Caynaba Media Group

Xoriyaddii dhicisowday

0
Wednesday July 12, 2017 - 19:49:40 in Maqaallo by XA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 168
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoriyaddii dhicisowday

    26-june 1960-kii Calan saarkii British Somaliland 1-july 1960-kii calan saarkii Italian Somaliland. 27-june 1977-kii calan saarkii French Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

26-june 1960-kii Calan saarkii British Somaliland 1-july 1960-kii calan saarkii Italian Somaliland. 27-june 1977-kii calan saarkii French Somaliland

1960-kii waxa uu ahaa sannadkii qaarada Africa waana sanadkii ay wadamo badan oo qaarada Africa ku yaalaa ku guulaysteen xoriyadii ay mudada u dirirayeen ee waana sannadkii ay iska duqaadeen heeryadii gumaysiga.

Wadamadii Africa ee sanadkaa heeryada gumaysiga iska tuuray waxa ka mid ahaa British Somaliland Protectorate iyo Italian Somaliand oo ay gacanta ku kala hayn jireen gumaysteyaashii Ingiriiska iyo Talayaanigu.

Labadan dal ee xoyiyadooda  hantay waxay ka mid ahaayeen dhul-waynihii Soomaalida ee ay shanta u kala dhambaleen gumaysteyaashii reer galbeedku, waxana wali gacanta kumaysiga ku sii hadhsanaa French Somaliland, NFD iyo reserve area dhulkii loogu magac daray oo ingiriisku ku wareejiyay boqortooyadii guunka ahayd ee Ethiopia.

Hadaba 19960-kii markii ay labadii gobol ee Soomaaliyeed xoriyadooda qaateen waxa afar maalmood xoriyada ku horeysay oo 26-june 1960-kii calan xor ah kii ugu horeeyay hawada sudhay British Somaliland Protectorate, Hargeysa oo ahayd xaruuntii xiligaa fadhiga u ahayd gumaysiga ingiriiskuna waxa ay noqotay hooyadii xoriyadda ummada soomaaliyeed.

Gumaysi nacayb ay bulshada Soomaalidu ka sinayd iyo jacayl loo qabay in la dhiso dowlad soomaaliyeed oo ka kooban shantii waaxood ee gumaystuhu soomaali u kala qaybiyay ayaa xiligaa ahayd si wayn u dhex qaaday geeska Africa.  bulshada Soomaaliduna waxa ay ku hadaaqi jirtay erayo lagu wiirsanayo cidii ka hortimaad in la mideeyo shanta Soomaaliyeed, weedhaha lagu hadaaqi jirayna waxa ka mid ahaa "SHANTA DIIDOW DILAAC”  iyo "AAN MAALMO HASHEENA MAANDEEQ”  iyo  kalmado kale oo xambaarsan micno kuwan la mid ah.

 

1-july 1960-kii waxa xoriyadii la siiyay Italian Somaliland oo ay xarun u ahayd Muqdisho waxana isla habeenkii la dhaadhiciyay calankii Talyaaniga Muqdisho laga taagay mar labaad calankii afar maalmood ka hor Hargeysa loogu wanqalay, waxana si ka fiirsi la’aan ah oo aan shuruud lahayn aqoona loo adeegsan loogu dhawaaqay in ay midoobeen British Somaliland iyo Italian Somaliland, magacooduna noqon doono (Somali Republic) Jamhuuriyaddii Soomaalida. Isla maalmo kooban kadib waxa lagu dhawaaqay xukuumadii ugu horeysay ee Soomaali Xor ihi yeelato.

 

Xukuumada cusub ee Soomaaliyeed waxa madaxweyne iyo Raysalwasaare ka noqday laba mas’uul oo dhalasho ahaan ka soo jeeda koonfur ama Italian (Somaliand), halkaana waxa ka bilaabmay qalbi jabkii kowaad ee ku dhaca dadkii reer waqooyiga ahaa (British Somaliland).

Caasimadii jamhuuriyada Soomaaliyeed waxa laga dhigay Muqdisho, taliyeyaashii ciidmada iyo xukuumadii dhalatayna waxa ay u bateen Koonfur, golihii baarlamaanka oo uu ku jiro gudoomiyuhuna waxa ay noqdeen reer Koonfur, marka laga reebo 33-xubnoon oo aan codkooda la dhagaysan oo marti  ku noqday magaalo aanay hore habeen u seexan lahjada lagaga hadlayaana aanay wax badan uga duwanayn luuqad qalaad.

dhacdadani waxa ay boog ku noqotay xukuumadii uu Cigaal gadhwadeenka ka ahaa ee horiyadii dhiigu u daatay iyo calankii curadada loo waayay sida bilaa shuruuda ah uga soo diiqay Hargeysa.

 

Rajadii ahayd in shan Soomaaliyeed la isla doontaa waxa ay dhicisowday markii afduub ku dhacay xukuumadii ka tagtay Hargeysa, taas oo saamayn toos ah ku yeelatay in sadexdii gobol ee maqnaa ay ku soo dhiiran waayaan midnimo Soomaaliyeed oo hirgasha.

Sannad markii laga joogay israacii Soomaalida waxa markiiba furka tuuray oo qarsoodigii ka baxay tabashadii ka dhalatay dhicisowgii  xorriyada iyo saluugii xukuumada reer koonfurka u gacan gashay, waxana la maleegay afgambi u jeedkiisu ahaa sidii reer waqooyi ula noqon lahaayeen xoriyadooda , laakiin afgabigaasi wuu fashilmay waxana ka dhalatay in si toos ah loo ugaadhsado hal-doorkii reer waqooyiga ee xoriyadda u keenay dhulkii la odhan jiray (British Somaliland).

Kala fogaanshihii iyo is afgaran waagii ka dhashay israacii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed wuxu heerkii u sareeyay gaadhay markii inqilaab ciidan uu dalka ku qabsaday General Maxamed Siyaad Barre, oo isna dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolada Koonfureed.

Talaabooyinkii uu qaaday Siyaad barre waxa ugu xusid mudan badalistii magacii Jamhuuriyada Soomaaliyeed (Somali Republic) ee uu u bedelay Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee Soomaaliya.

Ugu danbayntiina waxa natiijadii Israaca Soo Afmeeray dagaalo lagu hoobtay oo lagu qaaday ubucdii dhulkii uu Ingiriisku haysan jiray oo ay ugu mudnaayeen Hargeysa iyo Burco.

Dagaaladii lagu qaaday Hargeysa iyo Burco  iyo dhulkii hoos imanayay waxa ay reebeen taariikh lama ilaawaan ah, maxaa yeelay waxa laga diwaangeliyay in taariikhda markii ugu horeysay diyaarad ka duushay garoon ku yaala magaalo ay duqayn ka gaysato isla magaaladii ay ka duushay.

Dagaaladii mudada dheer qaatay ee dhexmarayay jabhadii SNM iyo ciidamadii kacaanka ayaa ugu danbayn soo dhamaatay 1991-kii xiligaas oo gebi ahaanga gobladii waqooyi laga saaray ciidamadii dowladda.

 

Maalmo kooban ka dib waxa magaalada Burco lagaga dhawaaqay in dhulkii hore loo odhan jiray British Somaliland ay mar labaad xoriyadoodii dib ula soo noqdaan magaca dalkuna noqdo Jamhuuradda Somaliland.

Tan iyo 18-may 1991-dii bulshada ku dhaqan Somaliland waxa ay hadhsanayeen calan ka duwan kii 26-kii june 1960-kii oo ka kooban sadex midab dushana ay kaga xardhantahay kalimatu tawxiid,  badiba bulshada Somaliland waxa ay aaminsantahay in calankanka sadexda midab ka kooban dhiiga ku daatay hantida ku burburtay iyo dadka loo waayay ay ka tiro badan yihiin tii ku baxday calankii Hargeysa laga taagatay habeenkii 26-kii June 1960-kii.

Xaqiiqooyinka jira

1.      Reer Somaliland waxa ay 1-July u aqoonsanyihiin maalintii la khiyaamay ee jiritaankoodii god madaow lagu riday.

2.      Reer Somalia waxa ay 1-july u  aqoonsanyhiin maalintii midowga iyo guusha Soomaliya.

3.      Reer Somaliland waxa ay 26-june u aqoonsanyihin maalintii xoriyadda ay ka qaateen Ingiriiska.

4.      Reer Somalia waxa 26-june u aqoonsanyihiin maalintii gobolada waqooyi xoriyadooda qaateen

5.      Reer Somaliland waxa ay 18-may u aqoonsanyihiin malintii ay dib u hanteen xoriyadii ka luntay 1-july 1960-kii.

6.      Reer Somalia waxa ay 18-may u aqoonsanyihiin maalin koox yar oo caadifadaysani ay maamul gooni ah samaysatay.

 

Arraar: Araar marka aan leeyahay reer Hargeysa waxan u jeeda reer Somaliand, marka aan leeyahay reer Muqdisho waxan u jeedaa reer Somalia.

AKHRISTE :KA JAWAAB WAYDIIMAHAN SI AADD UGU GAR QAADO SOOMAALI .

1.      Maxay tahay sababta runta ah ee reer Muqdisho ugu taamayso midnimo kale oo dhex marta Hargeysa, Muqdisho, lakiin Muqdisho miyay ka Soomaalinimo jeceshahay Hargeysa?

2.      Maxay tahay sababta runta ah ee reer Hargeysi  uga calool go’een midnimadii dhex martay Muqdisho.

3.      fasiraada midnimo Soomaaliyeed oo la helo micneheedu ma waxa uu ku koobanyahay  Hargeysa iyo Muqdisho ?

4.      marka laga hadlayo midnimo Soomaaliyeed xaq ma u leeyihiin Jigjiga, Djibouti iyo Gaarisi ?

5.      hadii Djibouti Dowlad Gaara noqotay Jigjigina iyo Gaarisina ay la shuraakoobeen dowlado kale maxaa ceeb ka dhigay in Hargeysina Dowlad Gaar ah noqoto ?

6.      maxatay tahay sababta midnimo doon ee reer Muqdisho ku taamaan ee aan dhinacna u dhaafsanayn in mar labaad Hargeysi calanka iyo dowladnimada mar labaad ku casuunto  Muqdisho ?

7.      hadii reer Muqdisho run ka sheegayaan midnimada ay tan iyo 1991-kii ugu baaqayaan Hargeysa, maxaa loo waayay talaabo jawaab celin u ah naf hurkii Hargeysi samaysay 1960-kii  iyo calankii ay ula baqooshay Muqdisho ?

8.      ma dhabaa dooda sheegay in aan reer Somaliland xiligii xoriyad doonka Ingiriisku ka dilin tiro la mid ah tii ay ka sahayatay dowladii siyaad Barre xiligii ay horiyada bid u soo ceshanayeen ?

9.      hadii aan xoriyadii dib loo hantiyay 19991-dii ka mudnayn kii 1960-kii maxay tahay sababta 18-may uga saamayn badatay 26-june ?

10. hadaan calanka sadex midab dadka reer Somaliland uga manfac badan kii buluuga ahaa ee 30-ka sanno ka taagnaa dalka maxay Hargeysada xiligan uga qurux badnaatay ugana nabad iyo horumar badatay Hargeysadii 1988-kii ?

11. Djibouti hadii ay gaar u taagantahay oo ay sidaa dan u aragtay maxay ugu garaabi wayday in Hargeysina sidaas oo kale yeesho ?

12. Mas’uul ka tirsan Dowlada Somalia hadii buuqasho ku tago Djibouti, Jigjiga ama Gaarisa waxa uu qirsanyahay in uu booqday dal ka mid ah dalalka jaarka waxana lagu soo dhaweeya mid ka mid ah astaanta calamada Keyna, Ethiopia ama Djibouti waxanu Muqdisho dib ugu laabtaa isaga oo safarkiisa la dhacsan, laakiin calanka ka taagan Hargeysa waxa uu u arkaa calan baadil ah oo Soomaali kala qaybin  iyo googo u horseedaya ?

13. Ma odhan karnaa waxa Djibouti ku kalifay in ay dowlad gaar ah noqoto waxa ay ku quus qaadatay sad-bursigii siyaasiga ahaa ee ay reer Somaliland oo tiro ahaan ka badan Djibouti ay kala kulmeed israacii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed. 

14. Halgan badan oo xoriyad doon ah hadii Djibouti calankeeda ku guulaysatay oo 27-june sanad kasta calankeeda u debaal degto sidaana Soomaalida kale ku hambalyayso Muqdisho-na calankeeda u demaashaado sanad kasta marka lagaadho 1-july maxay tahay xaqiiqada Somaliland oo labadan dowladoodba calanka ka hor heshay xaflado deelqaaf iyo yasmo ku jirto loogu qabto Muqdisho ee loo yidhaa 26-june waa maalintii ay calanka heleen gobolada waqooyi, ileen xaqiiqada jirta ee diwaangashani waxa ay ahayd boqortooyadii Ingiriisku calanka waxa ay siisay dowlad maalmo kooban jirtay oo la odhan Jiray Jamhuuriyada Somaliland  ee may siin wax gobolada waqooyi la yidhaa ?

15. Hadba cida talada Muqdisho  qabataa waxa ay isticmaashaa weedho ay mudnaan lahayd in runta laga sheego oo xaqooda la mariyaa laakiin aan si dhab ah loo istimcaalin waxana ka mid ah weedhahaas  " ummada Soomaaliyeed, calanka Soomaaliyeed, Ciida Soomaaliyeed, Ciidanka Xooga Soomaaliyeed”  iyo weedho kale oo la hal maala iyada oo cida magacaa loogu yeedhayaa ay tahay oo dadka ku dhaqan dalka Somalia gaar ahaan dhulkii uu Talyaanigu gacanta ku hayay, oo aanay ku jirin Djibouti, Jigjiga Gaarisa iyo Hargeysi.

Run ahaantiina weedhahan waxa isticmaalkoodu sax noqon lahaa oo kaliya hadii ay jirto Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo ka dhaxaysa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, laakiin inta ka sokaysa isticmaalkeedu waa qadaf iyo meel ka dhac.

 

 

Akhriste iyada oo lagu jiro todbaadkii xoriyada ee ummada Soomaaliyeed bal gartan qaad oo maxay tahay xaqiiqada runta ah ee kala fogaysay bulshada Somaaliyeed min xadka waqooyi ee Eritrea ilaa jidaha koonfureed ee ku dhow magaalada Mombasa ee dalka Keyna ilaa laga gaadhayo duleedka magaalada Addis ee caasimada dalka Ethiopia.

Ugu danbayn Xoriyadii  ay heshay bulshada Soomaalidu waxa ay noqotay mid dhicisowday waana xoriyadda keentay in Soomaalidii is jeclayd ee geeleedu meel wada daaqi jiray marti Sooryadana caanka ku ahayd ay kala qoqobanto oo wiilka jooga Gaarisi Vissa ku tago Djibouti, wiilka reer Hargeysaadna uu dal ku gal uga baahdo magaalada uu geeliisu hareero daaqo ee Jigjiga, halka wiilka reer Muqdisho marka uu booqasho ku joogo Hargeysa uu isku arko nin ku sugan wadan cadaawe isaga oo ka fiirsada erayada afkiisa ka soo baxaya hadii ay meel kaga jirto weedh lagu amaanayo ama lagu soo dhawaynayo midnimo iyo wax la xidhiidha.

Xafiiltankii iyo ceebibihii laga dhaxlay xoriyadii dhicisowday waxa ay bulshada Soomaaliyeed baday qiimo dhac ku yimaad Soomaalinimadii iyada oo qofka ku hadla afka Soomaaligu gobolka uu doono ama dalka uu doono ee geeska Africa haka tagee marka uu wadama qurbaha joogo loo arko qof liita oo aan lahayn dal lagu faano tusaale Soomaalida ka kala tagta Ethiopia, Somaliland,Djibouti, Somalia iyo Keyna marka ay joogan mid ka mid ah wadamda galbeedka ama carabta waa dad isku af isku muuqaal iyo isku diin ah bulshda ay la noolyihiina macadayn karto dalka ay ka yimaadeen, sidaa darteed si isku mid ah ayaa loo wada xaqiraa loona karaamo dilaa.

Cudurada laga dhaxlay xoriyadii dhicisowday waxa ka mid ah kala fogaansho iyo kala shaki soo kala dhexgalay bulshada Soomaaliyeed cadayn u ah in bulshadu aanay wali si dhab ah u xoroobin ee loo baahanyahay in mar kale la helo dad ka dulqaada heeryada qarsoon ee gumaysiga.  

 Waxan hadalkayga ku soo koobi lahaa bayd  gabay uu lahaa gabayaagii caanbahay ee C/laahi Suldaan Timo Cade, oo ahaa "RAG CADAALAD WAAYAA SIDII CAWSHA KALA YAAC” hadii la waayay dal Soomaaliyeed oo wayn oo si cadaalad ah loo wadaago yaan la waayin shan dal oo Soomaaliyeed oo walaalo ah

1.      Jamhuuriyadda Djibouti

2.      Jamhuuriyadda Somaliland

3.      Jamhuuriyadda Somalia

4.      Iyo dowladaha Soomaalidu qaybta ka tahay ee Kenya iyo Ethiopia.



Qalinkii:Mohamed Omer JIbril (Moj)

Contact:mx7lee@gmail.com


 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip