Caynaba Media Group

Sawiro:Weerarkii Paris Oo Laga Hadlay Iyo Koox Caan Ah Oo Sheegatay .

0
Friday April 21, 2017 - 10:50:21 in Wararka by MA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawiro:Weerarkii Paris Oo Laga Hadlay Iyo Koox Caan Ah Oo Sheegatay .

    Paris(CYN)Ciidamada Booliska ee wadankaasi Faransiiska ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii xalay ka dhacay magaalada Paris ee caasimadda wadanka Faransiiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Paris(CYN)Ciidamada Booliska ee wadankaasi Faransiiska ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii xalay ka dhacay magaalada Paris ee caasimadda wadanka Faransiiska.

Weerarkan ayaa lagu dhaawacay askari halka ay laba kalena ku dhinteen, waxaana weerarkani dhacay kadib markii nin dablay ahi uu rasaas ku furay askartaasi, waxaana isla goobtaasi lagu toogtay ninkii weerarka soo qaaday.

Waxaana weerarkan sheegtay kooxda la baxday Dawlada Islaamka oo ah koox ka dagaalanta wadamada Ciraaq, Suuriya, Libya, Masar iyo wadamo kale , iyada oo shaacisay magaca ninka weerarkaasi fuliyey.

Madaxweynaha wadankaasi Faransiiska Hollande ayaa sheegay inuu rumaysan yahay in weerarkaasi ahaa mid ay argagixiso geysatay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maamus loo samayn doono askarta la dilay, isaga oo kulana la qaatay Ra’isal wasaaraha iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska, waxaanu ku dhawaaqay in la is garab taago ciidamada Booliska dalkaasi Faransiiska.

Waxa uu saaka kulan la yeelan doonaa madaxweyne Francois Hollande Golihiisa nabadgelyada , isaga oo arrintaasi kala hadli doona.











Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip