Caynaba Media Group

Dhakhtarka wayn ee casimada hargeisa oo xaaladiisu aad u. xun tahay

0
Wednesday April 19, 2017 - 09:01:54 in Maqaallo by GI_Wararka Caynaba News
  • Visits: 185
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhakhtarka wayn ee casimada hargeisa oo xaaladiisu aad u. xun tahay

    Dhakhtarka wayn ee casimada hargeisa oo xaaladiisu aad u xun tahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhakhtarka wayn ee casimada hargeisa oo xaaladiisu aad u xun tahay


Caawa mar aan ku bookhday nin aan sxb nahay oo dhakhtarka wayn ee magalada hargeisa lagu qalay

Wxaan dareemay wax badan oo aanan ogayn markaad kudaha dhakhtarka joogto waxaad is odhaynaysaa cidba ma caafimaad qabto dadku waa wada jibadayaan waa wada ooyayaan qaar ayaa jif iyo joogba diiday qaarkood markaad jelecdo waxaad moodaysa in ay naftu hayso waliilka iyo daaha ka baxaya rabi argagax ayuu kuu keenaya qalbiga ayaa adigoo toos u arkaya is badalaya

Ayada oo waxaas oodhami jirto waxa ka sii darayn oo ay si buuxda u haysan

Dhakhatiir heegan ugu jirta dadka beeshinka ah ma jirto cid haysa ama dawnayasaa

Markaad wada gasho wadhadh kala duwan ee lagu dabiibo beeshinka waxaad arkaysaa dad aan dhakhtar la joogin oo aan la dabiibayn oo baxaar dagaya markaa eegto xafisyada laga xukumo gobaha mobile iyo labton ayay ku wada jeedaan uma jeedan dadka dhiban ee xanuunka aadka u darani hayo

Waxaan wax ka waydiiyaya arintan qaarka mid ah kuwa haya beeshin ka

Waxaay igu jawaabeen cidi noo ma imanayso oo dadka ka war haysa ma jirto hadaanu u baahano ma helno ilaa aad sadax jeer ku noqoto mooyee cidi kuu jawaabi mayso

Qofkana si wacan lagugu dawayn mayo dhaqaalo badana waan naga qaadayaan marwalba

Maalin walbana waxay dhahayaan dawdan badal taas soo iibso

 

Waxa sidoo kale ii suurto gashay bal in aan wax ka ogaado lacagta laga qaado beeshinka ama qofka qalninka galaya

Waxaan xog waraysatay dadkii dhakhtarka yaalay waxay ii shegeen in dhakhtarku qofkii ka qaaado marka la qalayo 300$ iyo dawooyinka oo ah 800 boqol oo laan ah iyo sariirta oo haben walba aad bixinsayo 10$ hadii aad dhahdo ma hayo 10$ lagaa tuurayo

Halka kuwa la dawaynayana laga qaado ayagana lacag ilaa 200$ oo dolar gaadhaysa

Mar aan la kulmay oday waayeel ah oo aad u xanuusanaya wuxu iigu jawaabay

Ader waxaan ahaa dadkii dalka usoo halgamay xabado ayaa jidhkayga ku wada yaal laba xabadood oo ku dhacay ayuu I tusay waxa intaas uu iigu sii daray ader aniga oo ah ninkii dalka dhiiigiisa u huray waxaan waliba xogagal ahaa dhakhtarkan markuu la samaynaay waan joogay waxaan ka mid ahaa kuwii samaynayay manta waxa aan u baahday dhakhtar waxa doorkii hore layga qaaaday lacag ku dhawaad 600$ laba sano ayaa ka soo waregtay qalninkaa waxa carqalad igu keentay laf yar oo falidh igu noqotay dib ayaa lagu qalayaay ayaa lay dhahay ee waxaad keentaa 250$ dolar ma awoodo ayaan ku dhahay

Waxba kuuma qaban karno ayay dhaheen waxaan u tagay agaasimaha cusub taalka waan u xaal waramay wuxuu iisoo saxeexay warqad sadax casho ka hor marka dadka la soo marayo waxay dhahaan adiga lacagta maad bixin waan kula noqday aniga oo aan awood ahayn garbaha lay hayo

Oo aan socon karayn waxaan ku socdana ama kuu boodo bir ahna ma hayo lugtu waa taas oo way goantay cidi iga niximayso waan tagay ii saxeex waa lay qalay hadana dawooyinkii ayaa juwankii waa kaas waadiga arkaya inta ku qoran keen ayaa laygu dhahay ana ma shaqeeyo ragan ila jooga aad arkaysaa waa heer miyi lacag ma hayaan hada waxay iga doonayaa xitaa lacagtii sariirta oo habeen walba ah 10$ iyo tan dawooyinka oo ah 800 shilin ka Somaliland ah

Adeer markaa wadanka ka ma jirto cadaalaad waxa ka jirta heer hebal iyo qabyaalad qadhmuun oo qarankii gashay waarada cafimadkana waxaan filaayaa inay sidan ugu talo galeen waayo hadanay sidan ugu talo galin ader wax sidan may hadeen anigu yaab iyo ama gaag ayaan ku maqanahaay

Adeer waxa sidaa ugu wara may odaygii wayeelka ahaa ee labada sano ka hor idinka la jaray

Oo hadana dib loo qalay ka dib markii laf yar ku kentay dhibaato

Waxaan wada indho indheyaya oo soo wada dhexmaray wadhadhkii

Aad iyo aad ayaan u qalbi dakhdakhay waxaa sidoo kale ka daramaysaa nadaafad daro

Daryeel la,aan marka aad dadka sualo ku wajahan ka warama dadka xaaladooda waxay kaga wada jawabayaan sualo isku wada mid ah oo salka ku haya ma helno daryeel dhamays tiran lacag aan caadi ahayna way naga qaadaan meeshana ma joogo dhakhtar hadiii aad dhahdo waxbaa iga dhiman intaas ma awoodi karo waa ku soo dar cidi dan kama laha ee mesha ayaa lacagta lagu kala guranayaa

Oo ma moodid in dadku yahay dadkoodii….

Ilahay subxaana Watacala Wuxuu Ina yidhi isku naxariista si aan ana idinku naxariisto

Walal u naxariiso walalkaaga dhiban ama xanuusanaya si alle il naxarisle kugu eego

Cabdisamed Giirre

Raygal55@gmail.com

WAA BILAAHI TOWFIIQ

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip