Caynaba Media Group

TV-ga Qaranka S/land qaybtiisa Europe oo 5sano Jirsaday

0
Monday December 05, 2016 - 23:18:12 in Wararka by Editor Caynaba News
  • Visits: 900
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TV-ga Qaranka S/land qaybtiisa Europe oo 5sano Jirsaday

    Tan in intii Television-ka qaranka jamhuuriyadda somaliland loosoo gudbiyey qaaradda Yurub ayaa waxaa laga joogaa 5 sano

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan in intii Television-ka qaranka jamhuuriyadda somaliland loosoo gudbiyey qaaradda Yurub ayaa waxaa laga joogaa 5 sano
Munaasabad arintaasi loogu dabaaldegayo isla markaana lagusoo bandhigayo wax qabadkii iyo horumarkii mudadii shanta sano ahayd ee uu ka howl galayay Europe ayaa lagu qabtay bariga magaalada London

Munaasabadan oo ay kasoo qayb galeen dhamaanba haldoorka somaliland ee ku dhaqan wadankan Ingriiska sida ururada bulshada ee ka jira UK madaxdooda Safaaradda Somaliland ee UK, madaxda axsaabta qaranka oo dhan iyo weliba Abwaano iyo Fanaaniin

Waxaa munaasabadda goobjoog ka ahaa Madaxda TV-ga Gudoomiye Cabdi Bacow iyo Agaasime C/raxmaan Maxamed Aadan Dheri iyo dhamaanba shaqaalaha TV-ga ee ka howlgala yurub


Waxaa abaal-marino ay ku mutaysteen shaqo hufnaan lasiiyey shaqaalihii TV-ga iyo abaal marin yadu maamuus gaar ah ahayd oo madaxda TV-gu gudoonsiiyeen Macalinkii Weynaa Ee Xudaydi 

Sidoo kale waxaa abaal marin la gudoonsiiyey madaxda Tv-ga waxaana abaal marintaasi bixiyey ururka SSUK iyo Anglo Somaliland Resources ASR yagoo shegay kaalinta uu TV-gu ugu jiro jaaliyadda Somaliland guud ahaan, waxa xusid mudan Sh Xasan Macalin oo ka mid ah culimada London uu TV-ga ku maamuusay Kitaabka Quraanka Kariimka ah oo ahayd Abaalmarintii ugu qaalisanayd

 dhamaan masuuliyiintii halkaas ka hadashay waxay sheegeen in TV-gu daboolay baahidii ay u qabeen shacabka qurbaha ee somaliland yagoo ka dheegta wararka dalkii hooyo iyo weliba barnaamijyo hufan 

Gebogebadii Horumarkan uu ku talaabsaday TV-gu ayaa waxay qayb ka noqonaysaa hindisihii iyo himilooyinkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku taamayay mudada dheer iyo waxqabadkiisii oo rumoobey

Yasin Farax Jees
SLNTV Europe


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip