Caynaba Media Group

Haddii Dadka Ka Soo Jeeda Iyo Murashaxa Xisbiga Waddani C/iraxmaan Cirro, Ay Ka Rabaan Shaxaad Ganacsadaha SAMCABLE Maxamed Aw-siciid

0
Sunday January 08, 2017 - 16:23:21 in Maqaallo by XA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddii Dadka Ka Soo Jeeda Iyo Murashaxa Xisbiga Waddani C/iraxmaan Cirro, Ay Ka Rabaan Shaxaad Ganacsadaha SAMCABLE Maxamed Aw-siciid

    Fannaanada Sahra Halgan, ayaa ku eeddaysay murashaxa jagada madaxweynaha xisbiga waddani iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda beesha xisbigaa in sheexaad ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fannaanada Sahra Halgan, ayaa ku eeddaysay murashaxa jagada madaxweynaha xisbiga waddani iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda beesha xisbigaa in sheexaad ay

Illaahay baan idinku dhaarshee ma xaqbaan hadalada dad aqoon yahano sheeganaaya inay af-qabyaaladeed ku hadlaan? Fanaanada Sahra Halgan

Hargeysa, (HN)-Fannaanada Sahra Halgan, ayaa ku eeddaysay murashaxa jagada madaxweynaha xisbiga waddani iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda beesha xisbigaa in sheexaad ay ka doonayaan ganacsadaha SAMCABLEMaxamed Aw SiciidGeedi, isla markaana waxay difaacday taageerida murashaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi."Illaahay baan idinku dhaarshee ma xaqbaan hadalada dad aqoon yahano sheeganaaya inay af-qabyaaladeed ku hadlaan? Carruurtii iyo ubaxii dalka Somaliland ayey dhagihii ka wasakheeyeen. Anigu kuwan aqoon yahano uma aqaano. Jahli u adeegayaal weeye. Anigu mid baan fahmi waayey, waxaad arkaysaa dad dam ah oo bii (B.J), iyo ja toona kala saarayn oo sheeganaaya aqoon yahan iyo indhagarad.ā€¯Sidaa waxay ku sheegtay qoraal kooban nuqul ka mid ah oo soo gaadhay Iimeelka xafiiska wararka Wakaalada Baraarugnews.com ee Hargeysa.s6430271

Sahra Halgan oo arrimahaa ka sii hadlaysa waxa ka mid ahaa hadalkeedii sidan:-"Anigu kolkaan eegay waxaan ogaaday in magacyada ku talo gal loo adeegsado oo loo yidhaahdo bal kan dhagaysta aqoon yahanka sheeganaaya, looguna joogsado. Samcable intay dalka u qabatay, umaydaan qaban ragga aqoon yahanada isku sheegayow, af qaawan baad la soo taagan tihiin. Qofka ganacsadaha ah xaq buu u leeyahay innuu taageero xisbiga uu doono oo uu maalkiisa ku shubo xisbiga uu doono. Gacansadaha ina Aw-siicid xor ayuu u yahay innuu taageero murashaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, maalkiisa iyo lacagtiisana ku shubo ee illahay ayaa siiyey eel agama xumaado. Haddii dadka ka soo jeeda iyo murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ay ka rabaan Ina Aw-siciid sheexaad dariiqan, dariiq aan aheyn in loo soo maro oo caadi loo waydiisto ayey aheyd ee ma haboona in ragga xisbiga waddani sheeganaaya inay wax ka sheegaan Ganacsadaha Maxamed Aw-siciid ee Samcable. "



cabdi Ali

daljire99@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip