Caynaba Media Group

Milicsiga Waxyeelladii Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland! Qaybta 2aad.

0
Saturday July 08, 2017 - 13:18:58 in Maqaallo by GI_Wararka Caynaba News
  • Visits: 143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milicsiga Waxyeelladii Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland! Qaybta 2aad.

    Waxa aynu qaybtan ku soo qaadan doonnaa dhulka danta guud ah ee loo gacan-geliyay shakhsiyaadka, xayiraad la saaray dhulka Madaarka Cigaal u dhow iyo damac kale oo la rabo in lagu qarameeyo baaqiga dhulkii ay hore xukuumaddu ula wareegtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aynu qaybtan ku soo qaadan doonnaa dhulka danta guud ah ee loo gacan-geliyay shakhsiyaadka, xayiraad la saaray dhulka Madaarka Cigaal u dhow iyo damac kale oo la rabo in lagu qarameeyo baaqiga dhulkii ay hore xukuumaddu ula wareegtay.


Wakiil Farxaan Aadan Haybe iyo kooxdiisu waxa ay si xooggan u ilaaliyeen ogaalka qofka la siiyay dhulka madaarka ee hudheelka dhisaya. "Nin reer Hargeysa/Sallaxley ah oo Ismaaciil la yidhaahdo ayaa dhisanaya” ayaa lagu majara-habaabiyay dad badan. Ismaaciil waa ayo? Halkee ayuu ku nool yahay? Ma cir-ka-soo dhac aan la aqoonsan karin baa?. Jawaabtaas oo aan maalmo door ah hayay, kuma qancin 100%. Timir laf baa ku jirta, maxaa weedhaas ku dahsoon! Haddii xisaabta qaybinta sarreeyaha laga dhigo eber maxaa soo baxa? Bal 0/9, 0/8 sheeg natiijadeeda. Afka Ingiriisiga waxa la yidhaahdaa "Undefined” "Wax aan qeexnayn” weeye.

 

Hiirtii Khamiista 6dii Julaay 2017ka ayaan u jarmaaday si aan xog sugan uga helo dadka la-deriska ah madaarka ee dhulkooda dadka kale loo gacan-geliyay, waxaanay farta iigu fiiqeen cidda qandaraaska boolida ah lagu naas-nuujiyay. "Waxa dhisanaya Ganacsade caan ku ahaa waayadan boobka hantida guud. Agaasimaha Guud waxa uu noo sheegay in aanu dhisku ka soo tallaabi doonin xadkii taarka. Haddii uu hal taako dibadda u soo fido” mooyi. Cid maal-gelinta samaysayba waa qandaraas naas-nuujin ah oo loo tartamin. Falkani waxa uu xoojinayaa dhaqannadii uu hore KULMIYE ugu sadheeyay ummadda Somaliland ee kala-xigtaysiga, jufaynta iyo qaraaba-kiilka ahaa.

 

Dhulka loo qoondeeyay albeerkadu waxa uu ku dhaw yahay lix baloog. Waa meel ay degi lahaayeen 60 qoys. Waa dhul laga qaaday lix qoys oo kala duwan, waxaana lo ballan-qaaday in dhul beddel loogu samaynayo sida ugu dhakhsaha badan. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa yidhi "Waxa aanu u tagnay Wasiir Farxaan xilliyadii hawsha la bilaabayay. Isaguna waxa uu noo sheegay in aanu la xidhiidhno Agaasimaha Guud. Waayo waxba kama ogeyn hawshan oo waxa shaxda sii dhigay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi”

 

Shaxda dhismaha ama nashqaddiisu waxa ay u samaysan tahay laba fooq oo dhexda ka qaybsan iyo mutuleyaal doora ah. Dadka deegaanku waxa ay sheegeen in ay dhulkooda u bixiyeen in dan guud laga dhigo. Dhulka ay dadweynuhu bixiyeen waxa hore sifo sharc-daro ah loo siiyay oo wershad ka samaystay ninkii loo kooteeyay dhismaha dhabbaha garoonka Cigaal iyo dhabbaha madaarka Burco ee Cabdirisaaq Cummaani.

 

Inkasta oo ay xukuumadda Somaliland ballan-qaadday in la rari doono Karasharka Ganacsade Cummaani marka uu dhammaado dhismaha madaarku, waa wax laga xumaado in aan illaa hadda la rarin dhagax-shiidkaas oo dhibaato caafimaad ku haya dadka deegaanka. Ninkani waxa uu ku ganacsadaa dhul dawladeed, uurada uu soo saaraana waxa ay hadimo ku tahay dadka la deriska ah.

 

 

Iyada oo lagu tagri-falay dhulkii dadka laga qaaday ayaa haddana xayiraad la saaray hulka Madaarka la-deriska ah.Dadweynaha leh dhulka la-deriska ah Madaarka oo iiga xog-warramay dhibta ka haysata maamulka dhulkooda ayaa yidhi "Waxa xayiraad la saaray beeraha ku dhow madaarka Hargeysa, taasina waxa ay sababtay in aanu awood u yeelan weyno iibka, kirada, hibeynta iyo maamulidda hantida aanu leennahay.

 

Amarka xayiraadda waxa soo saaray Madaxweyne Siilaanyo, waxaanay dhibtaasi na haysataa illaa 3dii Julaay 2012ka. Dhulkayagi waxa uu isugu jiraa wax xukuumaddu la wareegtay iyo wax ay xannibaad ku soo rogtay”. Illaa hadda dhinacna looma dhaqaajin, dhulkoodina waa wax la qarameeyay, wax qorshe lagu qaato loo abaabulayo iyo wax amar qayaxan lagu qufulay.

 

"Waxa aanu xayiraadda dhulkiinna saaran qaadi doonnaa marka aad ku deeqdaan lix boqol oo mitir oo jihada koonfureed ka xiga madaarka” ayaa dhawaan lagu wargeliyay dadkii hore loo bara-kiciyay. Aragtidani waxa ay saamaynaysaa illaa 15 beerood oo hore dhul looga qaaday. Iyada oo aan dhul-beddel hore loo samaynnin dadkii 400 mitir laga kiciyay ayaa haddana lagu taamayaa 600 mitir oo kale. Markaasna wax dadka u soo hadhayaa ma jiraan. Inta woqooyigii gegada laga dhigay hudheel, dhinacii barina laga dhisay dhagax-shiid ayaa markii dhulku yaraaday haddana la rabaa in xaggii koonfureed loo kaco. Waa haddii laga yeelo xukuumaddeenna Murdiso!

 

La soco qaybta saddexaad insha Allah

 

Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip