Caynaba Media Group

Baaq Codsi' Codbixiyaasha Somaliland Ka Cun Waddani Iyo Kulmiye U Codee Ucid' NH

0
Saturday July 15, 2017 - 10:00:21 in Maqaallo by XA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baaq Codsi' Codbixiyaasha Somaliland Ka Cun Waddani Iyo Kulmiye U Codee Ucid' NH

    Anigoo ka mid ah masuuliyiinta golaha dhexe Xisbiga daryeelka iyo caddalaada ee Ucid. Isla markaasna ah xubnaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Anigoo ka mid ah masuuliyiinta golaha dhexe Xisbiga daryeelka iyo caddalaada ee Ucid. Isla markaasna ah xubnaha
ugu firfircoon ee  isku duuba ridka barnaamijka ee Xisbiga iyo fikrad curinta hanaashada guusha kursiga qaranka.

Waxaynu ku gudajirna oo sii rasmi ah u bilawday ololahii doorashada muddo yar ka dib sidaas darteed waxaan guud ahaan shacabka reer Somaliland aqoonyahanada dhallinyarta iyo haweenka reer Somaliland ugu baaqii lahaa inay maalinta codbixinta doorashada ugu hilliyan Xisbiga Ucid.


Xisbigga Ucid hoggaankiisu murasharaxiisa madaxweyne Eng'  Faysal Cali Xuseen wuxuu wax badan dalkeena ka badbaadiyey khal-khal iyo qalalaase siyaasadeed ila xilligii Xukuumaddii Daahir Riyaale Kaahin.
waa siyaasi rugcadaa bisayl iyo dareen shacab nabad jaceyl horumar bulsho u heegan ah goor kasta.

Marna aan ka hor iman maalgelinta iyo qorsheeyaasha horumarineed Ucid u aragto faa'iido shacab sidaa maalgelinta Dekeda berbera iyo Saldhiga Military dib u habeynta mashaariicida inoogu deeqeen dowladda Imaraadku (UAE)

Xisbigga Ucid Eng' F. C. W.  wuxuu kaalin mug iyo miisaan ka qaadtay nabadeynta gobolada iyo soo xerro-gelinta wada hadalka Khaatumo.

Inagoo og muwaadin oodareesan inuu murasharax Eng' Faysal Cali Xuseen geed dheer iyo geed gaaban u fuulay difaac jiritanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo suugeynta aqoonsiiga Somaliland dowladeena gacan mug leh ku siiyey.

Isku soo wada duub waxaan ku kalsoonahay inay shacabka Somaliland yihiin dad aqoon badan fiiro dheer kala og yaqaan mucaaridka qaran dumiska ah iyo mucaaridka qaran dhiska dalkeena  u halgama habeen iyo maalin.


Guusha Guusha Ka Cun Waddani iyo Kulmiye una codee Xisbigga Ucid



Cali-Dheeg
Guddoomiyaha Ucid
Gobolka Wales, UK.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip