Caynaba Media Group

Ambassador Cabdale Maxamuud Qardhab Oo Hambalyo U Diray Xildhibaan Mawliid Maxamed Shaqale Oo Kamid Noqday Guddida Ololaha Ee Xisbiga KULMIYE.

0
Thursday June 29, 2017 - 16:29:32 in Wararka by MA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ambassador Cabdale Maxamuud Qardhab Oo Hambalyo U Diray Xildhibaan Mawliid Maxamed Shaqale Oo Kamid Noqday Guddida Ololaha Ee Xisbiga KULMIYE.

    Hargeysa(CYN)Ambassador Cabdale Maxamuud Qardhab ayaa ka hadlay guddida Ololaha ee Beelaha Arab uga shaqayn doona Ololaha gobolka Maroodijeex ee xisbiga KULMIYE.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(CYN)Ambassador Cabdale Maxamuud Qardhab ayaa ka hadlay guddida Ololaha ee Beelaha Arab uga shaqayn doona Ololaha gobolka Maroodijeex ee xisbiga KULMIYE.

Guddidan oo maanta ay beelaha Arab magcaabeen ayaa ka kooban shan xubnood, waxaanay ka shaqayn doonaan ololaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodijeex iyo caasimada Hargeysa.

Ambassador Cabdale Maxamuud Qardhab oo warbaahinta qaybo kamid ah la hadlaayey ayaa sheegay in guddidaasi yihiin kuwo fir firco, isaga oo hambalyo gaar ah u diray xildhibaan Mawliid Maxamed Shaqale oo uu sheegay in uu yahay shaqsi hawl kar ah oo kaalintiisa kazoo bixi kara.

Diblomasi Cabdale ayaa sidoo kalena soo dhoweeyey Guddidaasi oo iyagu ka hawlgeli doona ololaha xisbiga KULMIYE uu ku doonaayo inuu markale ku qabto talada dalka doorashooyinka soo socda ee madaxtooyada.

Guddidan oo maanta ay Beelaha Arab magcaabeen ayaa u badan siyaasiyiin saamayn ku leh xisbiga KULMIYE iyo gobolka Maroodijeex, kuwaas oo kaalin weyn ka geysan kara ololaha Doorashada madaxtooyada Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip