Caynaba Media Group

Abwaan Daaha Cabdi Gaas Muxuu Kaga Qaybgalay Silsiladii Shiinley ee Ka Bilabmatay Baraha Facebook

0
Monday March 06, 2017 - 18:08:45 in Wararka by XA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 1243
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Daaha Cabdi Gaas Muxuu Kaga Qaybgalay Silsiladii Shiinley ee Ka Bilabmatay Baraha Facebook

    Doha(CYN)Hadba sheeko nuxurliyo Shiin laydu badanaa Maanso waa shareer leey Marna waa shalmada leey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doha(CYN)Hadba sheeko nuxurliyo Shiin laydu badanaa Maanso waa shareer leey Marna waa shalmada leey

Marna shaal abwaan iyo

Shaatir iyo daroofleey

Shardi iyo dastuur leey

Shacni iyo wanaag leey

Shaybe iyo qaryaanleey

Shebed iyo barbaar leey

Waxaan sheed ka daawado

Anna faraska shaaximay

 

Aragtida shishaysiyo

Maku shawray xaajoo

Shaacir waliba tiisii

Ma lasoo shir tegayoo

Ma shakalay sidiiqaw

Adigaa shibanihiyo

Shaqalada ku talax tegay

Shaaracana ka mariyee

Tana qabo shinkeed galay

 

Golaheenan sharaftale

Ma geyaan shucuur xumo

Shilimaad la qaatee

Hadmaa lagu shactiriyoo

Sharcigii la qoonsaday

 

Xukuumadan shaqaysiyo

Hanbalyada shacbiga dira

Shisheeyaha kuneceb iyo

Cadawgaaga shaashkale

Haw shaqaynin nacabkaa

Waxa shiiqay ee jira 

Aynu hoos u shawree

Ha ka tuurin shaanshaan

 

                     

Afartaa shaxdaydiii

jarahaan shirabay iyo

Maku shubay irmaantii

Shalawgaan ka rogi jiray

 

Sheekona waxay tahay

Shanmidhlaha cartamayiyo

Nimay boogi shidaysow

Maansada ha shaashayn

Ha ku marin shar iyo ceeb

Shido iyo ha talin eed

Shakalada ha goyn qaar

 

Markaan shiinka sidan idhi

Shib dheh maaha aragtida

Waa ha sheemin waaqica

Anna waxan sharaxayaa

Runta shaadhka loo xidhay

 

Sheekona  waxay tahay

Ha shiraan abwaanadu

Shaydaan ha naaraan

Shuush ka hays ka xeeraan

Shacabkuna ha daawado

Shuqul kale nin kii wada

Shiish baa ku soo maqan

Iyo shaanbad daba taal



Abwaan Daaha Cabdi Gaas

Doha  Qatar

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip