Caynaba Media Group

MUUSE BIIXI WA (VLADMIR BUTIN) KI SOMALIALND

0
Monday July 17, 2017 - 17:56:18 in Maqaallo by XA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MUUSE BIIXI WA (VLADMIR BUTIN) KI SOMALIALND

    Vladimir Vladimirovich Putin wuxu dhashay 7di bishi 10aad sanadi 1952 wuxuuna ku dhashay Magaaladi Caanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Vladimir Vladimirovich Putin wuxu dhashay 7di bishi 10aad sanadi 1952 wuxuuna ku dhashay Magaaladi Caanka

ahayd ee Leningrad Wuxuuna ahaa Kan ugu yar caruurta uu dhalay Vladimirovich Putin

Waxbarashada asaasiga ah wuxu bilaabay 1960 wuxuuna ka bilaabay iskuul aan sida uga si fogeyn gurigooda, da’da 12 jir marku ahaa ayu ku dhaqaaqay inuu barto oo dhaqan geliyo ciyaarta lo yaqan Kaarateega sanadihi 1970—1975 wuxu ka qalin jebiyey Jaamacada saint Petersburg State university Kuliyada Qaanuunka .

Isla sanadki 1975 Wuxu ku biiray Haayadi Sirdoonka midawgi soofyeeti  ee Loo yaqaaney KGB o ahayd  muddo badan Haayada Sirdoon ee ugu xooga wayn aduunka .

Kadib Marki u Dhacay Gidaarki Berlin Valdamir Butin Wuxu Ku sugna Beriln qaybta Bari oo u Midawga soofyeti maamulayey Tan iyo Marki xulafadu jebisey Hitler Butin Wuxu ku dedaaley dadki kacdoonka ahaa ee Jarmalku in aanay gacanta u gelin wax sir ah Kadib Marki Kumanaan Dad ahi ay Werareen Xarunti KGB da ee u butin Joogey  wuxuuna Gubey dukumentiyadi Sirta ahaa Intaa Kuma eekane into Banaanka uso Baxay ayu is hortaagey Kumanaanki dadwaynaha aha una sheegay hadi halkaa ay so dhaafan in ay dhib mudan doonaan Manu Cararin sida Rag badani sameeyeen Weliba iyado Taliski Guud ee KGB du ay ka aamuseen una jawaabi waayen Ma niyad jabin waajibkiisu Gutey.

Kunoqoshadiisi Moosko 1990-1996  Waxa loo Magacaabay Lataliye Xafiiska Maayarka magaalada Saint Petersburg  1996 -1999 Wuxu noqday ku xigeenka Haayada Maamusha Hantida Madaxtooyada 1997 waxa loo magaacaabay madaxa shaqaalaha madaxtooyada.

           SIDUU AHAA XAALKA RUSSIA MARKU YIMI BUTIN

Kadib Burburki Midawga soofyati o jirey muddo ku dhow 300 oo sano waxa meeshi yimi madax jilicsan aqoon yar musuq maasuq daashadey o aan wadankan burburay u tudhayn wadaniyiin aan ahayn  go’aan qaadasho aan lahayn  laguna tilmaamo badankooda sawiro meesha iska jooga waxaana ugu darna Boris yeltsin o aha ninki ugu liitey e abid so mara Russia .

Saacadihi u horeeyey e u kursiga fuulay aya la waydiiyey Waxa u qorshaysan wuxu yidhi ( waxaan ku noolnahay aduunyo la wada tartamayo kumana jirno kuwa tartamaya )

kadib marku  xilka madaxwaynenimada  loo dhaariyey  wuxu bilaabay inu dib uso celiyo Haybadi wadankiisa awoodi ciidan ee uu ku laha aduunka sido kale wuxu bilaabay dib u dhiska iyo dib u habaynta Haayadi sirdooon ee awooda badnayd KGB wuxuna u bixiyey SVR Wuxu kor u qaaday awoodi dhaqaale ee wadankiisa wuxu xooga saaray horumarinta iyo Casriyaynta ciidamada qalbka sida iyo Wax soo saarka dagaalka .

wuxu dadka ruushka u sheegay inay dhamaadeen sandihi madooba waa cusbna beryey dadkina wuxu u jiheeyey wershedihi dib u dhiska dalk iyo horumarinta ilaha wax soosar e dalka wuxu la dagaalamay musqmaasuqi isku dulnoolaanshihi Wuxu si shaksi ah ula xisaabtamay shaqaalihi qaranka  haday yihiin wasiiro ila madaxda shirkadaha wuxu dib u habayn Baaxad leh ku sameeyey Qaabdhismeedki ciidmada qalabka sida ila ay ka gaadhen in  maanta aan xaga difaaca cirka iyo Gantaalaha ridada dheer aan cidi Ku hawysan Ruushka aduunkana wax laga waydiiyo wuxuu gaadhey in Cadawgi so jireenka aha u doorasho ku so  baxo ninku rabey isaguna u doorashada ka maamulo daaha dabadiisa.

                         WAA QOF NOOCE AH BUTIN

Butin wan nin Maamulka iyo kala danbaynta aad u ilaaliya waxaana baray waayihiisi ciidanimo waa nin ku dhac leh go’aano adagna Gaadhi kara waa nin aan cidna ka haybdeysan haday tahay kooxo iyo dawalad kale toona waa nin wax walba ka horeysiiya Masaalixda wadankiisa Wuxu ku jira hadaanuba ahayn kan keliya e qoyskiisa iyo xaaskiisa siyaasada Banaanka ka dhigay welina aan la arag iyago la socda iska da in ay wax la maamulane Wan nin yaqaan meeshu usocdo higsi iyo himilo fog leh una adkaysta dabylaha xooga leh e ruxay wadankiisa kana soo saaray godki u ku jirey intaanu iman wa in dooran yaqaan Team Kari iyo aqoon leh si ay u fuliyaan ajandayaashiisa Butin wan nin aan dayicin Jaanis kasta Mana yaqaan habrashada Waana gaadhey Halku Rabey sidaan ognahay  maanta aduunku wuxu isku raacay inu yahay ninka aduunku ugu xooga wayn uguna saamaynta Badan.

Muusa biixi Cabdi Wax badan bu ka shabaha Butin Markaad Eegto halka Somaliland Maanta taagantahay isbedelka ka dhacay Geeska Afrika Haday tahay Somalia iyo isbedellka muuqda e ku yimi siyaasada arimaha dibeda ee Ethiopia iyo sida loga hurdo.

Waana in aan mid ogaana doorashadani wa ka duwan tahay kuwi hore oo dhan, dhan walba markaad ka eegto reer Somaliland wa inay doortaan ninki marxaldan adag wadanka ka saari laha ( man of the situation ) mana muuqato cid isaga ka mudan , waxaana looga fadhiya isbedel Gun iyo Baar ah kuna dhisan Cadaalad daahfurnaan wa inu la dagaalamo musqmaasuqa naafeyey Haayada dawlada o dhan , wadanka o dhami wuxu u baahan yahay dib u habayn guud taasina waxay u baahantahay nin  Ku dhac iyo Go’aan qaadasho adag  leh nin aan ka biqin odayo leh reer hebel baanu nahay oo tiifiyada ka hadla Muuse biixi cid uga dhow ma jirto  waana astaamaha hogaan lagu doorto.

Qofkasta ha fahmo hana ogaado qofka aan doorana wuxu ka turjumeya inta Garashadeenu leegtahay Qabiil inama midayn karo Gobolaysina inama midayn karo waxa in midayn Kara Wadan U madax ka yahay Hogaamiye Han iyo ku dhac leh.

Maanta waxa aan u baahanahy ninki wadankan isu so celin laha ninki wadankan meeshu joogo ka qaadi laha nin haladyg leh dhowrsoon lala xisaabtami karo.

Maanata waxaan taaganahay in aan kala doorano saddex nin o ay aad isu shabahaan saddex madaxwyne Wa Vladimir Butin, Boris yeltsin iyo Donald trump

 

W/Q Khaled Muse

naazi427@outlook.com


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip