Caynaba Media Group

QOL-QOL JOOGA SOMALILAND OO QUUS KA TAAGAN INAY

0
Saturday July 15, 2017 - 09:56:35 in Maqaallo by XA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 146
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QOL-QOL JOOGA SOMALILAND OO QUUS KA TAAGAN INAY

    Tan iyo intii la asaasay tartanka xisbiyadda badan 2001,oo laga guuro nidaamkii guurtidu wax ku Soo dooran jirtay ,muwaadiniinta reer Somaliland ee loo yaqaano qol-qol jooga waxaa qalbigooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo intii la asaasay tartanka xisbiyadda badan 2001,oo laga guuro nidaamkii guurtidu wax ku Soo dooran jirtay ,muwaadiniinta reer Somaliland ee loo yaqaano qol-qol jooga waxaa qalbigooda

Gashay rajo aad u wanaagsan iyo mustaqbal  ay ku xisaabtamaan mar haddii ay yihiin 85%

dadka codaynayaa qol-qol joog in murashax kasta oo han  madaxwayne lihi uu mudnaanta

koowaad siinayo

Muwaadinka dhabta ah ee passporkiisu yahay Somaliland ee wadanka aan dhinacna uga bixin oo

saamiga Xukuumadda ay ka helayaan 75% haddii ay noqon lahayd wasiiro,wasiiro ku

xigeen,wasiiru dawlayaal,agaasime guud,badhasaabyo,Barlamaankana ay ku yeeshaan 70%,iyo

hay,adaha ajaanibka oo ay ku yeeshaan 80%,waxaa bilaabmay  tartankii ururadda oo ay ku

tartamayeen dawladaha hoose waxaa la doonayey inay xisbi ahaan u soo baxaan sadex

xisbi,sadexddii xisbi ahaan u soo baxayna ay noqdeenxisbigii udub,xisbiga kulmiye iyo xisbiga

ucid.

Waxaa la gudo galay doorashaddii madaxtooyadda 2003,haddana waxaa la gudo galay tartankii

 Golaha wakiiladda 2005,waxaa dhowr  jeer dib u dhacday doorashaddii madaxtooyadda oo la

doonayey inay mar labaad ku beganto 2008,waxayna doorashaddii madaxyooyaddu ay

qabsoontay 2010,

Doorashaddii deegaankana waxay dhacday 2012,intaas oo doorasho waxaa dhabarka u ritay oo

habeenkii saqda dhexe kayuuga ama safafka u hoyanayey oo ay dhaxantu iyo hu’la’aantu ku

dhacaysay

Muwaadinkaas marka dan la leeyahay  laga dul dhareerinayo oo la odhanayo muwaadin

isdiiwaangeli,muwaadin kaadhka dhalashadda qaado,muwaadin kaadhka cod-bixinta qaado.

Goormuu muwaadin noqday ma marka dan laga leeyahay,marka danta laga leeyahay laga dhamaystana

Sida hangoolka loogu tuuro guriga qol-qolkiisa,ee markii loo baahan yahayna la soo qaado

miyuu qolqol joogu noqday,weli intaas oo doorasho dhacday oo muwaadinkaas xalaasha ah ee

wadankiisa aaminay ee aanu habeena ka maqnaan ,waxaa kaga nasiib iyo ayaan batay qurbo-

joog wuxuu ka shaqeeyo aan la goyan,qurbo joog haddii uu doono diinta islaamka ka fog ku

dhaqankeeda oo xalaashaday waxyaalihii Allaah(Swt) xarimay sida

qamriga,xashiishadda,qaadka,sigaarka,zinadda ,oo dhaqano xun xun ama afkaaro gaalo wadanka

la imanaya,halkii qurbo-joog diin leh oo dadnimo leh,oo akhlaaq leh,dal jacayl leh oo

Shacabwaynihiisa ay walaalaha yihiin ee qol-qol joog wixii uu ku dhaamo u qabanaya haddii ay

noqoto dhinaca aqoonta,horumarka.

Waa ayaan darro iyo doqonimo aad u wayn in murashaxkastaaba uu siin waayo mudnaanta koowaad

Qol-qol jooga ama muwaadinka dhabta ah 75%,qurbo joogana 25% la siiyo mar haddii ay asal

ahaan wadanka Somaliland ka soo jeedaan oo aan yagana la faquuqin.

15  wasiir oo qol-qol jooga ah,15 Agaasime guud ah oo qol-qol jooga ah iyo 62 golaha

wakiiladda oo qol-qol joog ah oo Baasaboorkoodu yahay somaliland waxay wax badan ka Bedeli

lahaayeen Caalamka,oo wadamadda reer galbeedka,reer barriga,afrika iyo wadamadda muslimku

Somaliland yagaa u baahan,oo somaliland waxay ku taala goob istaraatiiji ah ama gobol aad u

Mihiim ah oo isku xidha Afrika iyo wadamadda carabta,masuuliyiintaas qol-qol jooga ahi ee

baasaboorkoodu somaliland yahay waxay khasab kaga dhigi lahaayeen caalamka aynu

xidhiidhka la leenahay inay ku khasbanaadaan inay baasaboorkeena wadamadda caalamka lagu

Safro,halka intii ay somaliland la soo noqotay xornimadeedii masuuliyiinta qaranka somaliland

iskaga dambeeyey ha noqdaan m/wayne,wasiiro ilaa agaasimayaal guud lagu safro passport-

Ajaanib ah oo qaar yurub yihiin,qaarna maraykan,qaarna itoobiya,jabuuti iyo soomaaliya.

Qol-qol joogu waxay rajo aad u wayn qabeen oo ay aad iyo aad ugu taamayeen tartankii Labaad

Ee doorashadda M/waynenimadda ee uu u tartamayey rug cadaaga wayn ahna hogaamiyihii ugu

Mudada dheeraa halgankii SNM,awood milaterina u yeelay jabhaddii SNM,oo uu u badheedhay

In dalka gudihiisa laga dhex-dagaalamo,kuna dhiiraday inuu Milaterigii Soomaaliya oo ahaa

Awooda Sadexaad ee qaaradda Afrika,inuu jabhaddii Snm ku amro inay madax-madax isugu

Tuuraan Labadda gobol ee milateriga soomaaliya awooda ku leeyahay waa Gobolka Togdheer

Ee caasimadiisu tahay Burco,iyo Gobolka Waqooyi galbeed ee caasimaddiisu tahay hargaysa,

Shacabwaynaha qol-qoljoogu rajo aad u wayn ayey ka sugayeen Axmed-Siilaanyo marka

Uu doorashadda M/tooyadda ku guulaysto inuu saamiga xukuumadda ka dhigi doono 75%

Shacabwaynaha qol-qoljooga,balse mar suurto gelin oo xukuumaddiiba waxay inteeda

Badan noqotay Qurbo-joog,maalinba maalinta ka dambaysa waxaa sii xumaanayey rajaddii

Ay ka qabeen qol-qoljoogu siyaasiyiintooda markay indhahooda ku arkeen ama ay idaacada,

Tv-yadda ay ka dhegaysteen Wasiiradda,agaasimayaasha iyo badhasaabyadda la magacaabay

Kuwa la magacaabay yagoo qurbaha ku maqan la magacaabay,qaarna ay dalka yimaadeen intaan

Lagu dhawaaqin liiska wasiiradda,agaasimayaasha iyo badhasaabyadda.

Xukuumadkastaaba waxay dhiiri gelisaa tahriibta sababtoo ah haddii qol-qoljooga mudnaanta

koowaad la siin lahaa oo saamiga xukuumadda iyo barlamaanka ay u badan lahaayeen sidaan

wedkayga u hubo waxaa suurta gal ah inta tahriibtaa inay noqon lahayd 1% ,halka manta inta

tahriibtaa ay yihiin 35%.

Xisbi kasta ama murashax kastaaba aqoontiisa gaabani waxay siisay inuu yidhaahdo qol-qol

joogoow qaado kaadhka cod-bixinta balse aanu ku dhiiran Karin inuu si cilmiyeeysan u qanciyo

oo ay is-waraystaan qol-qol jooga oo uu yidhaahdo waar qol-qol joogoow intaas oo doorasho si

wanaagsan ayaad kaadhka u qaadateen,oo si wanaagsan ayaad u codayseenee maxaa idiinku  

dhacay  2016-2017,halkee bay sartu ka qudhuntay????”””

Qol-qol joogu quus aad iyo aad u wayn ayey ka taagan yihiin qaadashadda kaadhka dhalashadda

iyo qaadashadda kaadhka cod-bixinta ,waxayna jecel yihiin yagoo isku duuban inay la

xisaabtamaan sadexda qaran ama qol-qol jog kastaaba xisbiga uu taageersan yahay yagoo isku

 Duuban shuruud adag ay kala saxeexdaan inta laga siinayo saamiga wasiiradda,agaasimayaasha

guud ,inta laga siinayo xildhibaanadda  wakiiladda, inta laga siinayo xildhibaanadda  deegaanka .

Qol-qoljoogii waxaa reer miyigoodii ku dhacay abaar aad u dabo dheeraatay oo xoolihii

wadankeenu uu qaniga ku ahaana meesha ka baxeen ama ay dabar go’een,gaajo,haraad,nafao

daro ay isu raacday oo weliba ay ku habsadeen xanuun shuban biyood ah oo waayeel,dhalinyaro

Iyo caruurba xabaalaha geliyey,waxna ay la ildaran yihiin xanuunkaas haleelay oo ay u baahan

yihiin xanaanayn aad u saraysa,daryeel caafimaad oo nadiif .

Waxaa iswaydiin leh qol-qol jooga ku dhaqan wadanka gudihiisa miyi iyo magaalaba suurta gal

ma noqonaysaa inaanu caqligoodu shaqayn oo dadba ninkii murashax ah sida xoolaha iska daba

Galaan,oo aanay shuruud adag la gelin murashax kasta oo han M/waynenimo doonaya???????

Haddii qol-qol joogu intay kaadhka cod-bixinta qaataan oo ay jeebka gashadaan oo ay codayn

waayaan ma u malaynaysaan inay doorasho dhacayso oo goobkastaba la waayo qol-qol joog soo

xaadira?????????””””””””””””.

Mise murashaxiintu intay doorashadda dib u dhigaan ayey doonan doonaan qurba jooga dibaha

ku maqan oo lagu qiyaaso 15%?”

Wadankastaaba wuxuu mudnaanta koowaad siiyaa muwaadinkiisa dugsi hoose,dhexe,sare ilaa

Jaamacad ka soo baxay wadankiisa,baasaboorkiisuna yahay baasaboorka wadanka.

Barlamaanka Somaliland waa in sharci adag la dhigo oo qeexaya in saamiga xukuumadda

Xildhibaanadda mudnaanta koowaad la siiyo qol-qoljooga,haddii talaabadaas lagu dhiirado

Qofkasta oo muwaadin ah ama qol-qoljoog ahi wuxuu aamini lahaa wadankiisa,haddii sidan

foosha xun ee ay wax u socdaan la sii xoojiyo la dhiirigeliyo in mudnaanta koowaad la siiyo

Qurbo jooga waxaa rajo beel noqonaya in qofkastaaba wadankiisa ka qaxo oo uu ka door bido

Saxaraha liibiya si uu uga sii gudbo wadamadda reer yurub,si berri ka maalin uu u noqdo

qurbojooga wadanka oo ay u dhoowaanayso xilalka wasiir,badhasaab iyo agaasime guud,

Wadankan ay yeelan doonaan qaxoontigan faraha badan ee bilaa sharciga kaga soo talaabaya

Itoobiya,oo ay noqoto sidii Magaaladda Diri-dhaba ee lagu soo daad-gureeyey oromo aad u fara

badan oromadaas oo markii dambe ee ay ka bateen soomaalida diri-dhaba oo la is-laayey waxaa

La sameeyey in cod loo qaado labada qolo,qoladda deegaanka koowaad noqonaysa,halkii ay

soomaalidu ku adkaysan lahaayeen cod nalooma qaadi karo ee deegamadda diri-dhaba ha ka

Baxaan oromaddu,calaa kuli xaal cod ayaa loo qaaday,codkii wuxuu noqday in oromaddu tiro

aad u badan oo lagu qiyaaso 60% inay ka noqdeen diri-dhaba,waa arrimaha itoobiya ku

taamayso Sidii ay u heli lahayd xeeb aad u dheer oo aan dhiig ku daadan inay dadkeeda kugu

Soo daad-gurayso oo maalinkastaaba sadex boqol oo qof oo bilaa sharci ahi wadanka soo galaan

Toban sano gudahoodna waxay noqonayaan 1080,000 qof milyan iyo sideetan kun oo qof.

Xoghayihii maraykanka u qaabilsanayd afrika jandaaya waxaa laga hayaa ma dhacayso ma dhici

karto,dhegahayguna maqli maayaan itoobiya 86000,000 sideetan iyo lix milyan ah oo aan xeeb

lahayn,waa inaad sida ugu dhaqsaha badan xeebaha idiin dhoow dagaal aan dhiig ku daadan

Ku qabsataan idinkoo toban milyan oo shacab ah ku daad guraynaya.




Qalinkii:Saxafi Madax-Banaan Qoraa: ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda ee Xisbiga Kulmiye

Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Rep.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip