Caynaba Media Group

DOWLADDA HOOSE EE MAGAALADDA HARGEYSA OO KU FASHILANTAY DAYACTIRKA IYO BILICDA CAASIMADDA .

0
Tuesday January 06, 2015 - 22:20:25 in Wararka by
  • Visits: 778
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DOWLADDA HOOSE EE MAGAALADDA HARGEYSA OO KU FASHILANTAY DAYACTIRKA IYO BILICDA CAASIMADDA .

    "Magaaladii Hargeysi ma waxay noqotay dhismaha waddada Wadnaha ee marta badhtamaha oo keliya ".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Magaaladii Hargeysi ma waxay noqotay dhismaha waddada Wadnaha ee marta badhtamaha oo keliya ".

Sidaan ka war hayno Hargeysi waa Caasimadii iyo Hogaankii waddanka waana meesha qudha ee ay ishu qabanayso ee kutaal waddanka, Laakiin sanadihii ugu dambeeyey Xaaladu sidaas way kaduwanayd tan iyo la doortay Goolaha Degaanka ee uu gadh wadaeenka ka yahay Cabdiraxmaan Maxamud Caydiid "Soltelco "
Hargeysi waxay noqotay meel Aad uga hosaysa halkii la doonayey in la tartanto Caasimadaha wadamada Afrikada bari ee la aqoonsan yahay balse waxa noqotay mid qiimo ahaan iyo Horumar ahaanba ka liidata kuwa la jaarka ah ee ku dhaqan bariga Afrika,


Sababta oo ah Koriin la’aanta Caasimadu waa mid ku guddo noqotay Golaha deegaanka Ee uu Gadhwadeenka ka yahay Mr.Cabdirahamaan Soltec,
Xaqiiqad ma aha mid indha laga qabsan karo basle waxa ay ka muuqato Magaalada dhexdeeda, Taas oo xaalada hadda ay ku sugantahay Xaga Horumarka iyo Nadaafadu ay aad u liidato marka laga reebo dhismayaasha casriga ee ay maal gashadeen ganacsatada dalku

Bal eeg badhtamaha magaalada waxaa Shaqadii Nadaafada ee qashin gurka la siiyey Sharkado lugu sheegay in ay dawlada Hoose la galeen Heshiisyo kuwaas oo siday u badantahay aan gudan shaqadii loo xilsaaray taas oo daba shaqayntiina Maayirka iyo golihiisa deegaanku ay meesha ka maqantahay, Dhanka kale Magaalada Hargeisa waxaa ku yaala Dooxyo iyo Laago kuwaas oo Hadda la ceegaagaya qashin iyo gudaafad oo Xitaa wadiiqooyinkii ay bulshadu ka talaabi jirtay ay xidhmeen oo laga guuray, sida goobta dooxa ah ee looga talaabo Maxkamada Hargeysa, Biriijyada Hargaysa Hoostooda oo Biyo caafimaad daro keenaya iyo Qashin badani yaalo, Laagaha xaafadaha Dhexmara oo iyaguna qashin iyo qudhun la ceegaagan.

Waa ayaan darro in Kabkabkii dawlada dhex bixin jirtay ee wadooyinka aan looga faaidaysan sidii ugu haboonayd misana ay liitaan Dhismaha wadooyinkii magaaladu Kuwodii ugu muhiimsanaa sida wadada labaad ee magaalada wadaada isku xidha suuqa gobanimo iyo xaafada boqol iyo kontonka , wadada isku xidha Saldhiga dhex ee Hargeysa Ilaa Biriijka weyn, iyo Wadooyinka degmooyinka Axmed dhegax iyo Maxamuud haybe, sida oo kale wadooyin muhiima oo dhex mara xaafadaha magaalada hargaysa

Sido kale Waxaa Burbur badani ku yimid wadooyinkii Waaweynaa ee hal bowlaha u ah Caasimada Somaliland ee hargeysa taasi oo sababta isku dhaca baabuur badan iyo shilal ka dhaca gudaha magaalada hargeysa wadooyinka ayaa ka Sii daraya maalinba maalinta ka danbeysa .Jidadka Caasimada ayaa waxaa ka dilaacay Hogagag badan iyo Boholo Sida sawiradan ku aragto waa wadad isku xidha Suuqa gobanimo iyo is goyska boqolka iyo kontanka isla markaana loo yaqaan wadad idaacada

 
Haddaba waxay shacabku is waydiinayaan in Dhamaan goolihii deegaanka ee aqoonta lugu tuhmaayey iyo khibrada ay u leeyihiin deegaamaynta iyo qurxinta maagaaladu ay noqdeen kuwo aad u gabay shaqadoodii oo lugu hungoobay.

Hargeysi ma waxay Sidaas u sii ahaan doontaa Mid ka dambaysa Magaalooyinka kale ee la deriska ah
Kuwaas oo wakhtigan Hadda ka horeeya Xaga horumarka ee Ku jira gacanta dawladahooda hoose, Laakin ogow muwaadin Dhismayaasha bilicda san ee kuyaal Hargeysa ee ay dhiseen dadka muwadiniinta dalka maal gashaday waa kuwo u dhigma kuwa kuyaal wadmada la aqoonsanyahay ee Barigan Afrika ee aynu ka tirsanahay, laakiin qashinka iyo gudaafad xashiiska buux dhaafiyey wadooyinka, iyo burburka aan kaabista loo samaynahayn ee Wadooyinku waa kuwo ay inagag horumarsanyihiin degmooyin Hargeysa ka heer hooseeya.
 

 Siciid Faarax Cagjar
Hargeysa -Somaliland 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip