Caynaba Media Group

Yaasiin ka towbad keen qoraalkaaga ay ka muuqato cunsuriyada qafiifka ah‏

0
Thursday January 08, 2015 - 19:21:05 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 534
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaasiin ka towbad keen qoraalkaaga ay ka muuqato cunsuriyada qafiifka ah‏

    Qofka isku magacaabay yaasiin kuma haboona in uu sameeyo Cadowtooyo intaa la eg hadana Qof walaalkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofka isku magacaabay yaasiin kuma haboona in uu sameeyo Cadowtooyo intaa la eg hadana Qof walaalkii

ah uu ku tilmaamo ajnabi aan u dhalan dalka uu joogo

hadaba arinta waxay u muuqataa in uu sameeyey wax isdaba marin inkasta oo uusan u dhalan magaalada hargeysa hadana waxaa  tihii dad walaalo ah diin af muuqaal meel aad ku kala badan tihiin ma jirto

 haday arintu tahay qabyaalada waxaad ka faaiidaysataa qormadaan diiniga ah Islaamka iyo Qabyaalada Sh.Muxamed Macalin Axmed

Anagu Muqdisho ayaan joognaa reer Somaliland cidna kuma dhibno wax loo baahan yahayna maaha

7-01-2015 Gaalkacyo Iyadoo Mushkilada Soomaaliya ka taagan ay sal u tahay is riixriixa Qabaailka ayaa Muxaadaro ku saabsan Qabyaalada iyo Islaamka waxa uu ka qaba Waxaa Sh.Muxamed Macalin Axmed uu ku qabtay Masjidka Ramadaan ee Magaalada Gaalkacyo Xaafada Garsoor.

 

Muxaadarada ayaa Shiikhu waxaa uu ku faahfaahiyay Qodobada kala ah :

 

1-Qeexida Qabyaalada: Qabyaaladu waa inaad la jirtid Qabiilkaaga gar iyo gardaraba, Miisaanka aad Dadka ku fiirinaysidna uu noqdo Qabiilka Sharaf iyo la’aanteed intaba.

 

2-Tilmaamaha Qabyaaladii Islaamka ka hor: Gaaladii Carabeed ee lagasoo saaray Nabi Muxamed waxay ahaayeen kuwo ay aad ugu dheertay Qabyaaladu Tilmaameheedana waxaa kamida:

 

B.Xadgudubka (Dulmiga) T.Faanka (anaa reeb Hebel ah) J.Aano Qabiil X.Inay u kacaan Qof walba oo Qabiilka kamida oo ugu yeera Dagaal iyagoon fiirin ma saxan yahay mise ma saxna.

 

Shiikhu waxaa uu soo qaatay Qabayo Cadaynaya Tilmaamahaas waxaana kamid ahaa:

 

3-Islaamka iyo waxa uu ka qabo Qabyaalada ama Meesha uu ka joogo: Islaamka waxaa uu diiday in Qabiilka la iskugu faano ama isaga dartii la isku dulmiyo ama Dadka lagusoo kala dhawayto waxaana uu dajiyo Qaacidooyin ay kamid yihiin:

 

B.Waxaa idinkugu sharaf badan kan Alle ka cabsada.قال تعالى: (إن أكرمكم عند الله أتقاكم)

 

T.Dadka Iimaanka leh waa Walaalo dhib iyo dheefba wadaaga.وقال جل وعلا: (إن المؤمنون إخوة).

 

J.Xariga ilaahay wada qabsada oo isagu ha idin kulmiyo.وقال سبحانه: (واعتصمو بحبل الله جميعا ولاتفرقوا)

 

X.Wanaaga isku kaalmaysta oo Xumaan ha isugu kaalmaynina. وقال عز وجل: (وتعاونوا على البر والتقوى ولا تعاونوا على الإثموالعدوان)

 

Si kastaba ha ahaatee Muxaadaradaani ayaa waxaa ay qab ka tahay Muxaadarooyin dhawr ah oo Maalmahaan ay kasoo jeedinayaan Wafdi Culimo ah oo jooga Magaalada Gaalkacyo uuna hor ka cayo Sh.Maxamed Macalin Axmed.

 

Cabdiraxmaan Cabdinuur Cabdulaahi

 

Madaxa Warfaafinta ee Mu’asasada Al-Minhaaj

 

Maxakamada Somaliland Oo Go'aamo Ku Riday Nin Tuug Ah Oo Ku Nool Magaalada Hargeysa Ee Caasimada Jahmuuriyada Somaliland.

Hargeysa(  ) Maxakamada Somaliland ee gobolka maroodijeex oo go'aamo ku riday nin uuga oo dhacay shacab badan oo reer somaliland ah.

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Sheekh Ciise Axmed( Kuumi Yare) oo ku nool magaalada hargeysa gaar ahaan fooqa ina afdiinle ee badhtamaha suuqa dhaxdiisa ah ayaa waxaa dhawaan loo taxaabay jeelka kadib markii busho badan oo reer somaliland dacwad ka gudbisay oo uu kula kacay falal budhcadnimo ah.

Dadka uu dhacay ayaa waxaa ka mida qaar ku nool dalka gudahiisa iyo kuwo qurbaha jooga oo uu u sheegay inuu website yo u samaynaaypo lakiin markii uu lacagta ka shubtay kala aamusay.

magaca iyo barta interniteka ee uu ku dhacay dadka ayaa ah ilasy inc.

kadib dhacaaas ayaa waxaa maxakamada somaliland ee gobolka maroodi jeex ku soo rogtay qodobo dhowr ah oo ku kasban doono xadhig dheer oo loo dhaahdiciyo jeelka mandheera hadii aanu fulin una celin  dhamaan dadkii uu dhacay lacagtoodii.

 

Sidoo kale maxakamada ayaa ku soo rogtay in aanu wax website ah oo danbe ka samayn karin gudaha somaliland si dhakhso ahna uga baxo dalka maadaama uu markii horeba si dhuumasho ah oo bilaa sharciya ugu noola gudaha dalka somaliland.

Si kastaba ahaate ninkan ayaaa ka soo baqoolay  ilaa muqdisho si uu dhac uga gayso gudaha somaliland.

lakiin arinkan iyo goaanka maxakamada ayaa waxaa soo dhaweeyay dhamaanba shicibka reer somaliland ee uu dhacay lacagtoodii.

waxii wara ee ka soo kordha kala soco wararkayga danbe

 

Wariye Yaasiin axmed

 Alahayow Arligeenu kii Israaca uu ahaado




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip