Caynaba Media Group

Dawlada Turkey-ga Oo Malaayin Dollar Ugu Deeqday Dawlada Somaliya Iyo Maamul Goboleedyada Oo Ka Qatan .

0
Friday April 21, 2017 - 10:49:02 in Wararka by MA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Turkey-ga Oo Malaayin Dollar Ugu Deeqday Dawlada Somaliya Iyo Maamul Goboleedyada Oo Ka Qatan .

    Muqdisho(CYN)Dawlada dalkaasi Turkey-ga ayaa dawlada wadanka Somaliya ugu deeqday lacag gaadhaysa malaayiin Dollar, iyada oo lacagtaasi lagu kabi doono miisaaniyadda dawlada Somaliya .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(CYN)Dawlada dalkaasi Turkey-ga ayaa dawlada wadanka Somaliya ugu deeqday lacag gaadhaysa malaayiin Dollar, iyada oo lacagtaasi lagu kabi doono miisaaniyadda dawlada Somaliya .

Dawlada wadankaasi Turkey-ga ayaa lacagtan ugu talo gashay inay ku kabto miisaaniyadda Somaliya 5 bilood ee hore , iyada oo bishiiba ku kabi doonta lacag dhan ilaa 2 milyan oo Dollar, waxaanay deeqdan lacagta ahi si toosa ugu dhacday looguna shubay Bangiga dhexe ee Somaliya.

Ra’isal wasaaraha dawlada Somaliya ayaa ka hadlay kabkan ay dawlada Turkey-gu siisay dawlada Federalka ah ee Somaliya , isaga oo tilmaamay in ay dawladaasi fahmayso duruufaha dhaqaale ee dawlada iyo shacabka Somaliyeed horyaala, waxaana Ra’isal wasaare Khayre ayaa yidhi "Dowladda Turkiga waa wallaal dhab ah oo jira oo fahamsan daruufaha Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, sidaas daraadeed waxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelineynaa taageeradooda kabka miisaaniyada Dowladda oo ay 5 bilood na siiyeen oo bishiiba ay tahay 2 milyan oo dollar. Tani wallow aysan dhameystireynin baahida Dowladda iyo tan shacabka, haddana waa bilow wax weyn noo tareysa."

Sidoo kale waxa uu ra’isal wasaare khayre ka hadlay sababta keentay inay iclaamiyaan shacabkana u sheegaan lacagtaasi deeqda ah iyo siday u baxayso ama halkay ku baxayso "Dowladda Federaalka si ay shacabka ugu sheegto xaqiiqda dhabta ah ee maaliyada ayaan iclaamineynaa inay lacagtaas na soo gaartay si shacbka uu noola xisaabtamo annagana aan uga dhabeyno ballanqaadkii ahaa inaan u adeegeyno shacabka oo aan la wadaageyno xaaladeena maaliyadeed iyadoo ay dhab naga tahay inaan hagaajino maamulka iyo maareynta maaliyada si aan shacabka uga helno kalsooni marwalba ah. Deeqdan kabka miisaaniyada ahna waxaan khasnada dowladda ugu shubnay waa in shacabka ay si toos ah noola xisaabtamaan oo aan tusaale fiican u noqono si dalka loo gaarsiiyo horumar iyo barwaaqo."

Ra’isal Wasaare khayre ayaa baaq dheer u diray beesha caalamka , isaga oo ka codsaday inay dhankoodana kasoo qayb qaataan caawinta dawlada Somaliya "in kabka miisaaniyada Turkiga aysan wada dabooleynin baahida guud ee miisaaniyada, haddana waa bilow, waxaana ka codsaneynaa wallaalaha beesha caalamka inay sidoo kale kaalintooda ka qaataan kabka miisaaniyada inta ay dowladdu ka gaareyso isku filaansho dhanka dhaqaalaha ah.".

Dawlada Turkey-ga ayaa Somaliya siisa tageero kala duwan , iyada oo waqtigana wadankaasi ka hirgelisay saldhig aad u weyn oo ay yeelan doonaan ciidamada wadankaasi Turkey, waxa kale oo ay hore uga hirgelisay safaaradda ugu weyn ee ay ku lee dahay Geeska iyo Barriga A


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip