Caynaba Media Group

Bedel dhaqankan muwaadin!!!., by abdirashid osman.

0
Friday April 21, 2017 - 19:11:57 in Maqaallo by RA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 55
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bedel dhaqankan muwaadin!!!., by abdirashid osman.

    Weli miyaad maqashay qof isagu dhakhtar isu noqday oo xanuunka haya isku qanciyey inuu ogyahay shaybaadhna isu diro dawana isu qoro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weli miyaad maqashay qof isagu dhakhtar isu noqday oo xanuunka haya isku qanciyey inuu ogyahay shaybaadhna isu diro dawana isu qoro.

Maqaal aan qoray 2 sano kahor oo cinwaan kiisu ahaa (Somaliland waxaan ku soo arkay mujtamac wada bukaan socoda) ayaa had iyo jeer wuxuu igu dhaliyaa inaan isku dayo qaybta caafimaadka iyo bulshada Somaliland inaan bal wax kayara taatabto haday noqoto xanuunada beryahan danbe bulshadeena ku soo badanya kuwaas oo u badan iminka kuwo aan hore mujtamaceenu u lahaan jirin( sida xanuunka kansarkakaas oo u badan ka uurku jirtaku dhaca)ama xanuunada looyaqaano cudurada casriga sida (kaadi macaanka ,dhiig karka ) .


Hadaba akhristow aan kuu soo yara dhaweeyo ujeedada iyo nuxurka mowduucanwaxaynu ogsoonahayin horumar wayn laga gaadhay cafimaadka khaasatan caalamka horumaray ka qalab ahaan iyo aqoonba taasi waxay ka muuqataa oo markaa raad kuyeelanaysaa iyo saamayn mujtamacaadkaa haday noqoto isku celceliska da,da bulshadooda oo kor u kacda hadaan mitaal ka soo qaato wadamada sida jarmalka oo kale da,doodu waxay kor u dhaaftaa ilaa 80 jir ustaraalia sidoo kale taasina waxay ku imanaysaa horumarka ay ka gaadheen daawaynta xanuunada iyo ka hortagoodaba (cimriga ilaahaybaa haya ) waxaa kaloo soo raaca taa qaabka ay u noolyihiin ama waxa afka qalaad lagu yaaho (life style).


Bulshadeena hadaba hadaan u soo noqdo sidaynu kawarhayno ee ay inoogu muuqato iyo qaab nololaadkeenu waa mid aan ku sifayn karo waa mid aad uliita oo caadooyin iyo dhaqano badan oo khaldani saamayn ku yeesheen nolosheena guud iyo caafimaadkaba si gaara, waxaa kaloo xusid mudan in bulshadeenu ku dhimato da,a aad u hoosaysa oo marka laysku celceliyo noqon karta inta u dhaxaysa 45-50 jir taas oo aynu ka gelaynu halka u hoosaysa marka loo eego mujtamacaadka caalamka ee kale,dhinaca kale diinteena iyo rasuulkeena shariifki waxay in badan ina farayaan inaynu isdawayno oo asbaabta qaadano yadoo aan marnaba la baajin Karin naf baxaysa hadana muhiim bay aad utahay inaad ogaato in naftaadu xaq kugu ledahay iyo daryeel.


bulshadu markaytahay hadaba bulsho aqoonle wacyi gelin joogtana hesha wax badan baa noloshooda iska bedeli kara lakiin mujtamaceena labadaa shayba way ku yaryihiin taasaa markaa keenaysa arinta aynu ka hadlaynaa inay noqoto mid aad u adag una baahan in wax badan laga bedelo sida ay iminka ku socoto ,waxyaalaha u baahan inaynu bedelo waxaa ka mid qaab nololaadkeena oo caadoyin badani saameyen kuwaas oo kuwa qaldana ,akhristow waxaan qaybta horee maqaalkan ku soo sheegay inaynunahay bulsho yadu isu dhakhtara oo shaybaadh aan dhakhtar u dirin iska soo baadha farmasi aan dawo looga qorina dawo ka qaadata arinkaa waxaan ku sifaynkaraa inaynu iskufilaasho qaldan halkaa ka gaadhnay!!!!

Guntii iyo gabagabadii xanuun aanad aqoon u lahayn oo aad isku qanciso inuu kahayaa ,shaybaadh aan dhakhtar kuu dirin oo aad iskatagto ,farmasi aan dhakhtar dawo kaaga qorin oo aad dawo ka qaadataa waa adoo cudur aanad qabin ood sun ku dawayso taasina waa dhimasho waxaana ku haysata heestii khadra dahire EE AY KU JIRTAY (CUDURKA KAA GALA FARDAHA HADII LAGA GUBO DAMEER DAWADA LAMA GAADHYEE..)
markaa bulshada waxaan u soo jeedinayaa inay ka feejignadaan inay yagu dhakhtar isu noqdaan oo caado ka dhigtaan inay digtoorka siyaartan markay dareemaan xanuun si ay uga hortagaan caafimad daro soo waajahda ,waxaa kaloo muhiima inaynu bedelo qaabkan aynu ku dhaqano ee cunto xumadu ka kowtahay ama cuntada aan miisanayn ee isu dheeliga tirnayn,jimicsi la,aanta ,cunista hilibka cas iyo badsashadiisa oo aynu ku bedelo kaluun ama cunista hilibka cad, waxaan ku soo ururinayaa ka hortaga xanuunku wuu ka faaiido badanyahay cilaajkisa.,




abdirashid Osman
abdirashidsmn@yahoo.com
Dubai
00971506972985









Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip