Caynaba Media Group

Hirdinka Gudida Kaanbaynka Xisbiga Kulmiye Oo Burco Laga Dareemay,Beelo Iska Waayey Iyo Haweenka Gobolka Togdheer Oo Doorkoodii Laga Saaray+Cali Mareexaan Oo Ka Maquurtay?Warbixin

0
Saturday August 26, 2017 - 17:07:55 in Wararka by
  • Visits: 803
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hirdinka Gudida Kaanbaynka Xisbiga Kulmiye Oo Burco Laga Dareemay,Beelo Iska Waayey Iyo Haweenka Gobolka Togdheer Oo Doorkoodii Laga Saaray+Cali Mareexaan Oo Ka Maquurtay?Warbixin

    Burco(CYN)Khilaaf Xoogan Ayaa Ka Dhashay Gudida Kaanbaynka Ololaha Doorashada Ee Gobolka Togdheer.Hirdinka Kamid Noqoshada Xubnaha Kaanbaynka Ee Doorashada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(CYN)Khilaaf Xoogan Ayaa Ka Dhashay Gudida Kaanbaynka Ololaha Doorashada Ee Gobolka Togdheer.Hirdinka Kamid Noqoshada Xubnaha Kaanbaynka Ee Doorashada

 Ee Xisbiga Kulmiye Ayaa Laga Dareemayaa Guud Ahaan Gobolka Togdheer Iyadoona Ay Magaalada Hargaysi Saldhig U Noqotay Kala Qaybsiga Xubnaha Olalaha Kaanbaynka Oo Nux Nuxi Kasoo gaadhayso Gobolka Togdheer.


Haweenka Gobolka Togdheer Ayaa Gabi Ahaanba Iska Waayey Ka Mid Noqoshada Xubnaha Kaanbaynka Ee Xisbiga Kulmiye Waxaana Xubintii Ugu Jirtay Gudida Fulinta Ee Gobolka Togdheer Gaar Ahaana Garabka Haweenka Nasra Qalyayax La Sheegayaa In Uu Hirdin Iyo Boos Cidhiidhsi Xoog Leh   Ku Hayo Cabdo Aayir Oo Doonaya In Lagu Bedelo Xubintaa Haweenka Ah Ee Sida La Sheegay Hore Loo Gudbiyey Xubin Nimadeeda Kamid Noqoshada Gudida Kaanbaynka Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Togdheer.



Haweenka Gobolka Togdheer Ayaa Walwal Ka Qaba In Meesha Laga Saaro Doorkooda Ay ku Leeyihiin Xisbiga Kulmiye, Iyagoona Indhaha Ku Eegaya Gudida Kaanbaynka Ee Dhawaan Lagu Dhawaaqi Doono Oo Ay Welwel Ka Qabaan In Meesha Laga Saaro Doorka Haweenka,Taasina Ay Dhabar Jab Ku Noqonaysa Xisbiga Kulmiye.


Sidoo Kale Xubnaha Ilaa Iyo Hada La Shaaciyey Ee Qaybta Ka Noqon Doona Gudida Kaanbaynka Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Togdheer Ayaa Waxaa Kamid Ah Shiriif Dhuux Yare Iyo Jaamac Xaaji Axmed Xubnahaasi Oo Ay Ka Biyo Diideen Qaar Kamid Beelaha Bariga Burco Gaar Ahaana Beesha Degta Deegaanada Nasiye Iyo Naqdhabiinjo, Kuwaasi Oo Filayey Inay Awood Ku Yeeshaan Xisbiga Kulmiye Hase Yeeshee Laga fara-Maroojiyey Meeshana Laga Saaray .


Waxaa Isha Lagu Eegayaa Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guryaynta Cali Mareexaan Oo Isagu Indhaha Ka Qarsaday Labadani Dhinac Ee Haweenka Gobolka Togdheer Iyo Beeshani Oo Iyagu Ka Filayey Inuu Qayb Wayn Ka Qaadan Doono Sidii Ay Uga Mid Noqon Lahaayeen Gudida Kaanbaynka Maadaama Uu Door Wayn Ku Leeyahay Siyaasada Deegaanakani. Wasiirkan Ayaa Lagu Eedaynayaa Inuu Garabka Saarayo Xubnahani Magacyadooda Lagu Xusay Warbixintani.


Arintani Kaanbaynka Ee Gobolka Togdheer Iyo Gobolada Dalka Ayaa Waxaa Isaguna Dhankiisa Ka Muquurtay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Isagu Ku  Riixay Dhinacaa Iyo Wasiirada Iyo Waliba Gudiyo Gaar Ah Oo Uu Uxushay Inay Soo Xulaan Xubnaha Kaanbaynka.


Arintani Ayaa Hadii Ay Soo Shaac Baxdo Waxay Dhabar Jab Ku Noqonaysaa Taageerada Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Togdheer Oo Ay Door Wayn Ka Ciyaaraan Haweenka Gobolka Togdheer Iyo Beelahani Saluuga Ka Muujiyey Gudida Kaanbaynka.

Cali Cabdi Warsame

Burco Somaliland

cali233@hotmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip