Caynaba Media Group

Ma ogtahey duulaanka ka dhanka ah mayorka saylac iyo sababta ? Guulihiisii waxqabad

0
Saturday April 15, 2017 - 16:09:15 in Maqaallo by XA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma ogtahey duulaanka ka dhanka ah mayorka saylac iyo sababta ? Guulihiisii waxqabad

    Ma dumaalo naagaha ninkey nolol ku dayrshaan. Nin walaalkii dooraday ilaah darajo siinwaaye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma dumaalo naagaha ninkey nolol ku dayrshaan. Nin walaalkii dooraday ilaah darajo siinwaaye.

Baadida   ninbaa kula     daydaya   daalna   kaa   badane

Oo   aan  dooneyn   in  aad  heshana   daa’in   abidkiise

Dadkuna     moodi  duul   wada   dhashoo  wax  u  dahsooneyn.

Dilaal   iyo  malaal   wuxuba  waa  cadowga   daynkii

Alle   idilye   magafe   idinkaa   iiga   sii  daran.

 

Qamaan  bulxan   tuduc   ka  mid  ah  tuducyadii silsiladii  guba.

 

Qormadani  waxay  ay  koobsandoontaa:

 

1. saylac  iyo  waayo  xasuustood.

2. Guulihii iyo  Waxqabad  ka  mayorka   saylac   qayb ka  mid  ah.

3. Sababta loo  dagaalka  loogu wado  mayorka  saylac.

4. Dhaliisha uu  leeyahey  mayorku.

5. Talo   u  soo jeedintayda  mayorka.

6. Duur xulkayga   ku  jihaysan  xildhibaanada  iyo  guubaabo.

7. Gabagabo.

 

Degmada   saylac guyaal  iyo  guyaal badan  oo  tagay ayaa    gibil  madow iyo   yuhuun  caydh ah   ku   dednaa ayaankeeda  ay  kula loolami   la  heyd asaageed,  saylac  dharaaro xasuustood  iyo  baryaha qaar  bay  dhoolaha ka  farax  qosli jirtay  marka  la yidhaa ( geeska  afrika  saylacey  magaalana  waa  kalidaa,  ilbaxnimana  waa  kalidaa  ) oo  aheyd   xidigta geeska   afrika   ka illaysata , xarun  ay  iska  soo  dhaxleed  dawlada badan  oo  waayuhu  kala   badaleen;  qof ahaan  baan   ku  garaadsadey  iyadoo  ciyaalka iyo  dumarku  fiidkii  ku   heesaan ( naa   saadooy   saylac   baa  lagu  geynayaa !!  nin  saraa   lagu  siinayaa ), hayeeshee  quruxdii  iyo qaayahey  laheyd  waxa dawgal   u  noqday afkaarihii  isdiiday ( gumeesytaha  iyo  muwaadiniintii  taaley  sabankaasi ) ee  ku  kala aragtida  ahaa  yeen murtida  muwaadiniintuna  noqotay ( gumeystow  naga  joog , waxaad  soo  sidan  celi ) gumestuhuna  si hoose  cadaawadii  uu  u  guntaday dagaal  qabow  ku burburi  oo  ku rid  xidigii  ifaayey ee  saylac.

 

 

 

Saylac  baryo wuxuu  ku  dednaado saxal  gibil  madow iyo  nuxuusta  nujub waayo  duruufeedyo  qalafsani 2012  doorashadii  golaha deegaanka  waxa  gudoomiye degmo  loogu  doortay ( mudane  xuseen  iidle  barkhadle  mayorkii  ugu  horeeyey  ee  dorasho  codeyn   ah  ku  soo   baxa  abid ).

 

Mayorku  degmadii saylac  waxa  uu  ka  dhigay degmada  ugu  dakhliga badan  degmooyinkii  4ta ahaa  la  isku odhan  jiray  awdal, saylac  waxa  ah kastamka  3aad  ee dalka  ugu  soo dakhli   xareyn   badan.

 

Mayorku  degmadii saylac  waxa  uu  ka  dhigay saylacday   waayo  waayo ahaan  jirtay,  waxa uu  qabtay  waxqabad isaga  hortii  aaney cidi  qaban  oo ay  ka  mid tahey :-

 

1.  biyo  macaan in  degmada  la soo  galiyo  tiiyoo ingiriis  iyo  turkiba aaney  biyo  soo galin .

2. dhismaha xarunta  dawlada  hoose oo  casriya  iyo waliba  xafiisyo  qalabeysan.

3. Dhismaha sariimada   dumarka  iyo sariimada  hilibka  oo casriya.

4. Dhismayaasha  xarumo  caafimaad  dhamaan gobolka  salal  oo dhan

5. Dhismayaasha xarumo   waxbarasho  dhamaan gobolka  salal  oo dhan.

6. Dhismayaasha  xarumo   madarasado  diimiya iyo  masaajido  dhamaan gobolka  salal.

7. Yagleelida solar  laydh  magaalada saylac  oo  dhan ifiya  habeenkii,   iyo dhirayn  in  uu u  sameeyo   magaalada maadaama  oo  biyo macaan  uu  u soo  saarey  mayorku.

8.  Waxa  uu u  iibiyey  dawlada hoose  gaadii  badan oo  isugu  jira ( cagaf-cagaf  weyn,  iska  rogooyin,  booyado  biyaha  geeya  meelaha  durugsan  iyo  qalabkale  oo  fara  badan ).

 

Intani  waxa ay  qeyb  ka tahey  kaliya  inta aan  ka  xasuusto  waxqabadkiisa  waan  hubaa in  ay  ka  badantahey.

 

 

Maxaa  loo  eryanayaa  mayorka?? yaase   eryanaaya? Waa  maxay xantiisa  dhabta  ah?  

  

Guntimaha   habeen ninkii   xidhaa   isagaa garta ,ridada  warmaha   cadawga ayaa  dul-yuurara  al-baabka xafiiska  mayorka  saylac kuwaasi  oo  u halgamaya  daminta  illayskii u  soo  daahiray degmada saylac  iyo  Salal , Waa cid  biyaha  hoostooda mareysa,  oo  ka xun  oo  ka  seexan  kariweyday guulaha  horusocodka  leh  ee  uu foolka  soo  dhigay intii  uu  mayor xuseen  iidle  xilka  degmada  iyo  gobolkaba hayey. (saylacey  waxba  yaanu  xeerkaa  kumarin  xoolana  ku  siine  xaashee  nin  libin  kaa  xisdiyey  xumihii  waa  yaaba ),  waa  cid neceb  horumarka  saylac iyo  in  ay degmada   wax  u soo  kordhaan,waa   uur ku  dhiigle  buka oo  ka  xun  jiritaanka  dadka oo  leh  muxuu alle  idiin  jirsiiyey ?! waa  nacab ay  dhexmarayaan  fariimaha sharka  ee  shaydaanku wado  kuwaasi  lidi ku   ah  horumarka  degmada;  Waligeed  ba balo  uu  helaa ninka   u  dadaalaa, ciil  iyo cadho  u  dhimo oo  geerida   ku sug  diilalyo  iyo ciil  oo  waligaa  ha  aflixin.

 

 

Mayorka  xantiisa dhabta  ah:  waa  gacan gundhaan,  gacan  gudhan, garweecsan  iyo  gudoon jilisan  intaasi  ba  ama  midkood  waxa ay  kaa  ka xaysaa  madaxnimada, ( moyar  xuseen  iidlana  waxa  lagu   xantaa  gacan  gudhnaan  weyn )  hayeeshee  gacan gudhnaantiisaasi  laguma  hoogin waxa  uu  ka dhalaaliyey  waxqabadka  aynu  kor  ku  soo xusnay  ee  baaxadaasi leh  ee  bulshadu  amaan  meesha  uu soo  maraba  markhaatiga ay  u   furayso.

 

 

Mayorka   waxaan leeyahey :-

 

Dhagxumo  iyo ceebuu   nin  ragi ka  dhawrtaa,  waxa xildhibaanadu  kugu  soo eedeeyeen waa ( kali  talisnimo  iyo  gudi  hoosaadyadii  oo  aan  dhisneyn )  hal  garowshaley mayorow   gobi  la yeedhaaye  garab-wagliil  uu xunyahey  la  isgaraaxaayi, guulaha  aad gaadhey  iyo  xilka aad  haysaba  iyaga ayaad  wax  ku tahey  waayo  nina guusha  kama  helo daleed  madhan  ee dadkaa  geesi  lagu yahey,hadii uu sidaa  xaalku  ku sii  socdo  waxa uu  noqonayaa  arinku  ( guushii  xerada  weydaaratay  ee  dhaaftay  gurigeeda, guushii   habowday  ee  asqow  geedi  kale  raacday  gabagabada  midhaheedu  waa  guuldariyo  ciil ).

 

 

Xildhibaanada  waxaan leeyahey :-

 

 

Guux iyo dareen baan arkaa soo gadaal baxaye


Cadaw ii gabbanayaan arkaa gaadmo duurxulae
Gadhwad iyo hoggaan baan arkaa goostay xadhiggii.

 

 

Nin  duunyo  kaa  geysay   waa geeri  kula  nool oo  hadii  caqligu iibsi  gali  waa garsoor  dumay , xaqiiqduna  waxay tahey  waran  meel xun  laga   riday dibuu  kuu  makalayaaye ha  noqonina  doqontii nin  kale  maamusho iimaankiisa.

 

 

Gabagabo:

 

Mudane mayor  xildhibaanada  dhuunta u  qoo   oo jalka  la  ogow  waligaa,  bulshadana  u shaqee,  gacan  furana haku   talax  tagin, mid  gudhana  ha ku  adkeysan,  amuur oo  dhan  dhexdhexaad baa  u  buriyo  dheeraad  ah, xidhibaanadana  waxaan leeyahey  waar  caqligiinu yaanu  iibsi  galin, maalmaha  dambeetiyo  wixii maqana  faaleeya.

 

 

 

 

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip