Caynaba Media Group

Mareeyaha Dekada Berbera Oo Noqdey Shaqsi ku Suntan Horumarinta Dekada Berbera W/Q: Yuusuf Cawd (Shiine).

0
Wednesday January 11, 2017 - 16:27:23 in Maqaallo by RA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareeyaha Dekada Berbera Oo Noqdey Shaqsi ku Suntan Horumarinta Dekada Berbera W/Q: Yuusuf Cawd (Shiine).

    Mareeyaha Dekada Berbera Muddane Axmed Yuusuf mudadii uu xilka hayey waxaa uu noqdey masuul wax badan ka qabtey horumarka dekada Berbera isla markana dayac tiray badi ba qalabkii fadhiyey oo uu dayac tiray isla markaana hada noqdey gaar shaqeeya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareeyaha Dekada Berbera Muddane Axmed Yuusuf mudadii uu xilka hayey waxaa uu noqdey masuul wax badan ka qabtey horumarka dekada Berbera isla markana dayac tiray badi ba qalabkii fadhiyey oo uu dayac tiray isla markaana hada noqdey gaar shaqeeya

waxaa kale oo uu qabtey maareeyuhu in uu dekada ka nadiifiyo qashin iyo iskaraabkii yaalay muddo ku dhaw 30 sanadood waaa masuul hadh iyo habeenba laga heli goobtiisa shaqo oo aan ka dhuumaneen bulshada uu u shaqeeyo , mana aha qof yaqanaa eex iyo qabyaalad iyo waliba nin jeclaysi shaqaluhuna sidii uu ugu yimid waa qaar u jooga dhamaan agaasimayasha waaxyaha dekadu ilaa xoghayntii mareeyihii hore






Mareeya Axmed Yuusuf waxaa uu yahay shaqasi u taagan maalin iyo habeenba horumarinta dekada Berbera isla markaana uu ugu xidhi lahaa dekada caalamka oo uu rabo in ay noqoto dekada Berberi mid la jaan qaada .


Sidaas darteed waxaa uu maareeyuhu noqon karaa shaqsi la jaan qaada shirkada cusub ee lagu wareejiyey maamulka dekada Berbera ee DP World aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba .


Muddane Axmed Yuusuf Dirir ma aha shaqsi lagu eedeyo musuq maasuq iyo wax is dabo marin waana shaqasi ka koran in uu isdabo marin iyo musuq maasuq sameeyo , mana jirto wax duur joog ah oo laga dhoofiyo dekada magaalada Berbera .


Dhinca kale mareeyaha iyo shaqalaha dekadu waa dad mideysan oo si wada jir ah uga shaqeeya danta qaranka iyo hawlahooda , wax khilaafaad ah oo ka dhexeeyaan ma jiro , dadkuna ha ka dayaan eedeymaha iyo beenaha aan jirin si uu masuulkani shaqasidiisa u wato .


W/Q: Yuusuf Cawd (Shiine ).




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip