Caynaba Media Group

Taxaabistaydii Iyo Tacaddigii Aan Arkay (20kii Ogos 2016ka illaa 15kii Nofember 2016ka). Qaybta 5aad

0
Sunday January 08, 2017 - 16:11:12 in Maqaallo by XA_Wararka Caynaba News
  • Visits: 98
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taxaabistaydii Iyo Tacaddigii Aan Arkay (20kii Ogos 2016ka illaa 15kii Nofember 2016ka). Qaybta 5aad

    Xoghayaha Caddaaladda ee Xisbiga Waddani Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi oo ka mid ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Caddaaladda ee Xisbiga Waddani Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi oo ka mid ahaa

dadkii hormoodka u ahaa baaqyada lagu dalbayo in aan xorriyadda helo ayaa 31kii Ogos 2016ka yidhi "Waxa aan maanta si xooggan u cambaaraynayyaa oo aan ka hadlayaa xadhigga Siciid Maxamuud Gahayr oo ku jira Xarunta C. I. Dda ee Hargeysa muddo ku dhow tobaneeyo cisho. Wuxuu tobankaas cisho u xidhan yahay oo loo diiday in ay cidi booqato, oo loo diiday in ay cidi aragto oo uu xuquuqdiisa iyo xurmadiisa qofnimo ku waayay awood uu u adeegsanayo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi.

 

Sabab uu ku haysto, dembi uu faraha kula jiro iyo maxkamad la horgeeyay midna weli lama caddeynnin. Muwaaddinkaasi waxa uu leeyahay xanuunka macaanka, xaaladdiisuna way barakaysan tahay sida uu Waddani ahaan warku nagu soo gaadhayo. Bani-aadankana in xuquuqda iyo xorriyadad uu Ilaahay siiyayna in si dhayal ah looga qaado ma aha. Muwaaddinkaas dhibaataysan ee aad bartaas ku haysaan, waxa aanu kaa codsanaynnaa annaga oo qaddarin iyo qiimayn kuugu haynna masuuliyadda aad qaranka u hayso inaad xorriyaddiisa dib ugu soo celiso

 

7dii Sebtember 2016ka maalin Arbaca ah, ayaa haddana maxkamadda la ii qaaday, waxaanu sii marnay Mawliid Cabdi Muuse Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Gobolka Maroodijeex oo aanu siddeed gu’ ku wada jirnay geeddiga aqoonta. Waxa uu ballan-qaaday in ay dardar gelin doonaan dhegaysiga dacwadda. Sidoo kale waxa aan bahda garsoorka uga warramay xanuunnada ila dersay, aniga oo tusay warqaddii qan-xanuunka ee 25kii Ogos la ii qoray.

 

Waxa ay u muuqdeen kuwo aan dammaanad u babac-dhigi karin, laakiin waxa ay wacad ku mareen in aan caddaalad ka heli doono Golaha Garsoorka. Subaxnimadaas waxa aan wakaalad u saxeexay Garyaqaan Xuseen Shabeel oo si xalkasnimo ah u gartay in uu i difaaco. Dhawr cisho kaddib waxa aan wakaalad qareennimo qalinka ugu duugay afar qareen oo isu kaashaday samata-bixintayda, garab-siintayda iyo tirtiridda eedaha qalqallooca ee la ii soo guraanguray.

 

Waxa kale oo aan dad kala duwan ka maqlay in xalay (habeenkii Arbacadu soo gelaysay) uu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ku baaqay in xorriyaddayda la ii soo celiyo, maadaama oo aan u xidhanahay aragti siyaasadeed oo aan cabbiray. Walaalkay Jamaal waxa kale oo uu xusay in aan la noolahay jirrada macaanka, taasna ay tahay wax arrinkayga hoos loogu eego.

 

Xusuustu ma illawdo sidii xilkasnimada lahayd ee uu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen heeganka ugu ahaa baaqyada lagu dalbayo xuquuqdayda, isku-daygiisii dammaanada iyo ka-qayb-galkiisii fadhiyada maxkamadda. Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen isaga oo ka hadlaya xadhiggayga 07dii Sebetember 2016ka uu yidhi "Nin suxufi ah oo qoraa ah oo macallin ah magaciisana la yidhaahdo Siciid Maxamuud Gahayr ayaa muddo dhawr iyo toban ah ku xidhan magaalada Hargeysa. Waxa uu u xidhan yahay maqaal uu qoray oo uu aragtidiisa ku cabbiray. Haddii la isku qoonsanayo qoraallada dhaliisaha ah, malaha dad badan ayaa jeelasha ka buuxsami lahaa. Laakiin isaga si gaar ah ayaa loo beegsaday. Waa nin xanuunsanaya oo macaan leh, dhibaato badanina meesha way ku haysataa. Ilaahyna waxa uu yidhi in dulmiga la eegto maaha, waxaan ku baaqayaa in si dhakhso ah xorriyaddiisa loogu celiyo

 

Halkii ay ahayd in si togan looga jawaabo, waxa habeenkii ku xigay ama 08dii Sebetember 2016ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo isagoo ka baanaya xaflad loo qabtay heshiiska Dekedda Berbera yidhi "Kuwo qori sita ayaanu dalka ka xoreynnay, kuwa qalinka sitana waanu ka xoreyn doonnaa. Ma yeelaynno qalin-duurre budhcad ah oo dadka baadhaa uu waxa uu doono qoro

 

Yaab! Waxa aan u fahmay in uu ka hadlayo aniga iyo Jaamac Axmed Oogle oo ahaa wiil maqaallo ka qoray Wasiirka Madaxtooyada oo nagula xidhnaa Xarunta Argaggixisada ee ciidanka dembi-baadhista. Markii aan warkaas maqlay waa aan ka qarracmay, ma digasho, wanjal, gooddi iyo duudsi ayuu isugu kaaya daray?

 

Inkasta oo aan xidhnaa, waxa aan isla habeenkii ku xigay oo ahaa 09kii Sebetember 2016ka curiyay gabaygan jawaabta u ah Wasiirka Madaxtooyada ee magaciisa la yidhaahdo Murdiso. Gabaygu sooyaalkii Maxamuud Xaashi Cabdi iyo waabayda uu cabbayo ayuu muujinayaa. Waxa uu carraraabayaa adeegayaasha ay saami-wadaagga ku yihiin dhiig-miiradka iyo dhaca maatida. Waa gantaal uu ka gigilan doono iyo boog ku taalla. Maansadu waxa ay sheegaysaa in aanay adduunyadu maalin qudha ahayn, waxa ay ku nuuxnuuxsanaysaa in aan maankayga la doorin karin mar kasta iyo meel kasta.

 

Waxa uu yidhi gabaygu:

 

Dhaaxaan maldahay oon tix gabay, muunadayn jiraye

Haddii uu sidaad moodayseen, maanta noqon waayo

Ma-xishoodayaal dhawr ah baan, maag is-leeyahaye

Maansada dar ii gooddiyaa, loo murxinayaaye

Murjinkaygu wiilkaan ku gano, maydhaduu jariye

Meeqaamka aan kala geynaan, muuji leeyahaye

Maqla caawa duul buu ku yahay, moorin oo kale’e

 

Mansabyada aqoon iyo kartaa, lagu mutaystaaye

Adigoon masuul noqon karayn, maandhe abidkaaba

Maangaab xigaalkaa ah baa, maamul kaa dhigaye

Inkastood mudnaan sheegatood, madaxa taagayso

Midhkii Ooto Biixaan haddeer, marag u haystaaye

Maalmihii darnaayee SNM, mooshin lagu oogye

Adigoon miciin fidin kolkay, murugtay hawsheennu

Midabeeyihii baad ahayd, maandhe soo qaxaye

Mishiigaanka kii qaatayee, faqash muhiibsiiyay

Ee maalka nacab siinayiyo, maalay baad tahaye

 

Markaleeto waagii xil qaran, maayar lagu saaray

Manaayii Burcee aad shiddaan, weli madoobaane

Maatada la laayiyo wixii, maxas agoomoobay

Iyo miinadaad aastay waa, meeris kuu qorane

Malkadaa sanaag beelihii, Mawle ku abuuray

Maxamuud waxaad tahay kuwii, maaruqee dilaye

 

Haddii aan adduunyada maxkamad, maandhe lagu keenin

Manaxow godkii aakhiruu, malaggu joogaaye

Muldhiyiyo cadaabkii Allena, Meesha wuu yahaye

 

Magacaabistii kolkuu, minister kuu saantay

Ee uu madaarrada arliga, midigta kuu saaray

Mashruucii Kuweyd waan ogaa, taad makalayseene

Malaayiin kun oo doollar baad, maalin shubateene

Magaalada Hargeysiyo illaa, moolka Yurub tookha

Minankaad ka soo iibsateen, waa mas kuu dhigane

Madawgiyo caddaankiyo bulshada, Maalig naga uumay

Musuqmaasuqaagay dhammaan, madaxa haystaane

 

Mataggiyo kolkaad Xaashiyow, mililka saydhaysay

Ee aad maagtay qoyskuu ahaa, meeris kugu sheegye

Madaxweynaheennii Cigaal, weedh mug-luu yidhiye

Magacuu baxshaan kaa hadhayn, meel kastoy tahaye

Madax-dhaqan Cismaan baan kal hore, muuqa daawadaye

Macsi iyo xumaatay beryahan, muruq u yeesheene

Naanays ma-guuraan ah baa, igu maqaalaaye

Sida Muhannadkii filimka dhigay, looma meel dayo’e

 

Ceebtaada waxa maydhayaan, maanku garannayne

Murtiyahan umuu jilib-dhigeen, ruux magaan ahiye

Muusiyo haddaad Dhidar ku tidhi, "moodka ila booba”

Macna-yare wallee Cumar-ubbaan, meeris kaa celinne

Malluugta iyo saadaal haddaan, minanka faalleeyo

Oo aan manaasiisha dayo, maayadaa kiciye

Muddo kooban weeyaan intaad, madasha joogtaane

Is-macaashintaadaan dhawaan, meelmar noqonayne

Maaryahay anaan dahab kolnaba, kula maseeyeenee

Wax is-muujintaa xigi inuu, madaw ku fuulaaye!

 

Mijir iyo awood ciidan baad, magansanaysaaye

Maxbuusnimadu way ku dambayn, maansha aayaha’e

Madfac iyo rasaas iyo haddaad, miino igu xeerto

Maqaar-saar in aan kuu noqdaa, waa mid aan dhicine

Midh ha iila hadhin taad waddaan, maangal kuu noqonne

 

Isagoo macsuumoon kolnaba, xumo maleegaynnin

Nebi Maxamed qaar baa lahaa, "waa magnuun falane”

Masabiddida Caashaa la yidhi, "waad mar furateene”

Mandeelliyo Hadraawina horay, niman u maageene

Malmalluuqu raadkuu ka tago, waan masaxayaaye

Macmal iyo haddii eedo jaan, la igu soo miiso

Meeqaamku inu ii kordhiyo, magacu mooyaane

Milgahaygu lumi maayo oo, wuu mug weyn yahaye

 

Inta aan martabad gaadhayeen, Maatir noqonaayo

Ee maanku gabay iyo tix iyo, maanso tirinaayo

Ama aan maqaal qoriba karo, maaggu waa farale

Is-muquunin baa noo axdiya, mawdka oon dhicinne

 

Maqaarkiyo intay dhaaftay idil, marinaddii dhiigga

Micidiinnu dhuuxiyo laftii, way mudmudaysaaye

Madharaari bahalkii raqaa, wuu mafsuud noqone

Sida aar mudkii ruugayay, miilikhsanayaane

Magacoo la dhawrtaa ka weyn, maal la weecsado’e

Maahmaah xun baad kaga tagteen, meesigii qarane

 

Mugdiyahaw dalkaad boog ku tahay, waanad madhiseene

Midho iyo hadday noo baxeen, muuska iyo liintu

Murdisoy intaad xaabiseed, muudsataa badane

Maandariinta waagii la helay, malabka doocaanka

Macaan-jecel ku soo xoontaybaa, miirtay waayadane

Mahiigaan haddii uu arliga, maansha nagu hooro

Macquul maaha koox qudhi inay, maaxda dhurataaye

Maandeeq haddii ay dhashiyo, madiga geeleennu

Makas iyo sabool loo lisaa, ugu mudnaan laaye

Wallee maansamaa nacay inaad, maasho keligaaye

Mushahaar tolnimo loo baxshaa, waa madhnaan kale’e

 

Haddii aad malaaq soo dirtiyo, miidha igu xeeran

Maskaxdayda wixii aan gelayn, lama marsiiyeene

Haddii aad qoraayada mintiday, maro dul saarayso

Qalin-maalka lama ceejiyoo, miid horluu qubiye

Muusannawgu wuxuu hurinayaa, duul ma-waabte ahe

Makhnuudyahaw waxaa kugu fatihi, mawjad xoog badane

Cidda daadka kaa moosaysana, "mooyi” baan idhiye

Sida macangag oo kale haddaad, madaxa taagayso

Murta iyo qadhaadhkiyo sharkaad, mahadin doontaaye

 

Intaad muusannawdoo qudhaan, maluhu koobayne

Manaayuhu hadduu kugu dhib yahay, way macaan yahaye

Mashaqadu kolkii ay dhacdaan, farax-mushaaxaaye

Marsadii shirkeediyo kobtuu, madarku gawdiiday

Mallaalow dhawaaqaad ka tidhi, maangad lagu sheegye

 

Haddaan miimka soo xidho anoo, mahadhadii qeexay

Maankayga anigoon beddelin, maandhe waan bixiye

Macsalaama waa seben guntii, maamul loo xulaye



 


La soco qaybta Lixaad haddii Eebbe idmo

 

 

Siciid Maxamuud Gahayr

 

 

saedmgahair@hotmail.com

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip