Caynaba Media Group

Reer Somaliland way ku farxeen imaatinka iyo Caafimaadka Suldaan Siciid S C S M Garaad Calishire‏

0
Monday February 02, 2015 - 06:37:10 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 768
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Reer Somaliland way ku farxeen imaatinka iyo Caafimaadka Suldaan Siciid S C S M Garaad Calishire‏

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxmuud Garaad Calishire Garaad Maxamuud Garaad Cali Garaad Maxamed Garaad Maxamed(naaleeye) Garaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxmuud Garaad Calishire Garaad Maxamuud Garaad Cali Garaad Maxamed Garaad Maxamed(naaleeye) Garaad
Cali Garaad Cabdale Garaad Maxamuud Garaad Yuusuf Garaad Liibaan Garaad Cali(dube) Garaad Ciise Garaad Yuusuf Garaad Siciid Garaad Yacquub Garaad Ciise Garaad Maxamuud Garaad Cumar Garaad Ibraahim Garaad Xasan(Xamargale) Garaad Cabdullaahi(Dhidhin).
 
Suldaan Siciid waa Suldaankii 24aad oo dhaxlay aabihii Gu'gii 1997kii waxaa Awow run ah u ahaa Suldaan Maxamuud Garaad Calishire,Garaadkii ugu horeeyey waxaa la caleemo saaray Gu'gii 1298kii waxaana Awow run ah u ahaa Maxamed(Warsangeli).
 
Wixii ka horeeyey Sadexda Suldaan ee ugu dambeeyey waxaa loogu yeedhi jirey Garaad,inay isticmaalaan magaca Suldaan waxaa ugu horeeyey Suldaan Maxamuud Garaad Calishire Gu'gii 1896kii oo taariikh iyo wakhti adag la kowsadey.siduu magacu ubedelmeyna aan sheeko iyo taariikh dheer idiin soo gaabiyo.
 
Gu,gii 1896kii ayaa waxaa loolan madaxtinimo dhexmaray Garaad Calishire iyo Wiilkiisii Maxamuud oo amar diido iyo tartan awoodeed lagalay Garaadka,markay Ciise garaad(Baho Ugayslabe) taageereen Maxamuud Garaad Calishire waxaa timi kala jab iyo tafaraaruq.waxayna Saldanadu gaadhey meel halis ah.Indheergaradkii iyo Guurtidii waxay qaateen go'aan ah sidee Xeegana loo xagtaa Ilkana kunabad galaan.waxayna go'aansadeen in Garaadku intuu talin karo madaxa Saldanada ku negaado Wiilkana loogu yeedho Suldaan.
 
Saldanada xarunteeda caanbaxday waxay ahayd guri laba dabaq ah oo kuyaaley magaalada xeebta ah ee Laasqoray,waxaa iyana jirey fadhiisimo badan oo gobolka ku filiqsanaa,Saldanadu waxaa ilaalin jirey ciidan xoog leh oo gaadiidsada boqolaal Fardaha Carbeed ee dheereeya iyagoo lahaa maal iyo hanti badan.
 
Xiligii Suldaan Maxamuud Garaad Calishire wuxuu Suldaanku xidhiidh joogta ah la lahaa madaxda Carabta iyo hadba reer Galbeedka hadba kii khuseeya.xidhiidhka ka dhexeeyey Suldaanka iyo Seedigii Maxamed Cabdule Xasan wuxuu ahaa midaan fadhiyin,Ingiriiskuna wuxuu ku tuntuunsaday inaanay Suldaanka iyo Ina Cabdulle noqon xulafo.ilaa markii dambe Suldaanku istusay inaanu Ingiriisku ka difaaci doonin awooda Darwiishka oo soo kordheysey,wuxuu Suldaanku amray in la rasaaseeyo Markab Ingiriisku lahaa oo Laasqoray doonayey inuu kusoo xidho.tani waxay abuurtay colaad dhexmarta Ingiriis iyo Suldaan Maxamuud.
 
Arintani waxay mugdi iyo niyadjab ku riday Ingiriiska waxayna shaki gelisey meelmarka heshiiskii damaanada ahaa ee Isaaq iyo Ingiriisku galeen 18885kii.muruq,maskax iyo maalbadan kadib intii taageersanayd iyo Ingiriis waxay Somaliland kasaareen Darwiishkii.markay dhankaa kasoo jeesteen,Ingiriisku wuxuu martiqaad wadahadal oo khiyaano ah Suldaanka ku casuumay magaalada Cadan,markiiba waxaa lasaaray maxkamad aargoosi iyadoo 3dii may 1920kii lagu xukumay 7Sanadood in lagu xidho Siishalis,waxayna Jeelka iskusoo barteen Sacad Z Basha oo markii dambe noqday Raysalwasaaraha Masar.Suldaanku wuxuu dhintay ayaamo kadib markii aynu xoriyada Ingiriiska ka qaadanay.
 
Reer Somaliland mooyee inta Afsoomaaliga ku hadasha majirto cid Taariikhdaa oo kale lasoo shirtegi kartaa waxayna inoo noqonkartaa Halbeeg aynu ka qiyaasan karno Ilbaxnimadeena Faca weyn ee ay xaqiijinayso Saldanadan jiritaankeedu kor u dhaafay 714 Gu'.Waxaa farxad ah in Suldaan Siciid maanta joogo Magaalada Caasimada ah ee Hargeysa isagoo kusoo caafimaaday Daweyn uu debeda ugu maqnaa,waa arin yididiilo gelinaysa midnimadii,iyo kalgacalkii Reer Somaliland ee aynu mudo ku taameyney,Waxaan rajaynayaa anigoo ku kalsoon in Shacab iyo Dowladba lagu maamuuso Saldanadan Taariikhda weyn iyo Suldaankeedaba waxay inaga mudanyihiin.
 
Bashiir Tarabi,Oogle




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip