Caynaba Media Group

DAGAALLADII IYO WADAHADALLADII DHALIYAY BOQORTOOYINKA SUCUUDIGA &URDUN (2)BY SALEEBAAN AYAX CAWED

0
Thursday January 08, 2015 - 08:04:41 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 492
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAGAALLADII IYO WADAHADALLADII DHALIYAY BOQORTOOYINKA SUCUUDIGA &URDUN (2)BY SALEEBAAN AYAX CAWED

    Sidaan qaybtii 1aad ku sheegnay dadku hadalkay isku af gartaan xooluhuna urta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidaan qaybtii 1aad ku sheegnay dadku hadalkay isku af gartaan xooluhuna urta
, .... wada hadalki wuxu noqday cilmi gaara oo cilmiyada siyaasadda,ama ganacsiga ama millaterigaba ka mid ah, si, haddaba, uu u midho dhaliyo, wuxu u baahan yaha waxyaalaha soo socda:
1.Ujeedado cad, (2) waqti loo ballamo (3) goob lagu wada hadlo (4) iyo Ajandhe qeexan, afartaa qodob waa in dhinacayada wada hadlayaa isla meel dhigaan marka hore iskuna raacaan.
Isla markaa waa in dhinac waliba mar hore , goonidiisa, u sii samaystay: (1) xog ururin {data collection} u fududaynaysa inu guul ka gaadho wada hadalka, (2) istaratiijiyad cad oo cilmiyaysan, (3) ergo xul ah oo u qalanta hadba miisaanka iyo culayska arrintu leedahay, Soomaalidii hore ninba miishu u qalmo ayay u diri jirtay, ragbaan meesha wanaaga iyo nabadda laga doonayo loo diri jirin (4) in la sii qeexo awooda ergeyga ama ergadu leedahay, (5) in laga sii werwer tiro ergada dhinaca dhaqaalaha, iyo ammaankaba, waxana furan oo u bannaan dhinac walba inu kaalmaysto la taliyayaal qarsoodi ah oo ka caawiya dhinaca farsamada ama qawaaniinta oo lagu xusho waaya aragnimadooda iyo qiimaha kharashkooda.
Gogol dhiggaa kooban ka bacdi aan u gallo haddaba qormada maanta cinwaanka kor ku qoran:
wada hadalkii fashilmay ee dhex maray Sheekh Mubarak Aal-Sabaax, iyo Imaam/Cabiraxmaan bin Faysal Aal Sucuud oo isku dhinac ka soo jeeda iyo amiirkii Xaayil ee Cabdilcasiis bin Mutcib AlRahsiidi waxa ka dhashay dagaal ay isku bahaysteen labada hore oo aakhirkii lagu jebiyay Bin Rashiid..Jmaam Cabdiraxmaan oo dib u qabsaday Najad (Riyaad) wuxu ku wareejiyay xukunkii inankiisa Cabdilcasiis oo magacii imaamka ku bedeshay BOQOR noqdayna Boqor Cabdilcasiis Aal Sucuud, wuxu sameeyay ciidamo la baxay WALAALAHA (Ikhwaan) oo loo sameeyay direys gaar ah markii u horraysay, magaalooyinka Maka, Jida iyo madiina (Xijaas) waxa haystay Shariif Xuseen bin Cali oo ka soo jeeda dirkii Faadumo Rasuul (RC), Xijaas waxa ku badnaa dariiqooyinka suufiyadda ama suufinimada, Najad ama Riyaadna waxa xoog ku lahaa dariiqada Wahaabiyada ee taabcsan Sheekhoodii caanka ahaa ee Sh. Maxamed Cabdilwahaab kana tirsan mad-habta Xanbaliga.. Fusuq fara badan oo aan laga sheekayn karin ayaa ka jiray xijaas waqtigaas, waxa la soo cadeeyay in khamrada sida shaaha loogu gadi jiray makhaayadaha xaramka hareerihiisa, maamulka Shiriifkuna wuxu ahaa mid aad u jilicsan oo diciif ah oo bilaa haybad ah, waxa loo keeni jiray Shiriif Xuseen waqtiga xajka xoolo fara badan oo mood iyo noolba leh kana iman jiray afarta beyni jaho ee adduunka iyadoo loo kala dheeraynayo ducadiisa..wuxu baylihiyay amnigii gudaha iyo kala dambayntii, waxa dhici jiray Maka iyo Madiina gudahooda fawaaxish iyo fal dembiyeedyo aan la soo koobi karin, ..baabuuri ma jirin, waxa loogu kala socon jiray labada Xaram awr u raran xujaajta, qabiilooyin dhan oo la garanayo ayaa budh-cadnimada caan ku ahaa oo shaqo ka dhigan ka jiray oo aan risiq kaleba lahayn oo jid gooyo ku samayn jiray xujaajta muslimiinta ah ee ka kala timi ilaa Induniisiya ilaa Marooko kuwaas oo u kala socda Maka iyo Madiina, wax badan ayaa caalamka islaamku uga ashkatooday Shariif Xuseen inu wax ka qabto arrintan laakiin waxay noqdeen kuwa wax dhacayaa qabiilooyin uu ka baqayo taasina waxay keentay in fawaaxishkii iyo dunuubti sii fido oo faraha ka baxdo, wuuxu shiriifku hadhsanayay oo isna baad siin jiray Boqortooyadii Cismaaniyada oo xoog lahayd, markii se dagaalkii kowaad lagu jibiyay iyaga iyo jaarmalkii, Bulgariya iyo Awsteriya, waxa mandiqadii qabsaday gaashaan buurtii dagaalka ku adkaatay sida Ingiriiska, Faransiiska iyo Maraykanka,hadaba iyadoo reer Najad markii horeba ul booca ugu tukubayeen Shariif Xuseen oo ay lahaayeen waar innagaa cid islaama oo urursan ama habaysan ugu dhow labada xaram eh aynu ka xoraynu kacbada iyo qabriga Nebiga(csws) fusuqan iyo qaadical-dariiqa..iyagoo sidaa leh oo Turkigina jabay ayuumbaa budh-caddi ku furatay xujaaj reer Najad ah Maka iyo Madiina dhexdooda, taasina waxay u noqotay ciidankii walaalaha (Ikhwaan) ee wahaabiyiinta sabab wanaagsan oo soo dedejisay inay ku duulaan xijaas, ..duulaanka Boqorku ma soo raacin oo wuxu ku hadhay Riyaad, Ingiriiska iyo Boqor Fu'aadkii Masar oo iyagu la saaxiib ahaa shiriif Xuseen wuxu u sheegey in aanu damac siyaasadeed ka lahayn xijaas ee uu baabi'inayo oo keli ah dadka ammaan darrada ka wada Maka iyo Madiina, marka uu amniga sugana ciidamadiisa kala bixi doono oo ku celin doono Najad iyo Riyaad. ciidamadii wahaabiyiintu waxay si dhib ah ku qabsadeen Daayef waxa ku xigtay Maka dabadeedna waxay u gudbeen Jidda waaxayna aakhirkii ay gaadheen Madiina.. waxay burburiyeen daarul arqum, qabrigii Khadiija (RC) iyo geedkii Nebiga aawadii u dunuunuci jiray sidii hal dhashay oo kale (Wuxu ahaa geed mucjiso ah oo Nebigu (CSWS) ka hoos khudbadayn jiray markii dambana Nebiga (CSWS) waxa loo sameeyay meel menbar ah..markki uu (CSWS) Menbarkii ka khudbeeyay ayuu geedki si bayaan ah oo la wada maqlayo u dunuunucay markaasaa Nebigu (CSWS) intu soo degey kacantiisa sharafta leh ku salaaxay markaasuu aamusay), sida la sheegey Boqor Cabdilcasiis lama odhan karo wuu ka cadhooday burburinta meelahaa taariikhiga ah oo ay ciidamadu ku sheegeen bidco keenaysa shirki laakin waxa la yidhi wuu ka xumaaday waayo nimankan Ikhwaanku isaga laftiisa wey ka baawar weynayeen mararka qaarkood isaguna danbuu ku watay oo ma rabin inu ka hor yimaado. sida la sheegey qabiiloyin dhan ayaa ama qaxay ama dhammaaday oon cidi ka hadhin xijaas gudaheeda, markii nabad gelyadii isku dubba dhacday waxa la gaadhay heer salaada loo dareero dukaamadoo iska furan oo ballaqan..xajkii ugu horreeyay intii Sucuudigu xijaas qabsaday wuxu soo galay 1925 iyadoo sannadkaa Masaaridu soo diyaarisay hugii laguu dedayay ama lagu shaqlayay kacbada..waxa la soday sidii caadadu ahaan jirtay koox muyusig tumaysa, oo dee muyusig ayaa lagu saari jiray maradan kacbada berigii hore laakin markan wahaabiyiintii ayaa diiday oo ku yidhi masaaridii joojiya muyusiga dabadeed masaaridi wey diideen kuwanina rasaas bay ku fureen oo dhowr qof oo masaari ah ayaa ku dhintay..xidhiidhki Masar iyo Boqor Cabdilcasiis ayaa halkaa ku go'ay....inta dhaacdooyinkani xijaas ka soconayeen, dhinaca kale waxa barbar socday arrimo muhiim ah oo saamayn weyn ku leh dagaalkan maka iyo madiina sida fulinta axdigii lagu kala saxeexday qasriga Fersaay (Treaty of Versailles) oo Suuriya iyo Lubnaan lagu wareejiyay Fransiiska Falastiinna lagu wareejiyay Ingiriiska, ..wada hadalkaas Versailles oo ka dhashay kala adkaantii lagu kala adkaaday dagaalkii kowaad wuxu soconayay 6 bilood waxana halkaa isku dhiibay oo kabaha afka ku qaaday Jarmalkii oo lagu xukumay inu qirto masuuliydda dagaalka iyo inu bixiyo mag dhaw ah 269 Bilyan oo Mark iyo inu wareejiyo dhammaan dhulkii uu gumaysan jiray..iyo ..iyo..wax ciidaa ka badan oo ay ka mid tahay in aanu samaysan karin dayaarado ama hub....sidoo kale waxawada hadalkaa ku burburtay oo ku dhammaatay dawladdii Boqortooyada Cismaaniya ee turkiga oo iyana lagala wareegey dhammaan dhulkii ay xukumaysay Afrika iyo Eeshiyaba oo xitaa dhulkeedii ay lahayd meelo ka mid ah giriiga la raaciyay... Boqor Cabdilcasiis markaasu la saaxiibay gaashaambuurtii dagaalka ku adkaatay isla markaana ka dhammaystay inu xijaas isagu gacanta ku sii hayo .........
Waa inoo khamiista dambe inshallah iyo bilowgii masiibooyinka ilaa hadda ka socda bariga dhexe iyo sida fudud ee dhayal-dhayalka ah ee ay wax u dhaceen ...!!

Saleebaan Ayax Cawed



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip