Caynaba Media Group

Somaliland Ayaa Wada Qorshe lacagta Shilin Somaliga Lagaga Badalayo Gobolka Sool iyo Puntland oo Amar ku Bixisay in Lagubo Lacagta Somaliland

0
Friday August 25, 2017 - 11:00:13 in Wararka by XA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 759
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Ayaa Wada Qorshe lacagta Shilin Somaliga Lagaga Badalayo Gobolka Sool iyo Puntland oo Amar ku Bixisay in Lagubo Lacagta Somaliland

    LONDON(CYN)Warar xogogaal ah oo ay caynabanews helayso ayaa sheegaya in ay somaliland wado qorshe ay lacagta somaliga kaga badalayso gobolka sool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

LONDON(CYN)Warar xogogaal ah oo ay caynabanews helayso ayaa sheegaya in ay somaliland wado qorshe ay lacagta somaliga kaga badalayso gobolka sool

Qorshahan ayaa xukumada Somaliland ay ku jirtay mudo sanad iyo sided bilood ah wararkan aanu ka helayno qaarka mid ah siyaasiyiinta maamul goboleedka puntland ayaa waxay noo sheegeen  in qorshan uu si dhakhsaa uga bilaabmayo dabayaaqada bisha sadexaad ee sanadka cusub 2018 masuulkan oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa waxa kale oo uu noo sheegay in la soo daabacay lacagtii Somaliland ee gobolka sool lagaga badalilahaa lacagta somaliga

 

Balse qorshahan ayaa maamulka  puntland dhawaan ogaatay waxayna wadaa imika sidii ay lacag Somali ah oo farabadan ay ugu soo daabicilahayd gobolka sool ayna wado qorshe lagaga hortagayo nidaamkaa ay wado Somaliland ee lacagtaa Somaliland

 

dhanka kale waxaanu isku daynay in aanu arintan wax ka waydiino madaxda sare ee banka dhexe ee Somaliland in uu jiro qorshe lacagta somaliga lagaga badalayo gobolka sool balse madaxdaasi wax tafaasiila nagamay siin walaw ay sheegeen in sharciga iyo dastuurka Somaliland dhigayo in guud ahaan lacagta dalka laga wada isticmaalo gobol ilaa dagmo ilaa tuulo ayna mamnuuctahay in laacago kale laga isticmaalo dalka

 

Golaha wasiirada maamul Goboleedka Puntland ayaa amar ku bixiyay in la gubo  lacagta shilin Soomaaliland ee ku qulquleysa degaanada sool iyo sanaag oo ay iyana dhankeeda ka sheegato Puntland. in ay xukunto

 

Go’aankan ayaa qeyb ka ahaa qodobo kasoo baxay shirkii golaha wasiirada Puntland ee ka dhacay magaalada Garowe, waxayna Puntland ku baaqday in xukuumadda Federaalka iyo dhammaan maamullada ay yeeshaan siyaasad xal loogu helo lacagta shilin Soomaaliga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip