Caynaba Media Group

DIIWAANGELINTA OO GOBOLADA DALKA LAGA DHAMAYSTIRAA

0
Sunday February 01, 2015 - 16:15:11 in Maqaallo by
  • Visits: 290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DIIWAANGELINTA OO GOBOLADA DALKA LAGA DHAMAYSTIRAA

    WAA FURAHA DOORASHADA MADAXTOOYADA IYO WAKIILADDA SOOMAALILAND WAA FURAHA DOORASHADA MADAXTOOYADA IYO WAKIILADDA SOOMAALILAND

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAA FURAHA DOORASHADA MADAXTOOYADA IYO WAKIILADDA SOOMAALILAND WAA FURAHA DOORASHADA MADAXTOOYADA IYO WAKIILADDA SOOMAALILAND

Diiwaangelinta laga bilaabay jamhuuriyadda soomaaliland 25 september 2014 ee loogu


Horaysiiyey Caasimaadda Hargaysa bishii u horaysay waxay ku socotay si gaabis ah oo cilladda


Ama caqabadda ugu wayni waxay  ahayd  shaqsiyaad  aad u liita oo ka soo horjeeda inay soomaaliland

 

Ku talaabsato nidaamka casriga ah ee caalamka laga isticmaalo one fote one man oo ah in qofkastaaba


Uu halmar codeeyo si natiijadda isla habeenkiiba loo helo xisbiga ku guulaystay tirinta codadka,


Waxaa kaloo dhalinyaradda dhegaha loogu riday  qalabkani waa qalab casriya oo haddii aad faraha 


Iyo inshaha laydiinka qaado ma tahriibi kartaan oo wadankasta oo aad gashaanba dib ayaa la idiin soo 


Celinayaa,waxyaalahaasina waa arrimaha ay diiwaangelintu xawaarihii la rabay inay ku socoto dib loogu 


Riday haddaba waxaa iswaydiin leh doorashaddii wakhtigeeda waxaa ka hadhay  sadex bilood ma laga 


Yaabaa in tiradda ugu yare e la hayo lagu galo doorashada? Ma laga yaabaa yadoo diiwaangelintii aanay 


Ka bilaabman goboladda bariga soomaaliland sida Togdheer,Sool Iyo Sanaag in doorashada la qabanayo?,Malaga yaabaa in 


koomishanku uu soo gudbiyo mar haddii aan la hayn diiwaangelin rasmiya 


Oo goboladoo dhan ka qabsoontay inay soo bandhigaan in sanad ama laba sano kordhin ay dalbadaan?


Su’aalahaasi qofkasta oo caafimaad qabaa oo sadexda xisbi qaran ka tirsani wuu garanayaa inaanay doorashada oo wakhtigeeda la 


qabtaa aanay munaasib ahayn ee loo baahan yahay inay sadexda xisbul


Qaran,iyo Koomishanka ay caqli cafimaad qaba isugu yimaadaan si loo helo kordhin macquul ah oo aan 


Ka badan laba sano si diiwaangelinta iyo diiwaangelinta codbixiyayaashu ay inoogu qabsoomaan wakhti


Mucayina oo qofkasta oo reer soomaaliland ahi uu diyaar u yahay inuu codkiisa si xalaala oo xora u 


Dhiibto si loo helo doorasho xalaala oo xora oo wakhtigeeda qabsoonta oo caalamkana ay u noqoto


Fariin dhafoor taabasho ah oo soomaaliland ay xujo uga dhigayso si mustaqbalka caalamku u dardar


Geliyo sidii soomaaliland loo aqoonsan lahaa wixii dib u dhis iyo horumar ahna loo barbar istaagi lahaa


Sababtoo AH  Soomaaliland waxay noqotay maxad laga barto sida nabadda loo ilaashado,sida doorasho


Loo qabto,Haddii khilaaf yimaadana inay dhexdooda dhamaystaan oo aanay gacamo shisheeshe soo dhexgelin


 Waana waxyaalaha ay caalamka kaga wanaagsan tahay oo wakhtigan la joogo caalamka wadamo ka midi ay 


 

 Ay indhahooda ka laliyaan oo meel aan dawladdi ka jirin oo afartan kilo-mitir haysata


Ay isku mashquuliyaan yagoo eeganaya danahooda lacageed ee loogu soo dhiibayo inay ku dul cunaan


Maamulka muqdisho ee aan cagaha ku taagnayn ee intaa isla daala-dhacaya madaxwaynahooda,


Raisal wasaarahooda iyo gudoomiyahooda barlamaanka oo aanay lacahayn caqli ay isku fahmaan 


Iskuna af-gartaan oo masuulkastaaba uu wadan shisheeye iska leeyahay oo uu dareewalinayo.


Waxaan dhawaaq aad u dheer u dirayaa Qurbajoogasharafta leh ee caalamka ku kala nool waxaan talo idiin soo jeedinayaa


Insha-allaah way dhoowdahay wakhtigii caalamku aqoonsan lahaa soomaaliland waana inaad midoowdaan oo aad 


Ka hawlgashaan oo aydaan ka nasan hadh iyo habeenba sidii aydun ugu ololayn lahaydeen sidii wakhtiyaddii hore aad ugu


Ololaynayseen si ka balaadhan oo caalamkoo dhan gil gila oo aydun barlamaankasta,safaaradkasta,xafiiskasta oo


Wadan laga xukumo aad ka dhigtaan banaanbaxyo nabadgelyo ku dhaca oo aydun ka feejignaataan shaqsiyaadka 


Cadowga ku ah jiritaanka soomaaliland inay idiin soo dhexraacaan ama ay idiinku sameeyaan isku dhacyo colaadeed.

Qalinkii:Saxafiga Madaxa-Banaan Qoraa:Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood.Mobile:4109843 Hargeisa Somaliland Rep




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip