Caynaba Media Group

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka waramay inta badan khaladadka dawlada somaliya ee iska hor keena madaxda somalida

0
Tuesday January 06, 2015 - 18:42:48 in Wararka by
  • Visits: 661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka waramay inta badan khaladadka dawlada somaliya ee iska hor keena madaxda somalida

    KENYA(CYN)Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo u waramay Idaacada VOA laanteeda afka Soomaaliga, ayaa ka hadlay Siyaasada Soomaaliya gaar ahaan Qaladaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KENYA(CYN)Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo u waramay Idaacada VOA laanteeda afka Soomaaliga, ayaa ka hadlay Siyaasada Soomaaliya gaar ahaan Qaladaad uu sheegay in ay ku dhax jiraan Dastuurka KMG ee Soomaaliya. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in uu qabo in dastuurka Soomaaliya uu ka dhax jiro qaladaad inta badan keena in uu Khilaaf dhaco ama la isku qabsado awoodaha, waxa uuna ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo qodobada qaar si looga gudbo is qab qabsiga iyo waxyaabaha kale ee sharaf dilaya Dowlada.


"Dastuurka Somalia qalad ka jiro ayaa mar walba sababa isqabqabsiga madaxda dowlada, waxay ila tahay in mar la fariisto oo la isla eego meesha qaladka uu ka jiro, hogaanka mar waliba inuu liico oo khilaaf yimaado wadanka wax uma tareyso sharafta dowladana hoos ayey u dhigeysaa” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.


Madaxweynaha Dalka Jabuuti ayaa dhanka kale sheegay in muhiim tahay in xiligan la tayeeyo Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in ay haboontahay qarashka faraha badan ee la galiyo AMISOM in loo weeciyo oo lagu dhiso ciidanka Soomaaliya.

Khilaafka inta badan soo kala dhax gala Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa inta badan la tilmaamaa in uu salka ku hayo qaladaad ka jira Dsatuurka oon si cad u qeexen awoodaha ay kala leeyihiin labada Masuul. 

Mursal Caydiid 
Caynabanews Kenya


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip