Caynaba Media Group

MAYAR CIDIN SOO SAARAHA DHALINYARADDA (Berbera Youth resource Factory)

0
Saturday July 15, 2017 - 12:40:43 in Maqaallo by GI_Wararka Caynaba News
  • Visits: 291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAYAR CIDIN SOO SAARAHA DHALINYARADDA (Berbera Youth resource Factory)

    Waxaan Salaamayaa dhamaan saxaafada xorta ah iyo akhristayaasha waxaan doonayaa in aan ka hadlo oo aan ku bogaadiyo mayor cabdishakakuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan Salaamayaa dhamaan saxaafada xorta ah iyo akhristayaasha waxaan doonayaa in aan ka hadlo oo aan ku bogaadiyo mayor cabdishakakuur


 

 

 

 sida hagar la,aanta ah ee uu ugu ban baxay u adeegida shacabkiisa iyo sidii uu uga dhabeeyey balanqaadkii uu ololaha ku galay, ujeedada qormadeydan aan ciwaanka uga dhigay MAYOR CIDIN SOO SAARAHA DHALINYARADA , macnaha halkudhigani xambaarsanyahay aningoon buunbuuninayn waa arin xaqiiq ah oo Facts ah maaha darajo aan iska siiyey waxaan idinla wadaagayaa cadaymo aan idiin soo bandhigaayo maanta ka hadlimaayo ardayda uu jaamacadaha ka bixiyo iyo sida uu uga qayb qaato hawlaha asaasiga ah ee ugu muhiimsan deegaanka,

 

Qormadeedan maanta waxaan diirada saaraynaa masuuliyiinta uu xilalka u magacaabay ee xafiisyada DHB madaxda ka ah sida hawlkarnimada ahna u kala wada hawlaha dawlada hoose masuuliyiinta xafiisyada ka hawlgala dhamaantood waa wada dhalinyaro marka laga reebo agaasimaha waaxda cashuuraha oo ah ninweyno khabiir ah oo looga maarmi waayey waaxdaas uu shookaanta u hayo, marka laga yimaado xafiiskaas dhamaan xafiisyada kale ee dawlada hoose waxa madax ka ah aqoonyahano aad u da'yar heerkooda aqooneedna uu yahay mid aad u sareeya oo heer jaamacadeed ah dhalinyaradaasi waxay wax weyn ka badaleen nidaamkii dawlada hoose u shaqayn jirtay waxaanay fududeeyeen shaqadii dawlada hoose, shaqa wanaaga ay sameeyeen dhalinyaradaasii waxa ku amaanan mayor cabdishakuur.

 

waxaan talo usoo jeedinaaya dhalinyarada oo aan leeyahay mayor cidin waa masuulka kaliya ee mar walba taageera dhalinyarada wuxuu jabiyey halhaystii ahayd madaxdii beri ama madaxdii mustaqbalka oo ahayd kalmada dhalinyarada niyad jab ku ahayd qaarkoodna niyadjabkii ay ka qaadeen wadanka kagaga tahriibay wuxuuna mayor cabdishakuur dhalinyaradii u ogolaaday inay noqdaan madaxdii maanta kuna dhiiri geliyey in ay talada wadanka ka qayb qaataan, waxaana dhalinyarada leeyahay mayor cabdishakuur waa soo saarihii dhalinyarada ee ilaashada.

 

 

 

Halkan Ka akhriso Magacyadda Masuuliyiinta Dadoodu u Dhaxayso 20-Jir ilaa 35-Jir iyo Magacyada Mansabyada ay ka Hayaan DHB

 

1. Maxamuud Cabdi Ismaaciil Ag. Hantidhowrka DHB

 

2. Eng Maxamuud Axmed Cali Ex Ag. Hawlaha guud ee DHB

 

3. Iid Cabdi Jaamac Ag. Hawlaha guud ee DHB

 

4. Jimcaale Cabdilaahi Jaamac Ag. Arimaha Bulshada DHB

 

5. Maxamed Cali Caabi Ag. Maamulka iyo Maaaliyada DHB

 

6. Maxamed Cusmaan Muxumed Ag. Diiwangalinta iyo Taysarada DHB

 

7. Abdinasir Cumar Yare Ag. Qorshayta iyo Horumarinta DHB

 

8. Cali Cumar Cabdilaahi Madaxa Qorshaynta Dhulka

 

9. Cabdicasiis Sudhayo Madaxa Dhulka

 

10. Cumar Aw.xassan Madaxa Gaadiidka

 

11. Jaamac Ismaaciil Maxamed Madaxa Bilicda

 

12. Maxamuud Maxamed Madaxa Shaqaalaha

 

Waxaan qormadaydan ku soo afmeerayaa maansadan uu abwaan qoraa siciid Maxamuud gahayr kula gartamay ragga ilaa lixdankii talada haya, isla markaana aan ku guubaabinayo dhalinta waxaanan leeyahay "Dhalinyahay yaan waligiin la idinku sasabin waxaad tihiin UBIXII BARRI, waxan idin leeyay waxaad tihiin HOGGAANKII MAANTA, ee cadkaiina goosta mayor cabdishakuur ayaana tijaabiyey dhalinyaradu inay wax qaban karto ".

 

Maansadani waxay si toos ah ula hadlaysaa raga kuraasta ku fadhiyaa inay jaanis siiyan dhalinyarada.

 

Ø Nin aan xaraf shaagahayn

 

Ø Hooyaba ma xannaanisee

 

Ø Muraadkuu xabaku rabo

 

Ø Haddaanad xubin ku odhan

 

Ø Xuub iyo daah baa korsane

 

Ø Tan iyo wakhtigii xornimo

 

Ø Ragii lixdankii xilkiyo

 

Ø Xayuubsaday maamulkaa

 

Ø Illaa hadda xaadiroo

 

Ø U xaydan kuraasidoo

 

Ø Xafiiskii doonayee

 

Ø Barroosin xabaalan iyo

 

Ø Ma xididbaa uga dul baxay

 

Ø Xarumahan dawladoo

 

Ø Xukuumadu waa dukaan

 

Ø Xisaabtiisa ay hayaan??

 

Ø Mise waa xilo mar hore

 

Ø Xaakinku u guuriyoo

 

Ø Anaa xergiyoon ogayn??

 

Ø Xusuustu qof ay yartiyo

 

Ø Maxay odayadan xafashay

 

Ø Wasiir xadka dhaafayoo

 

Ø Siddeetan dhan xay ahaa

 

Ø Agaasime xiiqsanoo

 

Ø Xilligan todobaatan jiray

 

Ø Iyo xildhibaan da ahi

 

Ø Dhibaato xallin karaan??

 

Ø Xiniiyuu ma aynigaa??

 

Ø Sharcigu xagal buu mare

 

Ø Haddii xagga hoose guga

 

Ø Bulshooy laga soo xadiday

 

Ø Shuruud adag lagu xidhxidhay

 

Ø Maxaa xagga sare ka dhigay

 

Ø Mid aan xadidaad lahayn??

 

Ø Xayndaabkee duqayda celin??

 

Ø Ma xeerbaa taasi qaran??

 

Ø Xurmada yay naan ka tagin

 

Ø Waxaa dadka lagu xushaa

 

Ø Xasuusta garaadka iyo

 

Ø Xeeldheeri aqoonta iyo

 

Ø Xirfado uu laayahee

 

Ø Dhalintu xashiish nacfi la

 

Ø Runtii xaabo maaha aan

 

Ø Xaqiidii hanan karayn

 

Ø Masuul la xambaarayee

 

Ø Xidigo weeyaan jiroo

 

Ø Xushmayna mutaystayoo

 

Ø Xiskoodu dhamaysyahoon

 

Ø Xawaaraha gaabinine

 

Ø Kuwii xaafadaha arliga

 

Ø Xinjirta u daadiyay

 

Ø Maxaa loo xisdiyay barbaar??

 

Ø Kuwii xasiloonidiyo

 

Ø Amniga xafidaayay gabi

 

Ø Kuwii xurguf iyo dagaal

 

Ø Xansaskiyo qodax necbaa

 

Ø Xuduntii horumarkaba

 

Ø Hadmaa laga xiiso dhacay??

 

Ø Xariir dumarkaa hantiyee

 

Ø Miyaan xilka loo sinnayn??

 

Ø Xatooyo ninkii galaa

 

Ø Xabsiga loo soo unkee

 

Ø Maxaa da”yar loo xayiray??

 

Ø Toloow xeerbeegtideen

 

Ø Xumaanahan lagula ka

 



Qalinkii Ciise Cali Haybe

Berbera / Somaliland



????

 



????


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip