Caynaba Media Group

Mareegtebaan akhristaa bulshow oo arimaha bulshada saamaynta kule ka dheehdaa??? by abdirashid osman‏

0
Tuesday January 06, 2015 - 21:56:44 in Maqaallo by Editor Caynaba News
  • Visits: 408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareegtebaan akhristaa bulshow oo arimaha bulshada saamaynta kule ka dheehdaa??? by abdirashid osman‏

    Dhamaan waxaan salaamayaa bulshada somaliland qaybaheeda kala duwan meel kasta oo ay kala joogaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhamaan waxaan salaamayaa bulshada somaliland qaybaheeda kala duwan meel kasta oo ay kala joogaan.


Maanta waxaan qalinka u qaatay inaan waxyar ka idhaahdo arin aan filayo in akhristayaal badan ama bulshada somaliland ay ila aragtay taas oo ku saabsan SAXAAFADEENA qaybaheeda kala duwan ,khaasatan MAREEGAHA.

Hadii aad istaaho wax cusub ka raadi mareegaha ku abtirsada jamhuuriyada somaliland lagama yaabo inaad ka hesho wax ku soo jiita ,bal waxaad kuwada arkaysaa mowduucyo isku wada mida how badnaadeenba warar ama arimo la xidhiidha siyaasad,lagama yaabo inaad ku aragto mowduuc ka hadlaya arimaha bulshda qaybaheeda kala duwan ee si toosa u saamaynkara nolosha bulshada,
sida dhinacyada caafimaadka,tacliinta ,adeegyada asaasiga sida biyaha,degaanka iyo mushkiladaha ku gedaaman ee ragaadiyey ilaa iyo iminka loo la,yahay xal,tacadiyada ka dhanka haweenka iyo caruurta,wadooyinka iyo shilalka badan iyo arimaha sababa,nadaafada iyo fayodhowrka,caruurtan dhibta ku haysa bulshada ee kooxkooxaha isu abaabula iyo sida ay qaybaha amaanku wax uga qaban waayeen iyo arimo kaloo badan .

Waxaadse moodaa saxaafadeenu si guud inay uun uga shaqayso siyaasada madhalayskaa ee aan bulshada guud waxba uga faaiido ahayn,taa lafteeda ugama hadasho si hufan oo xirfadaysan se yada lafteeda waxay ka daydaa xamaasad iyo xasarad aan loo baahnayn mararka qaarkoodna waxaqabay abuurtaa iskudhacyo ,hadaba suaasha taagani waxaytahay maxaa u diiday ama ka daahay saxaafadu inay arimahaa aan kor kusoo xusay ee bulshada faaiidada ule inay ka hadasho ama siiso qayb mugle madaama oo ay ahamiyad ka badan tan siyaasada u leedahay bulshada?????

Guntii iyo gabagabadii saxaafada somaliland waxay u baahantahay in lagu sameeyo dib u eegid iyo sixid taxadir badani ku jiro ,waxaa loo baahanyahay in lahelo khubaro saxaafadeed oo arimahaa inagala shaqeeya marhadaanay jirin ama inagu yaryihiin dadkii ehelka u ahaa majaalkan ,waxaa ladoonayaa in lasoo saaro saxafi ule khibrad arimaha dhaqaalaha,caafimaadka,degaanka,tacliinta,iyo majaalaadka kalee badan.

macquulmaaha in bulshada lagu wareeriyo muran siyaasadeed oo madhalaysa oo isaga laftiisu qalfoofa,waxaynu u baahanahay inaynu garano in bulshadu u baahantahay wax siyaasada dhaama oo faaiido ule ,waxaynu u baahanahay in bulshadeena laga jaahilkasaaro arimaha saamaynta noloshoodakule ee ka dhiman ama sida qaldan ay u isticmaalaan.


abdirashid osman
abdirashidsmn@yahoo.com
00971506972985
Dubai



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip