Caynaba Media Group

Wasiir Cadaani Fulay ma waxaan ku moodaayey mise waxaad noqotay Maydkayga loo imaan maayo Waar illayn afaanad lahayn ma qabatid

0
Friday January 06, 2017 - 07:40:22 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cadaani Fulay ma waxaan ku moodaayey mise waxaad noqotay Maydkayga loo imaan maayo Waar illayn afaanad lahayn ma qabatid

    Wasiir cadaani oo aan islahaa waxoogaa caqliya ayaa ku danbeeyey ayaa sidiisii Oohin ka kacay dhowr dumara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir cadaani oo aan islahaa waxoogaa caqliya ayaa ku danbeeyey ayaa sidiisii Oohin ka kacay dhowr dumara
 oo uu burco ku shiriyey ina saxardiid baan ahay, iskuulka sheikh baan madax ka noqday, Ururkii SNM Ayaan gudoomiye u noqday, Xisbiga kulmiye Ayaan Debedaha madax uga noqday, hadana wasiir baan ahay, Hagaag intaasiba waa wanaag hadaba wanaagii iyo kartidii cadaani sheegtay ma waxay isy bedeshay waa lay dilayaa iyo inuu dadka masaakiinta ah isu geliyo cudur.


Shimbir duulis badanoow haddaad, degi aqoon weye
Mar unbaad libaax labadii daan, dalaq tidhaahdaaye
Iney edebtu shay doora tahay, yaan isaga daayey

Wasiirka waxaan odhan lahaa sidaa aad sheegtay maalin baad leedahay illaahay ka baq nin weyn baad tahay da'a kuu hadhay ma jirto cumri baad taagan tahay Muuse iyo Kulmiye midna meel kuma gaynaayo aakhirona kuma caawinayaan kumana anfacayaan dadka colaad aan dhex oolin ha gelinin, waxaan hubaa in aan cidi wax kugu falayn oo aad qiimo isu yeelayso waad garanaysaa Minesotta iyo maraykan noloshii aad ku noolayd waxaan ku odhan lahaa Gaagaabso oo aamus yaan lagu sheegine.


Allahayoow Ferenjigii muxuu, nacas fariideeyey

Faa'iido laawiyo  nin ragga muxuu, feyl ka wada yeedhshay

Nimaan aabihiis fuuli jirin, faras muxuu saaray


Mudane wasiir Xisbiga aad ka tirsan tahay cidi kuu diidi mayso waaka Qabowgii Minnesotta iyo Qalafkii Qurbaha shaqaxumadii iyo caydhii kaa soo kexeeyey, iska daa adigee anagaaba u mahad celinayna xisbiga kulmiye iyo madaxweyne siilaanyo, balse waxaan ku Odhan lahaa oo iga tallo ah Dumarka iyo caruuurta Oohinta ka daa oo wax iskula hadh ixtiraamna xisbiyada kale oo aflagaadada ka illaali,



Adaa dunida kaligaa leh buu Koofil eersadaye

  • Kashiisaba ma gelin wiilalbaa keebka kuu qabane
  • Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

  • Waxaan odhan lahaa adiga iyo xisbigaaguba kaadsada oo haku hodmina dunidan waalatay ee gabaabsiga ah wax aan suurta gal ahaynina ma jiraan dunida manta, Jaalle wasiir waxaad tahay wasiir Darban oo u daacada xisbiga lakiin aan shaqadiisa aqoon wasiir baad ahayd intaan hubo laba wasaaradood maxaad soo qabatay maxaad dadka u qabatay oon ka ahayn wadadii ceerigaabo oo xirsi dhabtiisa ku Oyday, bal wax qabad aad dalka iyo dadka u qabatay na tus waa lay dilayaa dumarka hakula meeraysane.

    Waxaan ku soo af meerayaa qoraalkan gaaban tixdan gaaban ee soo socota waxaan odhan lahaa dadka halaga daayo hagar daamada oo abaaraa jira, Halka aad cadaaaniyow leedahay waa laydilayaa boqolaal dada ayaa gaajo iyo haraad u dhimanaya ee illahay ka baq oo dadka hoos u eeg, aad leedahay xil baan u hayaa naftaada uun baad ka hadlaysaa nafo badan baa dayacan oo kaa da'a yar kaa maskax fiican kaa fariidsan kaa raganimo badan.

    Geesiga dadkiisa u xishee xilka uGu adeegaaya
    Oon xaaraantana cunayn xeerkana seegin
    Oo aan dadkiisan kala qoqobin xisbi baan ahaye
    Oo xaawalayda iyo hablaha xadhig la soohaaya
    Xaakimkii ilaah ba jire xiisa kala roon

    Dr Toosiye


    Leave a comment

      Tip

      Tip

      Tip

      Tip

      Tip