Caynaba Media Group

BAAQ TALO IYO DHALIILBA HUWAN OO KU SOCDA MADAXWEYNE SIILAANYO IYO DAWLADIISA‏

0
Monday February 02, 2015 - 16:43:36 in Maqaallo by
  • Visits: 343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BAAQ TALO IYO DHALIILBA HUWAN OO KU SOCDA MADAXWEYNE SIILAANYO IYO DAWLADIISA‏

    Soomaalilan waxay xornimada kaqaadatay dalka ingiriiska oo dusha ka xukumayey mudo kabadan 80 sano .taasoo aanu ka qaban wax dhisme iyo horumar ah kadib markii shacabkii soomaalilan ee xiligaas joogey is

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalilan waxay xornimada kaqaadatay dalka ingiriiska oo dusha ka xukumayey mudo kabadan 80 sano .taasoo aanu ka qaban wax dhisme iyo horumar ah kadib markii shacabkii soomaalilan ee xiligaas joogey is

hortaageen iyagoo uga baqaya inuu ku abuuri doono gaalnimo taasoo ay ugu wacan tahay jahliga xiligaas haystey.markii lixdankii lasiiyey xornimo aanay dalban oo laaga Jeedey arin siyaasadeed oo ahayd in lagu jebiyo heshiiskii lagu kala saxeexday badda dhexdeeda lana galo heshiis cusub oo lagu degayo dalka waxna loogu soosaarayo islamarkaana lagaga hortegayo itixaadkii soofiyeetiga inaanu soogelin marinka istiraajiitiga ah iyo dhulka barwaaqada ah ee soomaaliland kaasoo ninkii hantiyaa uu aduunka siduu doono u kantarooli karayo.
Hadaba raysal wasaarihii ingiriiska ee soomaalilaan u salimey xornimadeeda markii uu salimayey xornimada su,aal laweydiiyey ayaa ahayd: dalalkii aad soo xukunteen dhamaantood waxbaadka qabateen soomaalilaanse waxba kamaydaan qaban maxayku dhacday arintaasu?
Waxaanu Ku jawaabey dalkan waxaa leh dad aan waxba maqlin annana waxba u qaban kari weyney cidkalena waxba u qaban kari mayso inta ay waxmaqlayaan.kelmedaas oo iska kaahortaageysay cidkastoo mustaqbal kaalahayd dalka soomaalilaan xiligaas.

Taasi waxaa u marag furay markii laynoogu baaqay inaynu galno koomanwelka iyo in laynoo qabanayo waxkastoo inaga baaqday xiligii lasoo dhaafay.taasoo intaynu diidney meel daran iyo daadays kala dhacnay uuna ina helay abaalkeenii nabsi taasoo ah haddii aadka tagto meel lagugu jecel yahay waxaad tagtaa meel lagugu neceb yahay .hadaba dhib aadu farabadan oo loosoo maray lasoo noqoshada xornimadii lixdankii maantana waxay u muuqataa in aanay soomaalilan oo uu hogaamiyo ninka geeska afrika ugu siyaasisani in aanay u bislayn siyaasada reergabeedka ee Ku wajahan soomaalilaan oo ay maanta doonayaan in ayka dhigtaan dal ayku indhakuushaan si ay ugu garaacaan dawlado badan oo aduunka kamida oo aan u  hogaan sanayn siyaasadooda.
Hadaba taageerada buuxda ee ay siiyaan soomaalilaan iyo horkaca ay horkacayaan soomaalilan waxay tahay soomaalilan mid baal marsan oo sidii lixdankii ayku socoto marka loo eego dawlada oo wixii ay iibsanayso kasoo qaadata shiinaha sida gaadiidkii iyo macadaadkii wadada ceerigaabo iyo madaarka hargeysa oo  wasiirku duulistu sheegay in korantada habeenkii ladoonayo in lagu siraado lagasoo qaadanayo shiinaha iyo kontaraagyada waxsoosaar ee dawladu siinayso shiinaha iyadoo xafiiltan siyaasadeed iyo mid dhaqqaleba ka dhexeeyo shiinaha iyo dawladaha soomaaliland martida uga tahay mustaqbalkeeda siyaasadeed iyagoo kuwii bixiyey amaba danuhu kaaga xidhnaayeen taagan yihiin eegayaana sida ay dawladu u maamusho una qaadanayaan in aanay ahayn meel layku halayn karo kuna taal bogcad  khatar gelinaysa danahooda siyaasadeed iyo dhaqaale  taasoo boog madow ku noqonaysa xukuumada iyo shacabka soomaaliland
Hadaba waxaan madaxweynaha ugu baaqayaa kulana talinayaa in dalka waxsoosaarkiisu iyo waxqabadkiisuba ku salaysnaadaan siyaasada reergalbeedka oo lajoojiyo waxkastoo sumcad xumidii hore ee soomaaliland dib u soo celinaya Lagana dhigo dalka meel ay kalsooni buuxda Ku qabaan 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip