Caynaba Media Group

Amaanka Gobolka Togdheer Hoos Udhaca Ku Yimi Sanadkii Tagay Iyo Sababihii Keenay +Warbixin

0
Wednesday January 07, 2015 - 08:57:53 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 1159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amaanka Gobolka Togdheer Hoos Udhaca Ku Yimi Sanadkii Tagay Iyo Sababihii Keenay +Warbixin

    Xaalada Amaanka Gobolka Togdheer Ayaa Sanadkiii Tagay Laga Dareemayay Hoos Udhac Ku Yimi Dhinaca Amaanka Marka Loo Eego

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalada Amaanka Gobolka Togdheer Ayaa Sanadkiii Tagay Laga Dareemayay Hoos Udhac Ku Yimi Dhinaca Amaanka Marka Loo Eego

 Sanadadii Ka Sii Horeeyay Oo Amaanka Goblka Togdheer Uu Aad Uga Xasilanaa,

Sanadkii Tagay Ee 2014 ayay Gobolka Togdheer La Soo darseen arimo Badan Oo Dhinaca Amaanka Ah Iyadoo Badankoodana la Xaliyay Arimahaasi nabadgelyo Darada  Keenay Hase Ahaatee Reebay Xasuuso Ku Suntan Maamulka Gobolka Iyo  Taliyaha Qaybta Booliiska Ee Qaabilsa Amaanka Gobolka, Kuwaasi Oo Aan Gudanin Waajibaadkoodii Shaqo Marka Loo Eego Sanadadii ka Horeeyay Sida ay Amaanka U Ilaalin Jireen Maamuladii Ka Horeeyay,

Badhasaabka Gobolka Togdheer Mudane:Maxamed Muuse Diiriye oo ahaa badhasaabkii ugu danbeeyay eeSanadkii Tagay  laga soo magacaabo dhinaca Madaxtooyada Somaliland ayaa Noqday Badhasaabkii Ugu Liitay Wax kaqabashada Dhinaca amaanka Marka Loo Eego Badhasaabadii Ka Horeeyay Oo Xooga Saari Jiray Adkaynta amaanka Gobolka, Sidoo Kalena Sanadkii Tagay Ee 2014 Ayaa waxa Ka Dhacay Gobolka Togdheer  Rabshado iyo Dagaalo Kuwaasi oo Keenay Dhimashada Iyo Dhaawaca Dad Isugu Jira Masuuliyiin Iyo Shiciba, Waxaana Arimhaasi Ka Masuul ahaa Waxkaqabashadooda Badhasaabka Gobolka Iyo Taliyaha Booliiska Gobolka Oo Labadooduba Ku Guul Daraystay Xalintii Khasarahaasi,

Khasaaraha amaandaro ee dhacay sanadadii Tagay ayaa waxa ka mid ahaa Dagaalkii Koobnaa ee ka dhacay Deegaanka Bali-Diiriye 15/august/2014 halkaasi oo Koox Hubaysani ay Dagaal kala Horyimaadeen Maamulkii Gobolka Iyo Taliyihii Booliiska Kadib Markii ay Ku Guuldaraysteen xalintii Khilaafkii Ka Dhashay Deegaanka Baliga Diiriye Oo Ay Isku Qabteen Laba Beelood OO Wadadega deegnaakaasi, waxaana Maalintii uu weerarkaasi dhacay halkaasi ku dhaawacmay Taliyihii Qaybta 12aad ee gobolka togdheer mr:kayd iyo taliyihii booliiska Dawlada Hoose,

Arintaasi Baliga Diirye oo uu ku guuldaraystay xalinteeda mr:maxamed Muuse ayaa ugudubtay Dhinaca Madaxtooyada Somaliland Iyadoona Loo soo Magacaabay Gudi Guurti ah oo arintaasi  kala Dhex Gasha, Waxaana Gudidaasi Ay Go,aano Ka Soo Saareen Deegaankii ay isku Haysteen Beelihii Isku Haystay, Intaasi kadib Badhasaabka Gobolka Togdheer Iyo Taliyaha Booliiska Gobolku Waxa Ay Ku Guul Daraysteen Oofinta Iyo Fulinta Go,aamadii ay Soo Saareen Guurtidu,

Iyadoo wax kastaaba ay qaderka alle udhacaan ayay hadana a Badhasaabka Iyo Taliayaha Booliiska Gobolka Togdheer Ku guuldaraysteen Joojinta Rabshadahii ka dhacay Gobolka Togdheer 15kii nivember Ee Sanadkii Tagay 2014, Rabshadahaas Oo Uu Soo Abaabulay Xisbiga Waddani, Iyadoona Habeenadii Ka Horeeyay Uu Xisbigaasi iclaamiayay Inay Rabshadahaasi Dhici Doonaan, AYay Hadana Maamulka Gobolka Iyo Taliyaha Amaanku ay Dhegaha ka furaysteen Inay Ka Hortagaan Rabshadahaasi, Waxaana Halkaasi Ku Nafwaayay Hal Ruux Iyo Dhaawaca lix kale, Waxaana Isla Maalintaasi Rabshadahaasi Ka mid ahaa dadka dhaawacu Ka soo Gaadhay Badhasaabka Gobolka togdheer oo Dhaawac Sahlani Kasoo Gaadhay Madaxa Ka dib Markii Uu Dhagax Ka Haleelay Madaxa,

Sikastaba Ha ahaatee Sanadkii Tagay Ee 2014ka ayaa umuuqday sanadkii Ay soo Mareen Gobolka togdheer  Masuuliyiintii Ugu Liitay Ee Loo Soo Magacaabo , Waxaana Masuuliyiinta Loo Soo Magacaabay Ay Kaga Jeesteen Gobolka  Shaqo kale oo aan Ahayn Tii loo igmaday Sida Shaqadii Dawlada Hoose Oo uu Badhasaabka Gobolku Shaqo Ka Dhigay Inuu Markastaba Kala Saaro Una Kala Garnaqo Dad Isku Haysta Guryo, Dhulal Iyo Arimaha Bulshada Hoose Ee Loo Xilsaaray Dawlada Hoose Iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka, Sidoo Kale Badhasaabka Togdheer ayaa caadaystay Ka qaybgalka Xaflad Kasta Oo Kadhacda Degmada Burco Taasi Oo Aan Shaqadiisa ahayn.


Burco Xabiibcige@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip