Caynaba Media Group

Odayguna Waa Taagan Yahay Musena Hmamum buu Qabaa Cirrona Weli Diyaar Muu Noqon

0
Tuesday January 10, 2017 - 15:28:28 in Maqaallo by XA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Odayguna Waa Taagan Yahay Musena Hmamum buu Qabaa Cirrona Weli Diyaar Muu Noqon

    Markale waxaa soo laabatay doodi doorashada balse markan waa nooc kale xisbul xaakimkii oo raba in doorasho dhacdo iyo mucaaridkii oo diidan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markale waxaa soo laabatay doodi doorashada balse markan waa nooc kale xisbul xaakimkii oo raba in doorasho dhacdo iyo mucaaridkii oo diidan

haddaba dad weynuhu waxay is wediinayaan sababta arinkan keenay

sidaynu wada ognahay Madaxweyne Silaanyo wuxuu qudbadii uu umada u jeediyay bilowgii 2016 iyo marar kale oo badan ku balanqaaday in aan mardambe dib udhac ku imanyan doorashada madaxtinimada isagoo isla markaana dib u dhigay dorashadi barlamaanka duruufo jira awgood canaanteedana ay iska leeyihiin baarlamaanka iyo shirguddonkiisu taasoo dadka gelisay inay xubnaha wakiiladu rabin inay kuraasta baneeyaan intooda badani ksoo gudub imika doorashadi madaxtinimada waxaa la leeyahay guddomiyaha xisbiga WADANI weeye qofka hor taagan inay qabsoonto sababtoo ah somalidu waxay tidhaahda midho geed saaran midho hoos yaal looma daadsho wuxuu mudane Cirro is tusay haddiba ay dhacdo oo doorashada lagaga guulaysto inuu waayayo kursigii baarlamaka sidaasna 2 khassare ku imanayso kaasi waa MD Cirro.



Haddaynu eegno Murashaxa madaxtinimo  xisbiga KULMIYE guddomiye Muse Bixi Cabdi farxad iyo rayn rayn badan buu ku jira waqtigan sababtoo ah tanaasulka Madaxweyne Silaanyo uga tanaasulay murashaxnimada xisbiga isagoo aan filayn inuu sidaas yeelo rag culculs oo loolan ka dhexeeyeyna laga reebay wax qabadka balaadhan ee dowlada xisbigiisu qabatayna ku ololaynaya wuxuu is tusay in maanta maalintiisi tahay doorashona gar iyo gardaroba ku dhacdo ileyn waa intaasu Madaxweyne Silaanyo ka noqda tanaasulkii hore.


Odayga tiisu se way ka duwan tahay sidaas odaygu waa daalay waana da  inta u hadhay inu cibaado iyo camal suuban ku dhamaystu rabaa sidaa awgeed isaga maanta soo taagan oo leh waar yaa iga qabta.

hadaba shacabkii muxaafid iyo mucaaridba inuu isagu intii uu kari karo sii hayo bay rabaan maadamaa la arkay murashaxiinta u ordaysa kursiga madaxtinimada dalka oo weli layli ah oo inay rarka la saari doono la buubaan laga cabsi qabo.


Somaliland for ever.

GARYAQAAN SHAXAAR

burcoonline@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip