Caynaba Media Group

Xukumada Oo Aan Ilaa Hadda Laga Hayn Lacagtii Doorashada Loogu Talo Galay Iyo Dib U Dhac Markale La Filaayo Inuu Ku Yimaado Doorashada .

0
Friday April 21, 2017 - 11:55:04 in Wararka by MA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukumada Oo Aan Ilaa Hadda Laga Hayn Lacagtii Doorashada Loogu Talo Galay Iyo Dib U Dhac Markale La Filaayo Inuu Ku Yimaado Doorashada .

    Hargeysa(CYN)xukumada Somaliland Ayaan ilaa hadda laga hayn lacagtii doorashooyinka , iyada oo hore ay u balan qaaday inay bixin doonto qaybteeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(CYN)xukumada Somaliland Ayaan ilaa hadda laga hayn lacagtii doorashooyinka , iyada oo hore ay u balan qaaday inay bixin doonto qaybteeda.

Doorashada Madaxtooyada oo la filaayo inay dhacdo bisha November ee fooda inagu soo haysa ayaa laga cabsi qabaa inay u qabsoomi weydo dhaqaale la’aan, waxaana arrintaasi dhowaan ka qayliyey xisbiyadda mucaaridka ah ee Somaliland.

Mudada doorashadaasi ka hadhay ayaa ah mid aad u gaaban , waxaanay si cod dheer ah uga qayliyeen xisbiyadda Mucaaridka ahi lacagta aanay ilaa hadda bixin xukumada Somaliland.

Koomiishanka Doorashooyinka ayaa waqtigan wada qorshe ay ku qaybinayaan kaadhadhkii codbixinta ama dadka codaynayaa ay qaadanayeen kuna codaynayeen , kuwaas oo qaybintooda laga bilaabi doono magaalooyinka Berbera iyo Borame oo lagu daraayo goobo xeebaha Sanaag ah.

Waxaanay taasi u muuqataa mid muujinaysa siday koomiishanku diyaarka ugu yihiin qabashada doorashadaasi iyo siday xukumadu uga gaabinayso doorashadaasi dhicitaankeeda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip