Caynaba Media Group

Hantidhawrka Guud Ee Qaranka Oo Odhad Geliyey Wakaalada Biyaha Burco+Mushaharkii Shaqaalaha Oo La Waayey Iyo Biyo La,aan Soo Wajahday Xaafadaha Magaalada Burco

0
Saturday August 26, 2017 - 20:21:06 in Wararka by XA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hantidhawrka Guud Ee Qaranka Oo Odhad Geliyey Wakaalada Biyaha Burco+Mushaharkii Shaqaalaha Oo La Waayey Iyo Biyo La,aan Soo Wajahday Xaafadaha Magaalada Burco

    Burco(CYN)Iyadoo Ay Maalmihii Udanbaysay Ay Dadwaynaha Ku Dhaqan Magaalada Burco Dayro Ka Muujinayeen Wakaalada Biyaha Burco Ayaa Waxaa Soo Shaac Baxday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(CYN)Iyadoo Ay Maalmihii Udanbaysay Ay Dadwaynaha Ku Dhaqan Magaalada Burco Dayro Ka Muujinayeen Wakaalada Biyaha Burco Ayaa Waxaa Soo Shaac Baxday

 

In Hanti Dhawrka Guud Ee Qaranka Somaliland Uu Odhad Galiyey Wakaalada Biyaha Burco26 June 2017,Intii Baadhitaanka Lagu hayey Wakaalada Ayaa Waxaa Lasoo Helay Xogo Muujinaya Hanti Lunsi Iyo Musuqmaasuq Ba,an Oo Ku Kacay Maareeyaha Wakaalada Biyaha Burco Fadxi Axmed Cabdilaahi.

 

Baadhitaankan Lagu Sameeyey Wakaalada Biyaha Burco Ayaa Yimi Kadib Markii Hanti Dhawrku Dareemay Hoosu Dhac Wayn Oo Ku Yimi Wakaalada Iyo Cabashooyinka Ka Imanaya Dadwaynaha Ee Ku Aadan Biyo La,aanta.

 Arintani Oo Gaadhay Wasaarada Khayraadka Biyaha Ayaan Waxba Laga Qaban Iyadooona Ay Umaaqato In Wasaarada Lafteedu Ay Taageerayso Musuqa Ka Jira Wakaalada Biyaha Burco.



Waxaana Meesha Ka Baxday Danaynta Wakaalada Biyaha Burco Oo Waraabisa Guud Ahaanba Gobolka Togdheer,Iyadoona Xitaa Ay Arintani Saamayn Ku Yeelatay Shaqaalaha Ka Hawl Gala Wakaalada Oo Niyad Jab Ku Yimi.


 Shaqaalaha Wakaalada Biyaha Burco Oo Iyagu Ah Halka Ay Ka Kasocoto Wakaaladu Ayaa Waxaa Soo Wajahday Xaalad Adag Kadib Markii Ay Mushaharaadkooda Oo Qaadan Jireen Bisha Kawdeeda Ama Marka Ay Bishu Dhamaato Ay Haatan Qaataan Bisha 10 Keeda Taas Oo Caqabad Ku Noqotay Shaqadooda Waxaana Intaasi u Dheer Danayn La,aan Iyo Rajadii Ay Ka Lahaayeen Wakaalada Oo Noqotay Hal Bacaad Lagu Lisay,Iyadoo Ay Taasina U Dheertay Mushaharka Ay Qaataan Oo Ku Yar Iyo Sixir Bararka Ka Jira Dalka Oo Saamayn Ku Yeeshay Mushaharkoodii Kana Dhigay Mid Hoos u Dhaca 50% Maadaama Ay Shilin Somaliland Ku Qaatan Musharkooda.

Musuq-maasuqani Ayaa Saameeyey Guud Ahaanba Wakaalada Biyaha Iyadoona Ay Biyo La,aan Xoogani Ka Taagan Tahay Xaafadaha Hodan-qaylo Iyo October oo Aan Cabashadooda Dheg-jalaq Loo Siin isla Markaana Aan Waxba Lagasoo Qaadin.

 Xaafadaha October Iyo Hodan-qaylo Oo Iyagu Aan Biyo Beelin Intii Ay Somaliland Jirtay Taasina U Saamaxaysay Jooga Dhulka Oo Ka Hooseeyaan Magaalada Ayaan La Garanayn Sababta Ay Maanta U Biyo Beeleen.


Dhinaca Kale Waxaa Jirta Biyo Galin Balaadhan Oo Ka Socota Galbeedka Magaalada Burco Oo Iyagu Iska Jaray Biyaha Wakaalada Kadib Markii Waayeen Biyo Ku Filan isla Markaana Isticmaalaya Haatan Shirkad Gaar Loo Leeyahay. Waxayna Taasi Muujinaysa Sida Uu Shacabka Uga Niyad Jabay Wakaalada Biyaha Burco Ay Masuul Uga Tahay Dawlada Iyo Sidoo Kale Inay Ka Door Bidayaan Biyaha Dawlada Kuwa Gaarka Loo Leeyahay.

Habacsanaanta Ku Timi Wakaalada Biyaha Burco Iyo Musuq Maasuqa Ay Hanti Dhawrka Guud Ku Heleen Wakaalada Biyaha Ayaa Waxaa Masuul Ka Ah Maareeyaha Wakaalada Oo Isagu Noqday Mid Ukala Dab Qaada Hargaysa Iyo Burco, Meeshana Ka Saaray Masuuliyadii Uu Hayey Shacabka Gobolka Togdheer. Sidoo kale Waxay Noqonaysaa Dayro Soo Wajahday Xukuumada Ay U Hadhay Sedexda Bilood Ee Waxba Ka Qaban Wayday Eedaha Loosoo Jeedinayo Maareeyaha Wakaalada Biyaha Burco.

Arintani Ayaa Sidoo Kale Saamayn Ku Yeelanaysa Xisbiga Kulmiye Oo Isagu Doonaya Inuu Marlabaad Qabto Talada Dalka.

 

 

 

Maxamuud Mire Faarax

 

Maxamuud12q@hotmail.com

 


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip