Caynaba Media Group

Maayirka Magaalada Burco Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Lagu Bedelayo Wasiirka Cali Mareexaan

0
Tuesday April 04, 2017 - 14:47:26 in Wararka by ShA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 1185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayirka Magaalada Burco Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Lagu Bedelayo Wasiirka Cali Mareexaan

    Hargaysa(CYN)Maayirka Degmada Burco Ayaa Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Warar Lagu Baahiyey Baraha Bulshada Oo Sheegaya Inuu Qayb ka Yahay Isku Shaandhayn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(CYN)Maayirka Degmada Burco Ayaa Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Warar Lagu Baahiyey Baraha Bulshada Oo Sheegaya Inuu Qayb ka Yahay Isku Shaandhayn

 la Sheegay Inuu Samaynayo Madaxwaynuhu Dhawaan Taas Oo Lagu Xusay In Maxamed Muraad Xil Wasiir Ah Loogu Magacaabayo Wuxuuna Arintaasi Ku Tilmaamay Mid Been Abuur Ah.


Maayirka Oo Khadka Telefonka Ugu Waramayey Caynaba News Ayaa Waxa Uu Sheegay Inaanu U Hanwaynayn inuu Todoba Bilood Wasiir Noqdo Isagoona Sheegay Inuu Hayo Boos Qaranka Miisaan Ugu Fadhiya Isla Markaana Aanu Hada Hunguraynayn Xil Wasiir Nimo.


Ustaad Maxamed Muraad Waxa Uu Intaasi Ku Daray In Booska Wasiir Nimo Uu Ugu Jiro Nin Miisaan Culus Ku Leh Xukuumada Isla Markaana Buuxiyey Kaalintaasi Oo uu Sheegay In Wasiir Cali Mareexaan Uu kazoo Baxay Shaqadii Uu madaxwaynuhu u Igmaday Isagoona Intaasi Ku Daray Inay Jiray Dad Doonaya Inay Isku Dhuftaan Dadka Xulafada Siyaasadeed Ka Dhaxayso.



Jagada La Sheegay In Maxamed Muraad Loo Magacaabayo Ayaa Ahayd Wasiirka Hawlaha Guud Iyada Oo Ulajeedadoodu Ahayd In La Bedelayo Wasiir Cali Mareexaan Wuxuuna Maayirku Arintaasi Ku Tilmaamay Mid Ay Soo Maleegeen Dad Diidan Waxqabadka Wasiirka Hawlaha Guud Guryaynta Iyo Gaadiidka Somaliland.


Maxamed Muraad Waxa Uu Ka Waramay Safar Uu Mudo Ku Joogay Magaalada Hargaysa Oo Ay Dadka Qaar Ku Tilmaameen Inuu Naawilayo Isku Shaandhaynta Soo Socota Wuxuuna Sheegay Inuu Hawlo Degmada Ku Saabsan Uu Ujoogo Magaalada Hargaysa Taasina Aanay ka Turjumayn Buu Yidhi Waxa Ay Ka Dhawaajinayaan Dadka Wax Magaratada Ah Ee Ilkacabirka Caadaystay.


Maayirka Ayaa Ugu Baaqay Dadka Baahinaya Wararka Been Abuurka Inay iska Hubiyaan Inta Aanay Baahin Ka Hor wuxuuna Sheegay In Ay Haatan Dalka Kusoo Badanayaan War Xuma Tashiilku.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip