Caynaba Media Group

Libaaxley waa Baabul mandabka isgaadhsiinta S/Land + Somalia

0
Sunday January 08, 2017 - 16:14:54 in Maqaallo by XA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Libaaxley waa Baabul mandabka isgaadhsiinta S/Land + Somalia

    Libaaxley waa Baabul mandabka isgaadhsiinta S/Land + Somalia waxbase uguma fila Deg.Boon ee libaaxley ka tarisantahay. Dr.khadar-Libaaxley.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Libaaxley waa Baabul mandabka isgaadhsiinta S/Land + Somalia waxbase uguma fila Deg.Boon ee libaaxley ka tarisantahay. Dr.khadar-Libaaxley.

XOG:  War   la hel-yaaba  tallo  la hell-yaa!! waa  taayir  ka  mid ah  taayirada  nolosha wareejiya/roga  adeegyada  bulshada loogu   hagar  baxo  ee  isgaadhsiinta ( Telephones + Internet )  iyo  xawaaladaha lacagaha  ka  ganacsada.

 

Waxa   aan u  soo  taagnaa iyada  oo  dalka oo  dhan  ( fooniye  iyo  adeega  baafinta  kuyuu   iyo  safaf  loo  galo  si  bulshadii  dagaaladii  sokeeye  kala  firdhiyeen  u  wada  xidhiidho ),  wax-yar uun  ka  dib 1997  waxa  soo ifbaxay  awooda  dihin ee  macaash  ee ku  jirta  suuqa adeega  isgaadhsiinta ; dadaalo  iyo  tashi dheer  oo  rag  hawl-carnimo  iyo  tacab badan   tamar  galiyey ayaa  waxa  mar-kaliya isbadaley  in  laga guuro   hanaankii  isgaadhsiineed  ee   ( fooniyaha )  oo  mudo dheer  lagu  soo  tanaaday.

 

Waxa  bog-furmay waa  cusub  iyo casri  wata   adeegyada isgaadhsiineed  ee  dhinacyada badan  leh  ee muraad-qumiyo  bulshadooyinka ( somaliland + puntland + somalia) adeegyadaasi  oo ay   haakah  iyo hab-beel  kula  tanaaday.

 

Adeegyadan  casriga ah  ee  baahida iyo  hamuunta  joogtada ah  loo qabo  waxa ay  inooga  yimaadaan ( Djabouti )  ( isla  sidaada  signalka  iyo  dhambaalka  sida  adeega  loo  baahanyahey  uga   soo  baxo  khadka  laynka  aan  isticmaalno  ee  lagu  badhaadhay  ee  Djabouti   waxa  ugu  horeyn  soo  danab  qabta  signals  kaasi  biraha  dhaadheer   ee  dulsaaran  silsilada  buuraha  libaaxley  gaar  ahaan  (kuraha  cabdile ) cabdile  celi  ee  ka  tirsan  degmada  Boon  ee  gobolka  Salal   ka  dibna  ay  u  soo  gudbiyaan  somaliland + puntland + somalia ).

 

 

 

MUCDA:  biraha  buuraha libaaxley   u  dul yaala  dhamaan  shirkadaha bixiya  adeegyada  badan ee  kala  duwan ee  bulshada  nolosha u  fududeeyay . biraha  buuraha libaaxley  shirkadaha  u saaran  Silsilada  buuraha libaaxley  waa  ( baabul  mandabka  isgaadhsiinta somaliland + puntland + somalia)

waa  bar u-nuga    guusha  macaashka hantida  badan, daaraha  dhaadheer ee  magaalo  walba ka  dhisan   iyo hindisaha  laaca  guulaha mustaqalka  dhaw  iyo  ka  fogba.

 

Haynta  iyo badhaadhaha  shirkadahan  oogadooda wey  ka  muuqataa rabi  ha  u siyaadiyo , hayntoodu  waata   sababtay in  ay  ka qayb-qaataan  daryeelka  kaabayaasha dhaqaale  ee  bulshada, shirkadahani  waxa  ay ka  qayb-qaataan  waxtarka dhisme  iyo  dhaqaaleba leh  ee  ay u  fulinayaan  dhamaan bulshooyinka  iyo  deegaamada kala  duwan  ee   ( Somaliland + puntiland + somalia).

 

( Hayeeshee  degmada BOON  oo  saaran kaabiga  buuraha  libaaxleyda guulaha  iyo  macaashka badan   horseeday  ayaa ka  aradan  oo ka  awdan  waxtarka iyo  waxqabadka  ay shirkadahani   dad  iyo deegaan  kastaba  oo dalka  ku  yaal uga  mudnayd  degmada BOON.

 

Magaalada  boon xaqa  iyo  xuquuqda ay  shirkadahan  kulaheyd  uu  aasanyahey  illaa maanta, hadii   dadka  deegaanku  wanaag  awgeed   gaabsadeen ; mulkiilayaasha  iyo  dhamaan hawl-wadeenada  shirkadahaasi   macaashdoonka  ah  ma’aysan  garan ( abaal celinta  degmada  boon iyo  dadka  deegaanku ku  lahaayeen ).

 

BOON   MAXAY  U  BAAHANTAHAY ?!!!.

 

Qof   shaqo la  siiyo  iyo mid  afka  loo   buuxiyo  oo reer  boon  libaaxley ah  waa  mahad illahey  hayeeshee  dan shakhsiyeedku   nooc  uu yaheyba  waxa  ka weyn oo  ka  gada sareeya  waxa  dadka wada  deeqa  iyo danta  guud  ee dadweynaha  reer  boon iyo  libaaxley  oo ay  uga  fadhiyaan  shirkadahan  macaashdoonka  ah in  ay  wax ka  taraan  oo wax  ka  qabtaan karaankooda  aasaasiyaadka  degmada boon  u  baahantahey oo  ah :

 

 

1. dhisme cusbitaal  oo  degmada boon  u  baahantahey.

 

2. Gaadhi  ambalaas   ah  oo loogu  adeego  dhawr iyo  tobbanka  tuulo ee  hoos  yimada  degmada  boon  oo  dhamaantood   ku  wareegsan qorfaha  silsilada  buuraha libaaxley.

 

3. Dhismaha iskuulka   farsamada  gacanta iyo  qalabkiisii  oo ay  wax  ku bartaan  reer   boon.

 

4. Dhismaha  saldhiga   booliska   degmada boon.

 

5. Dhismaha sariibad  iyo  saylad xoolaad.

 

6. Dayr  lagu  soo wareejiyo  dugsiyada  hoose/dhexe  iyo  dugsiga  sare.

 

7. Dhismaha  garoonka  kubada   cagta .

 

8. Dhismaha 2  qol  iyo suuli   loo  sameeyo  ciidanka   istabta  magaalada  boon  jooga.

 

 

Gabagabo :-

 

Borama  waa magaalada  labaad  marka  hargaisa  laga  yimaado dakhliga  soogala  shirkadaha  telesom ;  somtel  iyo dahabshiil  muhiimad  weyn bay  ugu  fadhidaa guud  ahaan  gobolada awdal  iyo  salal .

 

Siday   horayba iskaga  indhatireen  shirkadahani iyo  kuwa  kale ee  birohoodu  buuraha libaaxley  ugu  taagan yihiin  sabab  macaash oo  iyaga  dan u  ah  hayeeshee  macaashkaasi , guulaha  iyo  barwaaqooyinka  ay gaadheen  shirkadahani  degmada boon  aaney   la wadaageyn ( waa  bar  kuma  taal  arintaasi).

 

Waxa  laga  rabaa  shirkadahan   in  ay  wax buuran  oo  la arki  karo  ku  soo  celiyaan  degmada boon  ee  xukunta libaaxleyda  birahoodu   dul saaranyihiin  ee  guusha iyo  badhaadhaha  u horseeday .

 

Buuraha  Libaaxley  reer  boon   faan bay  u  tahey , shirkadaha  birahoodu  saaranyihiina faan  bay  u tahey !!  guul  iyo badhaadhe   dheeraad  ah ayaan  indiin  rajaynayaa  dhamaan   shirkada,  farxada reer  boon  waa indinka  oo  waxka qabta  8 da  qodob ee  kor  ku xusan  oo   dhamaan tood  ah  baahiyaad aasaasiya.

 

Tani   waa  dhambaal  iyo  fariin ku  sigaar  ah ugu  socda  maamulka shirkadaha  birahoodu   buurta libaaxley   saaranyihiin  ee degmada  boon ,  maamulkaasi oo  ah  mid heer  gobol  waa gobolka  awdal  iyo maamulka  guud  ee shirkadahaasi  xarumahoodu  yihiin ( Borama  iyo Hargaisa ).

 

 

 

Dr.khadar-Libaaxley

gargorey4@gmail.com

Dr.khadar05@mail.com

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip