oo ay raadsadaan meel dhaanta meelihii hore ay ugu hongoobeen si ay nolol cusub u bilaabaan walaw mararka qaarkood dhib badan ay kala kulmaan duruufaha adag ee  masuuliyiintaasi kula soo dhaqmeen halka  qaarkood  noloshaba ka dhacaan  marka ay arkaan waxyaabaha ku dhacay kuwii ka horeeyey  ee ay ahaayeen  asaxaabta iyo qaraabada oo  faaruqiyey goobihii ay ka naawilayeeen  mustaqbal wanaagsan oo  wax ugu taraan lafahooga.  Arinkani maaha kii ugu horeeyey ee ay la kulmaan dhalinyar u hamuun qaba in ay xoogooga uga fa,iideeyaan  dadkooga iyo dalkoogaba  lakiin sartu waxay ka qudhuntay masuuliyad la,aanta  inaga haysta in si cadaalad ah  wax lagu qaybiyo  muwaadiniinta u dhashay dalka oo dastuurku siinaayo in si siman oo mad,madaw ku jirin ay u heelaan waxay xaq u leeyihiin haba yaraadee lakiin  tani  waxay u baahantahay  masuuliyiin ay dadku u simanyihiin.

Si kasta oo ay wax u jiraanba  waxaa in badan dhaliinyartaasi  is waydiisaa  su,aalo badan oo ay ka mid yihiin:

Ø  Goorma ayaa la heli doonaa la xisaabtan dhab ah?

Ø  Masuulku ma qaranka ayuu matalaa mise reerkiisa?

Ø  Maxaa keenay in nin jeclaysiga iyo qaraabo kiilku inagu bato?

Dhamaan su,aalahan iyo kuwa  kale oo halkan lagu soo koobin karin ayaa ka dhex quuxaaya dhalinyarta dhibtan kala kulmay masuuliyiintoodii ay door bidaayeen in ay wax u qabtaan, si kastaba ha ahaatee   waxaynu  heli karnaa la xisaabtan dhab ah marka  qarannimadu ka waynaato qabiilka  oo masuulkasta  la yimaado sinaan iyo cadaalad  dhab ah.  Waxaynu  u baahanahay masuul u shaqeeya qaran lakiin u shaqaynin qooskiisa oo dantiisa iyo ta reerkiisaba ka hormariya danta guud ee qaranku leeyahay isaga oo muhiimada siinaaya in qarankan horumarkiisu ku jiro danta guud ee aanu ku jirin dan gaar ah.  Hadaba baahidayaha badan iyo masuuliyad daradu waxay keentay qaraabo kiil iyo qof jeclaysi ku habsada dhamaan xarumaha aan lahayn hogaan adag oo ku taagan danta qaranka .

Guntii iyo gunaanadkii   dalkani wuxu u baahanyahay  masuul isku wada  danyarta iyo inta wax haystaba si meesha looga saaro cadaalad darada ay tirsanayaan  dhaliinyar  wakhti badan galiyey  qarankooga lakiin masuul aan hankiisu koobanyahay  ku tacadiyey.




W/Q Ahmednuur Maxamuud Khaliif.


                                                



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip