Caynaba Media Group

Turkiga oo si Weyn uga carooday Sawir Gacmeed laga sameeyay Madaxweyne Erdogan

0
Thursday October 29, 2020 - 02:12:07 in Wararka by Editor Caynaba News
  • Visits: 166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo si Weyn uga carooday Sawir Gacmeed laga sameeyay Madaxweyne Erdogan

    Dowlada iyo shacabka Turkiga ayaa si weyn uga carooday Sawir gacmeed uu Wargeyska Charlie Hebdo ee kasoo baxa dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada iyo shacabka Turkiga ayaa si weyn uga carooday Sawir gacmeed uu Wargeyska Charlie Hebdo ee kasoo baxa dalka

Faransiiska ka sameeyay Madaxweynaha Turkiga  Recep Tayyip Erdogan.

Warbaahinta Turkiga ayaa ku warantay in sawir gacmeedkan gafka ah si weyn uga caroodeen dowlada iyo shacabka, waxa ayna Warbaahinta sheegeen in dowlada qaadeyso tallaabooyin sharci, iyo kuwo diblomaasiyadeed.

Wargeyska Charlie Hebdo ayaa sameeyay Sawir-gacmeed muujinaya madaxweynaha Turkiga oo kor u qaadaya dharka haweeney xijaaban, waxa ayna Sawirkan ugu gafayeen sharafta Madaxweynaha Turkiga.

Shacabka Turkiga ayaa si weyn uga falceliyay sawir gacmeedkan loogu gefay Madaxweynahooda, waxa ayna weerar afka ah ku qaadeen dowlada Faransiiska iyo Madaxweynahooda Marcon.

Xiisada Siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladaha Turkiga iyo Faransiiska ayaa sii xumaaday kadib markii Madaxweynaha Turkiga ku tilmaamay Madaxweynaha Faransiiska mid madaxa looga jiro una baahan in baaritaan lagu sameeyo.

Wadamada Caalamka islaamka ayaa waxaa ka socda banaan baxyo waa weyn oo looga soo horjeedo gefka Madaxweynaha Faransiiska u geestay Diinta Islaamka , waxaana wadamada islaamka ka bilowday in aan la iibsan akaabaha Turkiga soo saaraan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip