Caynaba Media Group

Waxaynu la wada soconaaa duruufaha ummada haysta dhinac kasta,xukuumadii loo igmaday

0
Friday August 25, 2017 - 09:30:56 in Maqaallo by XA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 146
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaynu la wada soconaaa duruufaha ummada haysta dhinac kasta,xukuumadii loo igmaday

    Wasiirro,Maayarro iyo Badhasaabo......? Duruufaha dadka iyo dalka haysta. doorka xilkaska iyo bakhti-noolayaasha(The dead man

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirro,Maayarro iyo Badhasaabo......? Duruufaha dadka iyo dalka haysta. doorka xilkaska iyo bakhti-noolayaasha(The dead man

walking)

Dhallinta waxbaratay iyo is beddelka mustaqbalka dhow.     By  Adam Nokia 

  



Waxaynu la wada soconaaa duruufaha ummada haysta dhinac kasta,xukuumadii loo igmaday talada iyo shaqada waxaa isugu hadhay dad isku nooc ah (iskaba le'eg) 

mayor ilaa wasiir,waa dad waxyaabo badan ku fiican,laakiin shaqada ay hayaan uma laha aqoon iyo khibrad taasi waxay keenaysaa inay la daalaa-dhacaan oo kala baxaaan nadaamkii dawladnimo,qofku haddii aanu shaqada aqoon u lahayn waa inuu raadsato lataliye aqoon iyo khibrad u leh ama labada midkood(aqoon/waayo-aragnimo)

hadayse noqoto keligii xariif aan waxna aqoon cidna wax u ogayn waxaa la dhahaa jaahil-murakab,wuxuu doono ayuu samayn karaa,dadaalka yar-yarka xukuumadu ma yara,laakiin waa hargo-madhan sidayaal ,Waxaan arkayey Guddoomiye ramaax oo caws beeraya ,Cagafna wata ,waa dadaal fiican dadka noocaas ah ee hal abuurka leh(creativity) aad baan ugu baahan nahay waa Bile Rafle oo yar,laakiin su'aasha meesha taal waxay tahay ciidda burco iyo dooniwaal mala qodi karaa xiliga dabaysha ?mase jirtaa  si kalese oo beeri karaa cawska iyadoo aan carrada la qodin? dalka ruushka ayaa cagaf geliyey dhul balaadhan oo uu lee yahay oo semi-desert ah si uu cunto uga soo saaro,nasiib darro,ciidii hawada ayeygashay,dugsiyada ayaa lagu bartaa,waxay noqotay inuu caws dib loogu abuuro (harageedii ku celiya),dalka china ayaa isna shimbirihii laayey si aanay midhaha uga cunin,wuxuu dhaawacay miisaanka Rabbi u sameeyey nolosha ( Ecological chain balance) waxaa kusoo baxay cayayaan kun jeer ka khasaare badan shimiraha,waxay noqotay shimbirihii doona,Tusaalahan waxaan uga jeednaa aqoonta iyo khibraddu waa lagama maar-maan,ama talada cid  takha-khus u leh,RAMAAX waxaa la gudboon inuu marshuucii beer iyo kuwo la mida kiciyo si gobolku isugu fillaado,waxaa kaloo la gudboon inta uu shaqada ummadda hayo inuu caddaalad iyo anshax wanaagsan ku dhaqmo mustaqbalkiisa iyo habadiisa ayey u wanaagsan tahay,guulwadanimadu haday kaa badato waxaa dhacaysa inaad xagwalba seegto,waxaa kalo la gudboon inuu xoolaha ummadaa baqtiyeysa  iska ilaaliyo si toos ah iyo si dadbanba,weli malaa waa ladan yahaye,haddii wax kugu soo duuleen dib ugu celi jeebka dadka,hadayse kaa  noqoto fooqna ka dhiso, gaadhi 70.kun ah ka iibso, waad eedaysaa if iyo aakhiroba.




Doorka xilkas-ka 


Xilkasnimadu waa dareen masuuliyeed oo qofka ku abuuran,masuuliyaduna qof kasta oo muslim ah way saaran tahay haddii caqligiisu ku filan yahay,aakhirona waa la weydiin wixii uun ka gaabiyo ,xilliyadii gumaystayaashu qabsadeen dunida saddexaad Soomaalida way u taagwayeen inay gumaystaan ama dullaystaan,sababo dhawr ah dartood,waxaa khasab ku noqotay inay la heshiiyaan maamulkoodana aanay faraha la gelin,waxaa ka dhaxaysay wada shaqayn iyaga iyo inta xilkaska ah ee bulshadu ixtiraamto (culimada,cuqaasha,iyo waxgaradka) waa inta doorkoodu maqan yahay maanta dalka waxa ka socda iyo meel uu ku socdo midna wax lagama weydiiyo iyaguna ma daneeyaan,masaakiinta saxrriirka la jiifta ma eegaan,waxayse garan doonaan marka dulmigu iyaga soo gaadho.



Bakhti-noolyaal.


Waxaynu in badan maqalaa qofkaasi nolasha ayuu ka dhacay (drop-out) waa qof aan naftiisa iyo cid kale toona danaynayn,waxaa kaloo kaloo jira qof fashilmay oo hadana bulshada hortaagan weli,qolyaha reer galbeedku waxay dhahaan "dead person walking"

waa qof dhintay oo soconaya,in badan waxaynu aragnaa qof labada gelin midba af ku hadalaya,qof aflagaado u miisaya madaxweynaha ama masuul sare oo kale hadana la arkayo isagoo dhinac fadhiya ama la socda, isagoo aan weli beenin hadalkiisii,  kuwaas maxaa la odhan karaa? waa wax dhintay,waxaa la mida xildhibaano masuuliyad haya oo  laaluush ku qaadanaya codkooda kuwaasina dhinte,xoolaha waa la helaa waana la waayaa,laakiin sharafta lama helo mana soo noqoto waa hal mar intaad nooshahay (one time use).



Dhallinta waxbaratay iyo isbdelka 


Dadka  iyo khayraadka dabiiciga ahi waa labada raasamaal ee dalku lee yahay (human-resourses & natural resourses) labadaasi haday helaan dawlad fiican oo nadiifa  caddaaladda iyo sharciga ku dhaqmaysa,waxaa la gaadhi lahaa muddo yar isku filaansho qof waliba dhergo,waase suuroobi weyday,ilaa 1960 isma doorin gaalkaan diray iyo daarta kii galay,waa dameer iyo labadiisii daan.

dhallinyarada maxaa la gudboon ?  waxaa la gudboon inay raadiyaan sidii loo heli lahaa system ka madhan musuqmaasuq,fadhiidh iyo dulmi,iskana ilaaliyaan ilmada yaxaaska iyo reer hebel,waa inay raadiyaan Dammaanad.

Gaarriye waxaa laga hayaa (AHN) maxaa ii damaanada ? xukuumada waqigu ka dhamaanayo,waxaa ku xiga karta,mid la mida uun,ama ka liidata haddaan laga hortegin ,haddaan u fiirsano tan soo socotana wax ay kaga bedelan tahay weli lama hayo,ballan qaad afka ah waxba ma sheego,car  dammaanad ha keenaan hadday caqli leeyihiin,waa hal xidhaale,ninkii furi kara waa in la doorto. khamaar dambe waa inaan la gelin.


TAWFIIQDA  ALLAAH  HA INNA WAAFAJIYO

adam noor

shalqane@hotmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip