Caynaba Media Group

Agaasimaha Xidhiidhka Caalamiga ee Wasaaradda Dhaqanka Iyo Dalxiiska ayaa si cilmiyaysan uga hadlay Faaiidooyinka Bulshadeena ugu jira Saldhigga Ciidanka ee Magaaladda Berbera

0
Thursday March 09, 2017 - 19:12:42 in Wararka by Editor Caynaba News
  • Visits: 1092
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Xidhiidhka Caalamiga ee Wasaaradda Dhaqanka Iyo Dalxiiska ayaa si cilmiyaysan uga hadlay Faaiidooyinka Bulshadeena ugu jira Saldhigga Ciidanka ee Magaaladda Berbera

    Hargaysa(CYN)Xukuumadda Somaliland ayaa Dowladda Imaraadka siisay Saldhiga ay ka dhisanayso Magaaladda Berbera ee Somaliland, Hadaba Agaasimaha Xidhidhka Caalamiga Wasaaradda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(CYN)Xukuumadda Somaliland ayaa Dowladda Imaraadka siisay Saldhiga ay ka dhisanayso Magaaladda Berbera ee Somaliland, Hadaba Agaasimaha Xidhidhka Caalamiga Wasaaradda
Dhaqanka Iyo Dalxiiska Md. Idiris Axmed Xubin ayaa sheegay in Somaliland ay faa.ido weyn ka rajeynayso Saldhiga Berbera, Sida kuwa dhigiisa ah ay ku qabaan Saldhigyada badan oo ay dowladaha Dunida ka Furteen. islamarkaana uu leeyahay ayuu yidhi Agaasime Idiris Xubin:- Faaido aan la koobi karin. Waxyaalaha Faa’idada inoogu jirta ayuu sheegay Agaasimuhu .Inay ka mid yihiin ayuu yidhi.

1. In ay bilaabmayso ;- Danayn ay dalalka caalamka ay danaynayaan Arrimaha Somaliland , taasi oo Faaiido aynu ka helayno dhinaca Saxiib Ictiraafka ah . Maalgashi Kaabayaasha Dhaqaalaha siiba Dekadaha (investment on infrastructure projects), Xaga Dalxiiska(Tourism),Maalgelinta Xoolaha iyo Waxyaalaha Xoolaha ku saabsan.


2. Saldhiga waxuu sameynayaa Soo Jiidasho Beesha Caalamka ah. taasina waxay dhalinaysa In Somaliland Lagu soo Hirrto Si Maal-gashiyo Kale Loogu Samaysto .

3. Dhinaca Amaanka halka aynu ku Naallo:- Siiba Goobta Geeska Africa waa muhiim Amaanka weliba: Marinka Badda Cas (Marine security). Waana qaacido Strategic and Geopolitical importance of Somaliland.

4. Faa,iido Dhaqaale ayuu qarankeenu ka helayaa, isla-markaana ugu jirta Saldhigaasi Berbera.

5. Waxaa hubaanti ah in Xidhiidhka Somaliland iyo umadda Carabta siiba khaliijka u dhexeeya uu Wanaagsanaado . taasi oo dhalinaysa in lafdhabarka dhinaca dhaqaaleena. Gaar ahaana iibka Xoolaha oo Suuqiisu iminka xidhan-yahay . ay keeni karto In uu dib Furmo.
6. Waxaa kaloo laga helayaa Shaqo Abuur badan siiba dhalinyadda aqoonyahanka ah. Sidoo kale Taba-baro xagga ciidanka ah, taageero iyo ilaallin deegaankeeda iwm.
7. Mashariic dhinaca Kor U qaadista baahiyaha Aas-aasiga ah , Ee bulshadu Aadka Ugu baahi-qabto sida In Bulshadu Hesho Waddooyin Fiican , Waxbarasho Tayo leh, Adeegyo Caafimaad Oo aad Heer-sareeya

IyaHadaba Iyadoo Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweynaha JSL Md.Axmed Siilaanyo ay leedahay Dhamaan Guusha u soo hoyatay S/land , hadana waxaan si gaara amaan ugu jeedinayaa hawlaha Maalgaashiga Balaadhan ee S/land heshay ;-
Ambasador , Baashe Cawil Cumar oo aan u arko masuul ku guulaystay dadaal badan oo uu sameeyey , isla-markaana juhdi badan geliyey. inuu hagaajiyo xidhiidhkii inoo dhaxeeyay Dalalka khaliijka .siiba dhinaca diblamaasiyadu oo ahayd mid aad u hoosaysay ,balse dadaal badan oo uu sameeyay Safiirka JSL ee imaaraadka carabtu waxa uu suura-galiyay in xitaa uu mashariic badan ama deeqo kala duwan aynu ka helo wadamada khaliijka sida dib u dhiska Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Caafimaadka iyo Waxbarashada iwm.
Hadaba,shaksiyada Safiir Baashe Cawil Iyo dadaalka uu sameeyey. kuna sifoobay Aqoon iyo Karti waan hambalyeeynayaa.
Ugu Danbayntii :- Agaasime Idiris Axmed Xubin ayaa tageero Balaadhan u muujiyey Xukuumadda Somaliland sida ay Horumarka Balaadhan ee ay dalka gaadhsiiyey mudadii ay xilka hayeen siiba Mashruuca Balaadhan iyo Horumarinta Dhisadda Dekedda .waxaa ku Baaqay In La Taageero Horumarka Xukuumaddu ka wado Somaliland gaar ahaan
Saldhiga Berbera.

Adan Yusuf Elmi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip