Caynaba Media Group

James Swan iyo Wafdi la socday oo gaaray Dhuusomareeb lana kulmay Qoor Qoor (Sawirro)

0
Wednesday October 28, 2020 - 01:41:35 in Wararka by Editor Caynaba News
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    James Swan iyo Wafdi la socday oo gaaray Dhuusomareeb lana kulmay Qoor Qoor (Sawirro)

    Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug gaaray Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug gaaray Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
 u qaabilsan Soomaaliya, Mr. James Swan, iyo wafdi uu hogaaminayay.
 
Wefdiga uu hoggaaminayey Ergayga Xoghayaha Guud QM ee Soomaaliya, waxaa qeyb ka ah qaar kamid ah Wakiiladda beesha caalamka sida; EU Nicole Miller, AU Francico Madeira, & IGAD Jamal Ahmed. waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb uu kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka DGM.
 
Intaa kaddib Wefdiga uu hogaaminayay Ergayga Qaramada Midoobay ayaa loo soo galbiyey Xarunta Madaxtooyadda Galmudug Halkaas oo ay kulan kula qaateen Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye.
 
Kulankan ka dhacay Madaxtooyada maamulka Galmudug ayaa diiradda lagu saaray Arrimo ay kamid yihiin Doorashooyinka dalka ka dhacaya, xoojinta amniga & Iskaashiga Dowlada Federaalka iyo Dowlad goboleedyada.
   



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip